Halal Eye Specialist Hospital

Halal Eye Specialist Hospital Isbitaalka indhaha Xalaal waa mid kamid ah isbitaallada indhaha ugu weyn Muqdisho, wuxuu ku yaallaa degmada Yaaqshiid - Suuq Bacaad, la xiriir 0615593117

06/02/2024

𝐖𝐚𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧
Waxaa isbitaalka indhaha Halal Eye Specialist Hospital dib ugusoo laabtay Dr. Axmed Xalaal oo muddooyinkan safar uga maqnaa dalka, wuxuuna ka billaabay qalliino indho fiiq lacag la'aan ah.

Isbitaalku wuxuu yu yaallaa Yaaqshiid, Suuqbacaad, kasoo horjeedka Dahabshiil, wixi faahfaahin ah kala xiriir 0619750002/0619868352

Isbitaalka indhaha Xalaal waa mid kamid ah isbitaallada indhaha ugu weyn Muqdisho, wuxuu ku yaallaa degmada Yaaqshiid - Suuq Bacaad, la xiriir 0615593117

29/04/2023

Isbitaalka indhaha Halal Eye waxaa ka socda qalliino indha-fiiq lacag la'aan ah oo loogu talagalay in ey ka faa'iideestaan dadka aragga la' ee ku nool gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa, isdiiwaan galintu waxey ka soctaa isbitaalka oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, Suuq Bacaad, dhanka waqooyi ka saaran xarunta Hormuud Suuqbacaad.

Isbitaalka indhaha Xalaal waa mid kamid ah isbitaallada indhaha ugu weyn Muqdisho, wuxuu ku yaallaa degmada Yaaqshiid - Suuq Bacaad, la xiriir 0615593117

15/01/2022

Mid kamid ah qalliinnada toosinta indhaha ee lagu fuliyo isbitaalka Halal Eye Specialist Hospital.

Qalliinkan toosinta indhaha waxaa Soomaaliya oo dhan looga sameeyaa isbitaallo kooban oo uu kamid yahay isbitaalka indhaha Xalaal.
Isbitaalku wuxuu ku yaallaa Muqdisho - Suuqbacaad.

01/09/2021

Halkan ka daawo adeegyada aad ka heli kartid isbitaalka indhaha Xalaal oo kamid ah isbitaallada indhaha ee ugu waaweyn magaalada Muqdisho

Isbitaalka Indhaha Xalaal waxaa idinkugu diyaar ah Dr. Axmed Xalaal  oo ah dhakhtar ku takhasusay indhaha, shahaadada ca...
13/07/2021

Isbitaalka Indhaha Xalaal waxaa idinkugu diyaar ah Dr. Axmed Xalaal oo ah dhakhtar ku takhasusay indhaha, shahaadada caafimaadka guud ka heesta Jaamacad ku taalla dalka China, halka shahaadada sare ee takhasuska indhaha uu ka heesto jaamacado ku kala yaalla Pakistan iyo Soomaaliya, kana soo howl-galay 16 gobol oo kamid ah gobollada Soomaaliya.

Adeegyada aad ka heli kartiin Isbitaalka Indhaha Xalaal waxaa kamid ah:
-Baaritaanka iyo daweynta indhaha
-Cabbirka ookiyaalaha
-kumbuyuutarro casri ah
-Qalliinka Indha Fiiqa
-Qalliinka Biya-Xirka
-Toosinta qallooca indhaha (Weershaha)
-Qalliinka furidda kanaalka ilmada
-Qalliinnada guud ee indhaha

Isbitaalku wuxuu ku yaallaa Suuqbacaad, kasoo horjeedka Dahabshiil.
Muqdisho - Soomaaliya
Ama la xiriir 0615573827

Isbitaalka indhaha Halal ee magaalada Muqdisho waxaa dib ugusoo laabtay dhakhtarka indhaha Dr. Axmed Xalaal oo bilooyink...
28/11/2020

Isbitaalka indhaha Halal ee magaalada Muqdisho waxaa dib ugusoo laabtay dhakhtarka indhaha Dr. Axmed Xalaal oo bilooyinki lasoo dhaafay safarro shaqo ugu maqnaa gobollada dalka.

Isbitaalku wuxuu ku yaallaa Suuqbacaad (kasoo hor-jeedka Dahabshiil), Yaaqshiid, Muqdisho.

Halal Outreach Program (H-O-P)------------Boosaaso-Bari--------------        Bosaso Medical Center------------22-March-2...
14/03/2018

Halal Outreach Program (H-O-P)
------------Boosaaso-Bari--------------
Bosaso Medical Center
------------22-March-2018-------------

Dr. Axmed Xalaal oo muddooyinkan olole ballaaran ka waday deegaannada Puntland -waqtiganna ku sugan degmooyinka Bariga fog ee Baargaal, Bereeda, iyo Caluula- ayaa 22ka bishan ka howlgalaya xarunta Bosaso Medical Center ee magaalada Boosaaso.
Wixi faahfaahin ah kala xiriir:
0906796366

BISHAARO:Isbitaalka indhaha Xalaal oo h**e loogu bartay qalliinno indho fiiq tabarrucaad ah wuxuu soo kordhiyay hal maal...
31/01/2018

BISHAARO:
Isbitaalka indhaha Xalaal oo h**e loogu bartay qalliinno indho fiiq tabarrucaad ah wuxuu soo kordhiyay hal maalin oo nambar lacag la’aan ah, maalintaa oo loogu talagalay dadka aanan awoodin qiimaha nambarka.
Maalin kasta oo khamiis ah nambarka qaabilaadda isbitaalka Xalaal waa lacag la’aan.

Isbitaalka waxaa idinkugu diyaar ah 2 dhakhtar oo indhaha ku takhasuay oo kala ah Dr. Axmed Xalaal oo ah dhakhtar Soomaaliyeed oo kasoo howlgalay qeyba badan oo kamid ah gobollada Soomaaliya iyo Dr. Gassan Subxi oo ah dhakhtar Syrian ah oo leh khibrad 35 sano ah, kanasoo shaqeeyay wadamo ey kamid yihiin Syria, Saudi Arabia, Libya, Hungary, iyo Brazil.
Isbitaalku wuxuu ku yaallaa degmada Yaaqshiid, xaafadda Suuqbacaad, wadadii Qaran.
Wixi faahfaahin ah su’aaluhu waa furanyihiin

Address

Suuq Bacaad
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252615593117

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halal Eye Specialist Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category