30/04/2026
isbitaalkayaga oo dhawaan laga hirgalin doono xarumaha cusub ee qaybta kilya sifeynta (diyalaysis) iyo qaybta onkolojiga, shaqaalaheena caafimaad ee loo diray dalka Turkey si ay u soo qaataan tababar—kuwaas oo ka kooban 3 dhakhtar, 2 kalkaaliye iyo 1 farmashiiste—ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxa Waaxda ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda dalka Turkiga, Mudane Mustafa Taşkın.
Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta barnaamijyada waxbarasha ee caafimaad gaar ahaan nefroloojiga iyo onkolojiga, kor u qaadista tayada caafimaadka, iyadoo sidoo kale la isla eegay fursadaha waxbarashada ee dhinaca adeegyada caafimaadka.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan masuuliyiinta ka qayb qaatay taageeridda iyo horumarinta adeega caafimaad ee waxbarasho, waxaana u rajaynaynaa shaqaalaheena caafimaadka guul iyo horumar inta ay ku guda jiraan tababarkooda.
Hastanemizde yakın zamanda açılması planlanan yeni diyaliz merkezi ve onkoloji birimi kapsamında, Türkiye’ye eğitim amacıyla gönderilen sağlık personelimiz—3 doktor, 2 hemşire ve 1 eczacıdan oluşan heyet—Türkiye Cumhuriyeti Sağlık Bakanlığı bünyesinde Daire Başkanı Mustafa Taşkın ile verimli bir toplantı gerçekleştirdi. Görüşmede, özellikle nefroloji ve onkoloji alanlarında yürütülen yandal eğitim programlarının geliştirilmesi, eğitim kalitesinin artırılması ve geleceğe yönelik sağlık alanındaki iş birliği fırsatları detaylı şekilde ele alındı. Eğitim sürecine katkı sunan tüm yetkililere teşekkür eder, sağlık personelimize başarılarla dolu bir eğitim dönemi dileriz.