SafeFood Somalia

SafeFood Somalia SafeFood Somalia Safeguards consumers from foodborne illnesses by promoting and implementing safe food practices across Somalia.

Through comprehensive training and ensuring compliance with all legal requirements, WE SECURE A HEALTHIER THRIVING FUTURE.

Waxaan magaalada Nairobi kaga qeybgalnay Bandhigga 25-aad ee Ganacsiga Bulshada Bariga Afrika (EAC MSMEs Trade Fair 2025...
18/11/2025

Waxaan magaalada Nairobi kaga qeybgalnay Bandhigga 25-aad ee Ganacsiga Bulshada Bariga Afrika (EAC MSMEs Trade Fair 2025) dhacdo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi ee dalalka gobolka, laguna kobcinayo ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (MSMEs).

Intii uu socday bandhigga, waxaa si gaar ah loo soo bandhigay wax-soo-saarka dalka Soomaaliyeed, iyadoo lagu muujiyay awoodda, hal-abuurka iyo tartanka badeecadaha maxalliga ah ee suuqyada gobolka.

Bandhiggan wuxuu noo ahaa fursad qaali ah oo aan ku xoojinay xiriirka ganacsi ee Bariga Afrika, annaga oo diiradda saaraynay:
• kor u qaadista cunto ammaan ah oo tayo leh,
• ka shaqaynta hormarinta warshadaha gudaha,
• iyo dhisidda iskaashi waara oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo tan gobolka.

SafeFood Somalia waxaa ka go’an in ay qeyb ka qaadato horumarinta wax-soo-saarka dalka iyo hubinta in badeecadaha Soomaaliyeed ay buuxiyaan heerarka amniga iyo tayada cuntada ee caalamiga ah.



17/10/2025

Muuqaal soo koobaya sida ay noogu qabsoontay munaasabaddeeni shalay 🔆




16/10/2025

We ended World Food Day 2025 with a lively networking session — great talks, new connections, and shared inspiration for Somalia’s food future! 🤝🇸🇴🌾

Waxaa inoo soo idlaaday kulankeeni lagu xusayay Maalinta Cunnada Adduunka 2025 🎉🇸🇴Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan mart...
16/10/2025

Waxaa inoo soo idlaaday kulankeeni lagu xusayay Maalinta Cunnada Adduunka 2025 🎉🇸🇴

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan martida iyo ka qaybgalayaasha ka soo qeyb galay munaasabadda; oo sanadkan aan diiradda ku saarnay “mustaqbalka warshadaynta cunnada Soomaaliya”

Mahadsanidiin dhammaantiin taageeradiina iyo ka qeybqaadashadiina!
Wadajir ayaan ku dhiseynaa mustaqbalka cunnada iyo warshadaynta Soomaaliya.





Suuqyada waxaa yaalla canbo dibadda laga keenay oo muddo dheer yeeli kara, halka kii gudaha lagu soo saaray uu muddo gaa...
16/10/2025

Suuqyada waxaa yaalla canbo dibadda laga keenay oo muddo dheer yeeli kara, halka kii gudaha lagu soo saaray uu muddo gaaban ku dhammaado. Taas micnaheedu waa in tayada iyo farsamada kaydinta ay yihiin wax muhiim ah. Haddii aan xoogga saarno tiknoolajiyadda iyo habka processing-ka, wax-soo-saarka gudaha wuxuu noqon karaa mid la tartama kan la soo dhoofiyo.

Eng. Abdullahi Kadle
B.Sc, M.Sc Food Process Engineering
Co-Founder, Oog Dairy




Waxaa nasiib wanaag ah inaan shalay arkayay shirka hayaanka tamarta Soomaaliya oo ay martigelisay Hormuud. Waxaan aamins...
16/10/2025

Waxaa nasiib wanaag ah inaan shalay arkayay shirka hayaanka tamarta Soomaaliya oo ay martigelisay Hormuud. Waxaan aaminsanahay in hadda ay tahay waqtigii loo jihaysan lahaa tamarta, taas oo mudan bogaadin iyo taageero.

Siyaasadda dhismaha warshadaha waa inay ka timaadaa dowladda, taasoo fursad siinaysa in la helo saaxiibo na aamino oo maal-gashan kara warshadaheena. Wax nagu cusub ma aha; horay ayaan u samaynay, Oo dawladdi h**e ee kacaanka ayaa warshada badan sidaas ku hergelisay.

Dr. Abdullahi Osman Goyle
PHd In Chemical Engineering
Chairman of IRCC

“Jaamacaddu waa inay soo saartaa dhalinyaro dhiirran oo aan ka baqan shaqo gacanta ah. Maanta arday badan waxay sugayaan...
16/10/2025

“Jaamacaddu waa inay soo saartaa dhalinyaro dhiirran oo aan ka baqan shaqo gacanta ah. Maanta arday badan waxay sugayaan meel raaxo leh (Safe site) halka kuwa bakaaraha jooga ee an waxbaran ay ku jiraan halgan iyo naf-hurnimo.

Dalka wuxuu u baahan yahay dhalinyaro u diyaarsan shaqo, hal-abuur iyo dadaal, ee aan ku tiirsanayn kaliya mushaar sugid.”

— Mr. Mohamed Kasim
M.Sc Industrial Chemistry
CEO, Gold Edible Oil




Haddii Soomaaliya la helo tababaro iyo barnaamijyo lagu horumarinayo xirfadaha dhalinyarada, qof walba wuu soo bandhigi ...
16/10/2025

Haddii Soomaaliya la helo tababaro iyo barnaamijyo lagu horumarinayo xirfadaha dhalinyarada, qof walba wuu soo bandhigi karaa kartidiisa.

Warshadaha ka jira dalalka horumaray, gaar ahaan kuwa Mareykanka, qaarkood waa kuwo ka yar qolkaan aan hadda ku suganahay, haddana waa guuleysteen. Marka yaan la baqin — warshaduhu ma aha wax laga cabsado.

Waxaan aaminsanahay in haddii Soomaaliya ay hesho xarumo tababarro kooban (vocational training) oo hal sano illaa laba sano lagu baranayo farsamooyinka iyo aqoonta warshadeynta, ay si weyn uga qayb qaadan lahayd kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta warshadaha gudaha.”

Eng. Abdullahi Kadle
B.Sc, M.Sc Food Process Engineering
Co-Founder, Oog Dairy




Marka la dhisayo meel cunto lagu soo saaro, waa in la hubiyaa nadaafadda iyo badqabka cuntada. Dunidu waxay kugu aaminey...
16/10/2025

Marka la dhisayo meel cunto lagu soo saaro, waa in la hubiyaa nadaafadda iyo badqabka cuntada. Dunidu waxay kugu aamineysaa tayada aad soo saarto — taasna waxaa lagu gaaraa marka ay jirto food safety team leh aqoon iyo khibrad dhab ah.

Dhalinyarada maanta baraneysa waa inay booqdaan meelaha wax lagu warshadeeyo si ay u dhisaan xirfad, dowladduna waa inay dhiirigelisaa si loo helo dad aqoon iyo diyaargarow leh.”

Mr. Abdirashid Mohamed
Lead Auditor of food safety, Somali Bureau of Standards




The panel team is engaged in a thoughtful discussion on the future of food processing and food safety in Somalia, highli...
16/10/2025

The panel team is engaged in a thoughtful discussion on the future of food processing and food safety in Somalia, highlighting challenges, opportunities, and the need for innovation across the sector.




Mr. Abdisalam is on stage presenting his research on the processing of cassava into flour and the evaluation of its nutr...
16/10/2025

Mr. Abdisalam is on stage presenting his research on the processing of cassava into flour and the evaluation of its nutritional content, a study conducted in Somalia to promote local food production and innovation.




Mr. Abdiqani is on stage highlighting the importance of food science in shaping the future of food processing in Somalia...
16/10/2025

Mr. Abdiqani is on stage highlighting the importance of food science in shaping the future of food processing in Somalia.



Address

Hodan Banadir Street
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SafeFood Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram