Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital

Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital Official account of , offering advanced and modern care with a devoted and compassionate team approach.

01/01/2026

👩‍⚕️👨‍⚕️ Ogeysiis Muhiim ah oo ku saabsan Imtixaanka Takhasuska Caafimaadka 👩‍⚕️👨‍⚕️

Dhamaan bahda Caafimaadka Soomaaliyeed ee daneenaysa gelida İmtixaanka Takhasuska Caafimaadka, link gaan hoose waxaad ka heli doontaan:
🩺 Qeybaha loo baahanyahay
📋 Shuruudaha muhiimka ah
📚 Dhamaan macluumaadka imtixaanka

Nasiib Wacan
⬇️⬇️⬇️
https://drive.google.com/file/d/1CW11YQZEGo6nDmS3MjZpkgcv_hCrxORF/view?usp=drivesdk

OGEYSIIS MUHIIM AHWaxaa bahda dhaqaatiirta Soomaaliyeed la ogeysiinayaa in 5 da Febraayo 2026 la qaban doono Imtixaanka ...
01/01/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaa bahda dhaqaatiirta Soomaaliyeed la ogeysiinayaa in 5 da Febraayo 2026 la qaban doono Imtixaanka Gelida Takhasuska caafimaadka (Medical Residency Entrance Exam).

İsdiiwaangelintu waxay socondoontaa inta udhaxeesaa 10 Janaayo 2026 ilaa 29 Janaayo 2026.

Shuruudaha Isdiiwaangelinta:

Hadaba qof walba oo daneenayaa gelida İmtixaanka waxaa looga baahanyahay inuu soo buuxsho dhamaan shuruudahaan hoos ku qoran:-

1) Shahaadada iyo Transcript ka jaamacadda orijinal iyo copy islamarkaana tasdiiqsan.
2) 2 sawir oo teesaro ah, sawiradana waa in la iska qaaday 6dii bilood ee lasoo dhaafay (updated pictures).
3) Baasaboor Soomaali, Kaarka NİRA ama warqadda dhalashada iyo sugnaanta.
4) Bixinta lacagta isdiiwaangelinta oo dhan 100$ (boqol doolar)

Wixii Faahfaahin dheeraad ah waxaad kala socon kartaa documentska hoos ku xusan.

31/12/2025

Kiliinikada (Cudurada Haweenka & Dhalmada)
Waxay ka shaqeysaa caafimaadka haweenka iyo arrimaha uurka. Shaqooyinka ugu waaweyn waa:
*La socodka uurka: Baaritaannada haweenka uurka leh, dhalmada ka hor iyo ka dib.
*Dhalmada: Dhalmo caadi ah iyo dhalmo qalliin (Sezaryan).
*Cudurrada haweenka: Dhibaatooyinka caado wareerka, cudurrada ugxan-sidaha iyo ilmo-galeenka, caabuqyada ku dhaca xubnaha taranka haweenka
*Baaritaanka haweenka (Jinekoloji): Baaritaanka dheecanada laga qaado minka afkiisa , ultrasound gudaha, iyo kormeerro joogto ah.
*Dhalmo la’aanta (Infertilite): Qiimeynta sababaha keena dhalmo la'aanta haweenka
La socodka hooyoyinka marka ey caadadu ka tagto
*Ka hortagga uurka: Talooyin ku saabsan hababka uurka looga hortago.
* qalliimada burooyinka Minka iyo Ugxaanta ayadoo la isticmalayo Laserka
* ⁠Camerada lagu fiiriyo Minka gudihiiisa
* Wixi faahfaahin dheerad ah waxa kala so xariiri kartaan Tell:+252771807447

30/12/2025

KLINIKADA PATOLOGY
Qaybta Patology-ga waa xarun tixraac qaran oo hormuud u ah ogaanshaha cudurrada, gaar ahaan kansarka, infekshinka, iyo caabuqyada ilma aragtada kala duwan eey sababeen. Waxay adeegyo patology ah siisaa isbitaallada heerka saddexaad iyo xarumaha caafimaad ee gobollada dalka, iyadoo ku shaqeysa heerar caalami ah oo lagu kalsoonaan karo.
Sannadkan, waxaa qorshaysan in lagu soo kordhiyo:
Immunohistochemistry (IHC)
Adeegyada klinikadu waa kuwo joogto ah inta lagu jiro maalmaha shaqada, waxaana ka mid ah:
Aqbalidda baaritaannada
Warbixinta natiijooyinka
Wacyigelin iyo la-talin bukaan
Adeegyada La Bixiyo
Klinikadu waxay dabooshaa dhammaan marxaladaha ogaanshaha cudurka, oo ay ka mid yihiin:
Qaadidda iyo diiwaangelinta cadadka (biopsy)
Baaritaannada cytology (FNAC, conventional & liquid-based)
Pap smear iyo biopsiyada haweenka
Warbixinta biopsiyada maqaarka, GI, GU, madaxa & qoorta
Warbixin lala yeesho dhakhaatiirta iyo bukaanka
Mabda’a iyo Ujeeddada
Klinikada Patology-ga waxay ku shaqeysaa:
Ogaansho sax ah oo lagu kalsoonaan karo
Badbaadada iyo dan-bukaan sare
Ujeeddada guud waa in la bixiyo warbixin patology oo sax ah, lagu gaaro go’aanno daaweyn oo hufan, lana hirgeliyo shaybaar patology oo casri ah, tayo sare leh, kuna filan baahida Soomaaliya.
Wixi faahfaahin dheerad ah waxa kala xariiri kartaan Tell: +252771807447.
PATOLOJİ KLİNİĞİ
Patoloji Kliniği, özellikle kanser, enfeksiyonlar ve çeşitli etiyolojilere bağlı inflamatuvar hastalıkların tanısında öncü olan ulusal bir referans merkezidir. Klinik, ülke genelindeki üçüncü basamak hastanelere ve bölgesel sağlık kuruluşlarına patoloji hizmetleri sunmakta olup, uluslararası kabul görmüş standartlara uygun şekilde çalışmaktadır.
Bu yıl içerisinde kliniğin tanısal kapasitesini artırmak amacıyla aşağıdaki ileri düzey hizmetlerin sunulması planlanmaktadır:
İmmünohistokimya (IHC)
Klinik, resmi çalışma günlerinde rutin olarak aşağıdaki hizmetleri vermektedir:
Numune kabulü ve kayıt işlemleri
Tanısal raporlama
Hasta bilgilendirme ve danışmanlık
Sunulan Hizmetler
Klinik, patolojik tanının tüm aşamalarını kapsayan hizmetler sunmaktadır:
Biyopsi örneklerinin alınması ve kayıt altına alınması
Sitoloji hizmetleri (FNAC, konvansiyonel ve sıvı bazlı sitoloji)
Pap smear incelemesi ve jinekolojik biyopsiler
Deri, gastrointestinal (GI), genitoüriner (GU) ve baş-boyun örneklerinin histopatolojik raporlanması
Klinik hekimler ve hastalarla doğrudan raporlama ve konsültasyon
Temel İlkeler ve Amaç
Patoloji Kliniği aşağıdaki temel ilkeler doğrultusunda hizmet vermektedir:
Doğru ve güvenilir tanı
Hasta güvenliği ve hasta odaklı yaklaşım
Kliniğin temel amacı, klinik karar verme süreçlerini destekleyen yüksek kaliteli patoloji raporları sunmak ve Somali’nin tanısal ihtiyaçlarını karşılayabilecek modern, güvenilir ve yüksek standartlara sahip bir patoloji laboratuvarı oluşturmaktır.
Daha fazla bilgi için bu numaradan oluşturabilirsiniz
Tell: +252771807447

27/12/2025

Waxaan ahay dhakhtar ku takhasusay Qaliinnada Guud, Endoscopy iyo Colonoscopy, waxaana idinla wadaagayaa warbixin ku saabsan adeegyada ballaaran ee Qeybta Qaliinnada Guud ay si joogto ah u bixiso, kuwaas oo ka mid ah baaritaanno casri ah, daaweyn iyo qaliinno heer sare ah.

Qeybta Qaliinnada Guud waa mid ka mid ah waaxyaha ugu muhiimsan ee isbitaalka, iyadoo bixisa adeegyo isugu jira qaliinnada jeexidda yar (Laparoscopic Surgery), qaliinnada furan (Open Surgery), iyo baaritaanno casri ah oo lagu sameeyo Endoscopy iyo Colonoscopy.

1. Baaritaannada iyo Qaliinnada Dheef-shiidka

Adeegsiga Endoscopy iyo Colonoscopy

Baaritaan iyo daaweyn cudurrada hunguriga, caloosha iyo mindhicirrada

Daaweynta gaaska calooleedka raaga iyo nabarrada caloosha

Ogaanshaha iyo daaweynta kansarka caloosha

2. Qaliinnada Qeybta Sare ee Dheef-shiidka (Upper GI Surgery)

Qaliinnada hunguriga iyo caloosha

Daaweynta xanuunnada iyo burooyinka hunguriga iyo caloosha

3. Qaliinnada Beerka iyo Tubooyinka La Xiriira (Hepatobiliary Surgery)

Qaliinka xameetida

Qaliinka beerka

Qaliinka tubooyinka beerka

Daaweynta burooyinka ku dhaca ganaca

4. Qaliinnada Mindhicirrada iyo Malawadka (Colorectal Surgery)

Daaweynta iyo qaliinka qabsinka

Qaliinka dillaaca mindhicirrada

Daaweynta iyo qaliinka burooyinka mindhicirrada iyo malawadka

5. Daaweynta iyo Qaliinnada Naaska iyo Qanjirrada Jirka

Daaweynta xanuunnada iyo burooyinka tayroodhka

Paratayroodhka

Qanjirrada kale ee jirka ku jira

6. La Tacaalidda Dhaawacyada iyo Xaaladaha Degdegga ah

(Acute Care and Trauma Surgery)

Daryeelka dhaawacyada culus

Qaliinnada degdegga ah ee shilalka iyo xaaladaha halista ah

7. Qaliinnada Herniyada iyo Burooyinka Oogada Jirka

Qaliinnada hernia-yada kala duwan

Ka saarista burooyinka ka soo baxa oogada jirka

8. Baaritaannada iyo Daaweynta Qeybta Hoose ee Dheef-shiidka

Baaritaan iyo daaweyn baabasiirka

Daaweynta dhiig-baxyada ka yimaada qeybta hoose ee dheef-shiidka

Adeegsiga Colonoscopy si loo ogaado loona daweeyo cudurradaas
⭐✨✨✨✨✨⭐
Genel Cerrahi, Endoskopi ve Kolonoskopi alanlarında uzmanlaşmış bir hekim olarak, Genel Cerrahi Departmanımızın düzenli olarak sunduğu kapsamlı hizmetler hakkında bilgi paylaşmak istiyorum. Bu hizmetler arasında modern muayeneler, tedaviler ve yüksek kaliteli ameliyatlar yer almaktadır.

Genel Cerrahi Departmanı, hastanenin en önemli departmanlarından biridir. Laparoskopik Cerrahi, Açık Cerrahi, Endoskopi ve Kolonoskopi gibi modern muayeneler de dahil olmak üzere çeşitli hizmetler sunmaktadır.

1. Gastrointestinal Muayeneler ve Ameliyatlar

Endoskopi ve Kolonoskopi Kullanılarak

Yemek borusu, mide ve bağırsak hastalıklarının muayenesi ve tedavisi

Kronik şişkinlik ve mide ülserlerinin tedavisi

Mide kanserinin teşhis ve tedavisi

2. Üst Gastrointestinal Sistem Cerrahisi

Yemek borusu ve mide ameliyatları

Yemek borusu ve mide hastalıkları ve tümörlerinin tedavisi

3. Hepatobiliyer Cerrahi

Safra kesesi Cerrahisi

Karaciğer Cerrahisi

Hepatik Kanal Cerrahisi

Pankreas tümörlerinin tedavisi

4. Kolorektal Cerrahi

Kabızlığın tedavisi ve ameliyatı

Bağırsak yırtıklarının ameliyatı

Bağırsak ve rektum tümörlerinin tedavisi ve ameliyatı

5. Meme ve Meme Cerrahisi

Tiroid hastalıkları ve tümörlerinin tedavisi

Paratiroid

Vücuttaki diğer bezler

6. Acil Bakım ve Travma Cerrahisi

Ciddi yaralanmaların bakımı

Kazalar ve ciddi durumlar için acil ameliyatlar

7. Fıtık ve Tümör Cerrahisi

Çeşitli fıtık ameliyatları

Vücut yüzeyinden dışarı çıkan tümörlerin çıkarılması

8. Alt Sindirim Sistemi Muayenesi ve Tedavisi

Hemoroid Muayenesi ve Tedavisi

Alt sindirim sisteminden kaynaklanan kanamaların tedavisi
Bu hastalıkların teşhis ve tedavisinde kolonoskopi kullanılmaktadır.
Daha fazla bilgi için hastanemizi arayınız.
Tel:+252771330033

25/12/2025

Ha Dayicin Xididada Wadnahaaga!

✅ Koroner anjiyografi waa hab casri ah oo si sax ah u muujinaya meelaha xididdada wadnaha ay ka xirmaan.

✅ Waxaa lagu sameeyaa iyada oo loo maro xididka suxulka ama curcurka (gacanta), waxaana lagu sameeyaa suuxin maxalli ah oo aan xanuun lahayn.

✅ Marka ay sameeyaan dhakhaatiirta khibradda leh, halista hawshani aad bay u hooseysaa oo waa – wax ka yar 0.1%.

📍Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Recep Tayyip Erdoğan Somali-Türkiye waxaa maalin kasta laga sameeyaa baaritaankan iyadoo la adeegsanayo qalabkii ugu casrisanaa. Waxaa sidoo kale adeeg bixiya dhakhaatiir Soomaaliyeed iyo Turki ah oo takhasus gaar ah u leh cudurrada wadnaha.
Ha dayacin caafimaadka wadnahaaga – ogaanshaha h**e wuxuu badbaadiyaa nolosha!

📞 Wixii faahfaahin ah ama ballan, kala xiriir: ‪+252 771 80 74 47‬

Kalp Damar Sağlığınızı Göz Ardı Etmeyin!

✅Koroner anjiyografi, kalp damarlarındaki tıkanıklıkları en net şekilde gösteren modern bir tanı yöntemidir.

✅Radial arter (el bileği) üzerinden, lokal anesteziyle ve ağrısız şekilde uygulanır.

✅Tecrübeli hekimler tarafından yapıldığında ciddi risk oranı binde birin altındadır.

📍Somali-Türkiye Recep Tayyip Erdoğan Eğitim ve Araştırma hastanemizde, bu işlem her gün en güncel teknolojiyle yapılmakta; hem Türk hem de Somalili deneyimli kardiyoloji uzmanlarımızla hizmet vermekteyiz.

Kalp sağlığınızı ihmal etmeyin, erken teşhis hayat kurtarır!

📞 Detaylı bilgi ve randevu için: +252 771 80 74 47

24/12/2025

Kardiyoloji bölümümüz, hastanenin en önemli birimlerinden biridir. Çok ağır ve kritik durumlarla ilgilenerek birçok gece uykusuz kalmayı ve uzun saatler çalışmayı gerektiren bir hizmet sunmaktadır. Doktorlarımız, kalp damarlarının açılmasıyla ilgili işlemler hakkında — yani anjiyografi ve anjiyoplasti — bilgilendirme vermektedir.

Qeybta wadnahayagu waa mid ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee isbitaalka. Waxay la tacaalaan xaalado aad u culus oo halis ah, kuwaas oo u baahan hurdo–la’aan habeenno badan iyo shaqo waqti dheer ah. Dhakhaatiirtu waxay xog ka bixiyaan howlaha la xiriira furitaanka xididdada wadnaha — sida anjiyografiyada iyo anjiyoplastiga.

23/12/2025

Waaxda Indhaha, Isbitaalka Tababarada iyo Cilmi-baarista Mogadishu Somalia-Türkiga Recep Tayyip Erdogan

Qeybta Indhaha ee Isbitaalka Tababarada iyo Cilmi-baarista ee Mogadishu Somaliya-Türkiga Recep Tayyip Erdogan waa qeyb casri ah oo bixisa daryeelka iyo waxbarashada indhaha ah, taasoo u heellan ilaalinta iyo soo celinta aragga iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyad caafimaad oo casri ah iyo koox khubaro ah oo u leh takhasus.

Waxaan si guul leh u fulinaa qalliino kala duwan, oo ay ka mid yihiin:

- Qalliimada caadka indhaha (cataract ) iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah (phacoemulsification)
- Qalliimada hilibka indhaha (pterygium)
- Qaliimada Toosinta Qalooca indhaha (strabismus )
- Qalliimada furista Tubada ilinta qaada ee dadka waaweyn iyo ilmaha ku dhasha tubada ilinta oo xiran.
- Qalliimada dhaawacyada kala duwan ee indhaha
Intaa waxaa dheer, qeybta waxay bixisaa daryeel caafimaad oo dhameystiran oo aay ka mid yihiin:

Cabirka aragga iyo sixida okiyaalaha ee dadka waaweyn iyo carruurta
- ogaanshaha iyo maareynta il-wahsiga (amblyopia),
- ogaanshaha iyo daaweynta caabuqyada ku dhaca qaybta h**e ee isha (keratitis),
- Baaritaanada iyo daawaweynta biyaha indhaha ku furma (Glaucoma)
- Baaritaanada shabakada gaddale ee araga iyadoo la adeegsanaayo qalab casri ah oo uu ka mid yahay OCT-scan ee lagu ogaado dhibaatooyinka shabakada araga ee dadka qaba sonkorowga iyo dhiig-karka.
- Daawoyinka durista gudaha isha (Intravitreal Injections) ee cudurrada degeneration-ka macular-ka ee da’da la xiriira iyo cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga ee shabakada araga.

Qayb ka mid ah himiladeena waa waxbarashada, dhakhaatiirta takhasuska diyaarinaya ee indhaha waxay helaan tababar aqooneed iyo mid gacanta ah, taasoo u oggolaanaysa inay ka qalin-jabiyaan xirfadlayaal heer sare ah oo ku taqasusay indhaha kuwaas oo bixin kara daryeel caafimaad indhaha ah oo tayo sare iyo naxariis leh.
waaxdayadu waxay leedahay qalabyo casri ah, shaqaale xirfad leh, iyo ka go’naansho xooggan oo waxbarashada iyo cilmi-baarista caafimaadka ah, qeybta Indhaha ayaa sii wadaysa kaalinteeda muhiimka ah ee lagu horumarinayo caafimaadka indhaha iyo horumarinta khibradda indhaha ee Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.

22/12/2025

Elektroensefalografi (EEG) waa baaritaan lagu diiwaangeliyo laguna cabbiro dhaqdhaqaaqa korontada ee maskaxda. Maskaxda bini’aadamka oo soo saarta qulqullo koronto oo aad u hooseeya ayaa leh qaab-dhismeed aad u adag. Qalabka EEG-ga ayaa diiwaangeliya hirarka korontada ee ay soo saaraan unugyada neerfaha ee maskaxda, wuxuuna ogaanayaa in maskaxda ay ka jiraan cillado shaqo iyo halka ay ku yaallaan.

Baaritaankan waxaa lagu sameeyaa iyadoo elektroodyo (fiilooyin khafiif ah) oo laga sameeyay isku-dar ay ku jiraan qalin ama dahab lagu dhejiyo madaxa iyadoo la adeegsanayo jel. EEG-ga waxaa loo isticmaalaa in lagu helo xog ku saabsan cudurro badan oo neerfaha la xiriira. Baaritaankan ayaa sidoo kale suurtagelinaya in la kormeero meelaha isgaarsiinta ee maskaxda si loo ogaado sida ay si wanaagsan u shaqeynayaan.

21/12/2025

EMG waa hab baaritaan caafimaad oo loo adeegsado in lagu qiimeeyo xaaladda murqaha iyo unugyada neerfaha ee xakameeya murqaha (matoorka neerfaha). EMG-ga waxuu cabbiraa falcelinta ama dhaqdhaqaaqa koronto ee murqaha marka neerfuhu kiciyaan, si loo hubiyo in neerfaha iyo murqaha jidhku si caafimaad leh u shaqaynayaan iyo in kale.
Iyadoo la adeegsanayo EMG, cudurka ama dhibaatada keentay xanuunka murqaha ayaa si degdeg ah loo ogaan karaa, waxaana isla markiiba la bilaabi karaa daaweynta. Natiijooyinka EMG-gu waxay muujin karaan cillad ku timaadda shaqada neerfaha, cillad ku timaadda shaqada murqaha, ama dhibaatooyin la xiriira gudbinta calaamadaha neerfaha ee u socda murqaha.

⭐⭐⭐⭐⭐
EMG, kasların ve kasları kontrol eden motor nöronlar olan sinir hücrelerinin sağlık durumunu belirlemek için uygulanan bir tanı yöntemidir. Vücuttaki sinirlerin ve kasların sağlıklı çalışıp çalışmadığını belirleyen EMG testi, bir sinirin kası uyarmasına yanıt olarak kas tepkisini veya elektriksel aktiviteyi ölçer. EMG sayesinde kaslardaki soruna neden olan hastalık kısa sürede teşhis edilerek tedavi sürecine başlanır. EMG sonuçları sinir işlev bozukluğunu, kas işlev bozukluğunu veya sinirden kaslara sinyal iletimi ile ilgili meydana gelen problemleri ortaya çıkarabilir.

21/12/2025

Anigu waxaan ahay Dhakhtar ku takhasusay Dhegaha, Sanka & Cunaha (KBB/ENT).
Waxaan bixiya daryeel caafimaad oo dhammaystiran, anigoo ka shaqeeya daaweynta iyo qalliinka cudurrada la xiriira dhegaha, sanka, cunaha, madaxa iyo qoorta.

👂 Adeegyada Dhegaha

Waxaan daaweeyaa infekshannada dhegaha, wasakhda dhegaha ayaan si ammaan ah u saaraa, waxaanan qiimeeyaa maqal-la’aanta iyo dhawaqa dhegaha. Sidoo kale, waxaan sameeyaa qalliinnada dhegaha marka loo baahdo.

👃 Adeegyada Sanka

Waxaan daweeyaa sinusitis, hilbaha sanka, qallooca carjowga sanka iyo dhiig-baxa sanka. Waxaan sameeyaa qalliinnada sanka sida septoplasty iyo sinus surgery.

🗣️ Adeegyada Cunaha

Waxaan daryeelaa qumanka (daawo & qalliin), dhibaatooyinka codka iyo xadhkaha codka, dhibaatooyinka liqidda, iyo burooyinka cunaha.

🧠 Madaxa & Qoorta

Waxaan baaraa oo daweeyaa burooyinka madaxa iyo qoorta, qanjirka thyroid-ka, iyo dhaawacyada wajiga iyo qoorta.

🏥 Adeegyo Dheeraad ah

Waxaan sameeyaa baaritaanno casri ah sida endoscopy iyo audiometry, waxaanan bixiyaa la-talin caafimaad oo ku saleysan baahida bukaanka—carruur iyo dad waaweynba.

Dhaawacyada daanka & wajiga (facial trauma)
• Jababka daanka sare & hoose
• Qalliinka burooyinka afka, daanka & wajiga
• Dib-u-dhiska daanka iyo wajiga (reconstruction)
• Infekshannada afka & daanka
• Cilladaha daanka & isku-xirnaanta daanka (TMJ disorders)

⭐⭐⭐⭐⭐
Ben Kulak, Burun ve Boğaz (KBB) hastalıkları uzmanı bir hekimim.
Kulak, burun, boğaz, baş ve boyun ile ilgili hastalıkların tanı, tedavi ve cerrahi süreçlerini kapsayan kapsamlı sağlık hizmetleri sunuyorum.
👂 Kulak Hizmetleri
Kulak enfeksiyonlarını tedavi ediyorum, kulak kirini güvenli şekilde temizliyorum, işitme kaybı ve kulak çınlamasını değerlendiriyorum. Gerektiğinde kulak cerrahileri de yapıyorum.
👃 Burun Hizmetleri
Sinüzit, burun polipleri, burun septum deviasyonu ve burun kanamalarını tedavi ediyorum. Septoplasti ve sinüs cerrahisi gibi burun ameliyatlarını gerçekleştiriyorum.
🗣️ Boğaz Hizmetleri
Bademcik hastalıklarının (medikal ve cerrahi) tedavisi, ses ve ses telleri problemleri, yutma güçlüğü ve boğaz tümörlerinin tanı ve tedavisi ile ilgileniyorum.
🧠 Baş ve Boyun
Baş ve boyun tümörleri, tiroid bezi hastalıkları ile yüz ve boyun travmalarının tanı ve tedavisini yapıyorum.
🏥 Ek Hizmetler
Endoskopi ve odyometri gibi modern tanı yöntemlerini uyguluyor, çocuklar ve yetişkinler için hastaya özel tıbbi danışmanlık hizmeti sunuyorum.
Çene ve Yüz Travmaları (Fasiyal Travma)
• Üst ve alt çene kırıkları
• Ağız, çene ve yüz tümörlerinin cerrahisi
• Çene ve yüz rekonstrüksiyonu (yeniden yapılandırma)
• Ağız ve çene enfeksiyonları
• Çene eklemi bozuklukları ve çene eklemi hastalıkları (TMJ bozuklukları)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo uu wehli...
18/12/2025

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo uu wehliye wasiir kuxigeenka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada culusow oo ka mid ah qaraabada qoyska ayaa caawa booqasho ku tagay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daweynayo qoys ay dhaawacyo culus ka soo gaareen dab ka kacay gurigooda

Dhacdadan ayaa dhacday degmada Howlwadaag, , halkaas oo dabku ka kacay guri ay deganaayeen qoys dhan.

Sida la xaqiijiyay, 11 qof oo qoyskaasi ka mid ah ayaa dabkaasi ka soo gaaray dhaawacyo culus, halka hooyo uurlehna ay ku geeriyootay 8 ka mid ah dhaawacyadaasi oo ayaa xaaladdooda caafimaad ay lagu dabiibayo isbitaalka digfeer 8 dooda ayaa dhawaan la filayaa in loo qaado dalka masar todobaaska soo socda.
Ugu h**eyn dr Maxamed ashraf maamule kuxigeenka Isbitaalka Digfeer ayaa ka warbixiyay xaalada caafimaad ee qoyskan

Aabaha qoyskan dhaawacyada ka soo gaaray dabka cali xirsi dhabaney ayaa maamulka isbitaalka ugu mahadceliyay sida ay ugu dadaaleen caruurtiisa iyo xaaskiisa. Ugu danbeyn Wasiirka caafimaadka dr cali xaaji ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay ku dadaaaleyso sidii daryeel caafimaad u heli lahaayeen qoyskan dabka saameeyay dadaaleen caruurtiisa iyo xaaskiisa. Ugu danbeyn Wasiirka caafimaadka dr cali xaaji ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay ku dadaaaleyso sidii daryeel caafimaad u heli lahaayeen qoyskan dabka saameeyay

Address

Digfer Street
Mogadishu
2526

Telephone

+252613773333

Website

https://linktr.ee/SomaliaTurkiye

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category