25/10/2018
Urin analysis
Baaritaanka kaadida
Baaritaanka kaadida waa in labaaro kaadida ayadoo loo fiirinaayo 3 qeybood oona ugu muhiimsan in loobaaro waxeeyna kala yihiin
1. Physical examination = Baaritaan muuqaal ah ama indha kacabir ah
2. Chemical examination = Baaritaan chemicals la isticmaalayo kadibna jawaabaha kasoo baxaya laga go,aan qaadanaayo possative/Negative
3. Microscope examination = waa Baaritaan lagu baaraayo kaadida qalabka looyaqaano il ma aragtada taasoo kuusuurtagalineyso inaad aragto waxyaabaha kujira kaadida ayagoo nuucyo badan leh
1. Physical examination = Baaritaan muuqaal ama indha kacabirka waa talaabada ugu horeeyso oo laqaado marka kaadi labaaraayo waxaana laga fiiriyaa waxyaabaha soo socda
B. Urine volume = Mugga kaadida
Mugga kaadida caadiga ah 800 ilaa 2000 ml maalinkiiba taasoo udhiganta 2 liitar maalinki
Polyuria = kaadibadnaansho
Waa Marka aykaadidu kabadato 2000ml 24 saac gudaheed
Oliguria = kaadiyaraansho
Waa Marka kaadida ay kayaaraato 400 ml 24 saac gudaheed