
30/08/2025
Faa’iidooyinka Qajaarka (Cucumber)
Qajaarku waa midho cagaaran oo laga helo biyaha badankood (in ka badan 95%). Waxaa loo isticmaalaa salad-ka, cabitaanada, iyo qurxinta maqaarka. Waxa uu hodan ku yahay vitamin K, vitamin C, iyo maaddooyin ka hortaga caabuqa. Waxa uu caan ku yahay qabowgiisa iyo nadiifinta jidhka.
Faa’iidooyinka Caafimaad ee Qajaarka:
1. Fuuq celinta Jidhka:
Qajaarku wuxuu ka kooban yahay biyo badan oo kaa caawiya in jidhkaaga si wanaagsan isu soo fuuq celiyo, gaar ahaan xilliyada kulul.
2. Qurxinta Maqaarka:
Qajaarka ayaa si weyn loogu isticmaalaa wajiga wuxuu yareeyaa bararka, indho guduudashada, cuncunka, iyo finanka. Sidoo kale wuxuu iftiimiyaa maqaarka.
3. Daryeelka Caloosha iyo Dheefshiidka:
Qajaarka waxaa ku jira fiber iyo biyo badan, taas oo ka hortagta calool fadhiga, isla markaana hagaajisa socodka dheefshiidka.
4. Kordhinta tamarta jidhka:
Cunto ahaan, qajaarku wuxuu yahay mid fudud oo caafimaad leh. Wuxuu kaa caawinayaa inaad dareento firfircooni iyo degganaansho maalin kasta.
5. Yaraynta cadaadiska dhiigga:
Qajaarku waxa uu caawiyaa hoos u dhigista cadaadiska dhiigga (blood pressure), gaar ahaan dadka qaba dhiig-karka, maadaama uu hodan ku yahay maaddada potassium.
6. Ka hortagga caabuqyada iyo fangaska:
Qajaarku wuxuu leeyahay maaddooyin dabiici ah oo ka hortaga caabuqa (anti-inflammatory) iyo fangaska, taasoo gacan ka geysan karta in la yareeyo infekshannada fudud.
7. Caawinta miisaanka oo yaraada:
Qajaarku waa cunto miisaan yar leh (low calorie) laakiin aad ku dheregayso. Waxa uu ku habboon yahay dadka doonaya in ay miisaankooda dhimaan si caafimaad leh.
Sida Loogu Isticmaalo Qajaarka:
Cunto ahaan: Waxaa lagu daraa salad-ka, suugada, ama sidiisa ayaa cunaa.
Cabitaan ahaan: Waxaa loo Cabaa Sharaab ahaan iyo lagu darayo biyo si uu uga qayb qaato Fuuq celinta Jidhka.
Sidoo kale Waxaa laga sameeyaa maaskaro wajiga marsado si uu maqaarka u dhalaaliyo.
Gunaanad:
Qajaarku waa midho sahlan, qiimo jaban, balse faa’iido weyn leh. Waxaa uu jidhka siisaa biyo, macdan, iyo difaac dabiici ah. Waxaa muhiim ah in lagu daro cuntooyinka maalinlaha ah si loo gaadho caafimaad wanaagsan iyo muuqaal qurux badan.
Dr Maahir Al-Nafis
Like and follow