Dr Mustafa Ali Mohamed Ahmed

Dr Mustafa Ali Mohamed Ahmed Dhaqtarka Cudurada Kansarada, Dhiiga iyo Dhuux Beerida. Dhaqtarka Caruurta caawiye qaran waa u istaagaha dib usoo noolee yaha qarankii burburay

25/08/2025
22/08/2025
04/07/2025
Waxaan is aragnay kolkii u horeesay 2 Sanno kahor xiligaa Waxa laga helay kansarka dhiiga, lugihiisa ayuu ku socday, maa...
24/10/2024

Waxaan is aragnay kolkii u horeesay 2 Sanno kahor xiligaa Waxa laga helay kansarka dhiiga, lugihiisa ayuu ku socday, maanta wiilkaan 13 jirka waa Naafo indhool ah, jirkiisa manuuxin karo, Maqalka qeyb ahaan wuu waayay, Scan 🧠 madaxa aan saarnay 3 cisho kahor wuxuu muujiyay Buro Madaxa kaga taalo (Leptomeningeal Metastasis), sidabiici ah uma kaadin karo, halka cuntada qaar uusan laqi karin.

2 Sanno Daawo Kiimiko ah uuqaatay sababtayna in timihii dataan, difaac yari jirka ah, in uusan udhaqmi karin si lamid ah faciis ciyaar, banooni (cabsi dhiigbax darteyd) dabaal, xitaa cuntooyinka qaar laga mamnuucay, uusan booqankarin ehelkiisa, ugu danbeyn maanta ayaan udirnay xaafadiisa kadib markii lagu guuldareystay xakameynta Cudurka; waxa uu sugayaa Geeri tartiib ah marba xubun jirkiisa ay howlgab noqoneyso.

Dadka qaba cudurka Kansarka nuuc walbe uu noqdo ugu yaraan 2 jeer ayey qaliin maraan marka laga reebo midka dhiiga iyo maskaxda dhamaantood waxaa lasiyaa Daawada Chemotherapy (kiimiko) sababta in beylah unoqdaan ikfashin walbe, difaac xumo jirka, Nolol xadidan, Timaha oo daata, midab dilan, waxa ay sijoogta ah ugu baahan yihiin dhiig inlagu shubo ugu yaraan 2dii bil mar, macuni karaan cunto aan fresh eheyn qeebo badanoo rashin ah looma ogola, waxaana intaas udheer in daawado Radiotherapy ☢️ mararka qaar ukeento Qalal, madhaleysnimo, Naafo, iyo kilyaha ama beerka oo shaqada gaba.

Haduu jiro qof ehelkaaga ah lana ildaran cudurkaan waxa ugu yar aad uqaban kartid waa taagero nafsiyan (Mental Support), dadka uu cudurkaan kudhaco da’ahaan kaweyn 8 Sanno 90% waxaa kudhaca niyadjab (Depression), qarash xoogleh ayaa kubaxa daaweynta cudurkaan, waxaana intaas usii dheer halista ah in cudurka uusan kabogsoon ama dib ugu dhaco (Refractory & Relapsed).
Su’aasha dhaqtar walbe kansarada kutakhasusay maqalkeedu neceb yahay waa goorma ayaan dhimani?

Sawirka qolaa naguxaday galabtay xili uu igadalbay inaan kubooqdo Tuuladiisa.

Cilmibaaris(Research) qaatay muddo kudhaw sannad kadib, wuxuu Allaah ii suurtagaliyay aniga iyo asxaabta Shaqo wadaaga n...
31/08/2024

Cilmibaaris(Research) qaatay muddo kudhaw sannad kadib, wuxuu Allaah ii suurtagaliyay aniga iyo asxaabta Shaqo wadaaga nahay inaan daabacno (publication) article ka hadlayo natiijada CPR lasameeyo habeenkii iyo Weekend marka loo eego midka maalmaha shaqada lasameeyo.
Tirada bukaanada CPR loo sameeyay waa 264 laga soo bilaabo July 2020 to February 2022, nisbada guusha waxee eheyd 21% (discharged alive from hospital).

70% bukaanada kansarka dalkeena laga helo calaamada ugu horeyso ee layimadaan (initial presentation) waa Lympadenopathy ...
30/08/2024

70% bukaanada kansarka dalkeena laga helo calaamada ugu horeyso ee layimadaan (initial presentation) waa Lympadenopathy LAP, sidasoo tahay cudurkooda waxaa la ogadaa xili danbe dhibtuna waa fahamdaro bahdeena cafimaadka ka heysato xiliga ee tahay in Bone 🦴 Marrow Biopsy ama Lymphnode Biopsy lasameeyo iyo Nooca biopsy-ga (FNA vs Excision or Core Needle Biopsy)

Insha allaah 2:00 pm waqtiga Muqdisho waxaan halkaan soo galin Video aan uga hadlayo xiliga ay tahay in Lymph node biopsy lasameeyo (indications), nooca LN biopsy, iyo marka ay tahay in Bone 🦴 Marrow Biopsy lasameeyo. Wuxuuna gaar u yahay bahda cafimaadka.

Jumca wanaagsan

Dr Mustafa Ali Moalim
Pediatrician, Pediatric Hematologist, Oncologist and Hemopoietic Stem Cell Transplantation Specialist

Address

Mogadishu

Telephone

+252617222617

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mustafa Ali Mohamed Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram