Jazeera Specialist Hospital

Jazeera Specialist Hospital JSH is a Comprehensive Health Care Provider

Jazeera Specialist Hospital is a health care institution providing patient treatment with specialized medical and nursing staff and medical equipment. The Hospital have a range of departments (e.g.: surgery and urgent care) and specialist units such as Pediatrics, Obs&gyn, ENT, Opthalma, internal medicine , Dental surgery, orthopedics.

Komputerka hooyada uurka leh waa lacag la’aan berri oo Talaado ah.
04/05/2026

Komputerka hooyada uurka leh waa lacag la’aan berri oo Talaado ah.

04/05/2026

Hooyo, ma ogtahay in sonkorta ay tahay cadawgaaga qarsoon ee saameyn ku yeelan kara caafimaadkaaga iyo kan ilmahaaga, kahor iyo kadib dhalmada?
Drs. Hani Omar, khabiir ku takhasusay cudurrada haweenka iyo dhalmada, ayaa si faahfaahsan u sharaxaysa muhiimadda ogaanshaha iyo ka hortagga. La soco si aad u ilaaliso caafimaadkaaga iyo mustaqbalka ilmahaaga.

03/05/2026

Haddii ilmahaagu isku kaadisho habeenkii, ha ka welwelin waxaa jir xal.
Isbitaalka Jazeera wuxuu kuu hayaa baaritaanno casri ah iyo daryeel dhamaystiran.
U keen carruurtaada siyay uhelaan adeeg caafimaad dhamaystiran.

02/05/2026

Caafimaadka maqaarkaaga waa quruxdaada.
Qeybta Cudurrada Maqaarka ee Isbitaalka Jazeera waxaad ka heleysaa dhammaan adeegyada baaritaanka, daaweynta, iyo daryeelka maqaarka oo ay bixiyaan dhakhaatiir khibrad leh.

U imow daryeel lagu kalsoonaan karo, si maqaarkaagu u noqdo mid caafimaad qaba oo ifaya.

30/04/2026

Waxaa jiray waqti qaliinka jilib-beddelidda loogu safri jiray dalka dibaddisa, halka bukaanno badan ay la noolaan jireen xanuun iyo socod xumo. Maanta, horumarka caafimaadka ayaa keenay in adeegyo tayo leh ay ka heli karaan bulshadu dalka gudahiisa. Kaalay isbitaalka Jazeera oo hel adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

29/04/2026

“Qabsin ayaa la iga qalay” waa hadal si weyn loo maqlo, balse waxa uu inta badan loola jeedaa Appendicitis—caabuq ku dhaca qabsinka (Appendix), oo ah xubin yar oo ku taalla caloosha hoose ee midig.

Waxaa sharaxaya Dr Hosam Hassan, Dhakhtarka Qaliimada Guud iyo Laparoscopic Surgery ee Isbitaalka Jazeera.

28/04/2026

Alxamdulillaah 🤲
Mama Madiino oo muddo ka badan 5 sano la xanuunsaneyd filo kaga jirtay kilida ayaa maanta si guul leh looga saaray. Waxaa fuliyay Dr. Cabdimaajid, dhakhtarka ku takhasusay kilyaha, kaadimareenka iyo taranka ragga ee Isbitaalka Jazeera.

Sharaf weyn ayay noo tahay in maanta uu nagu soo booqday Nabadoon Abaabul, oo ka mid ah nabadoonada ugu caansan dalka. W...
28/04/2026

Sharaf weyn ayay noo tahay in maanta uu nagu soo booqday Nabadoon Abaabul, oo ka mid ah nabadoonada ugu caansan dalka. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyey adeegyada baaxadda leh, tayada sare leh, iyo horumarka caafimaad ee ay bulshada u hayso Isbitaalka Jazeera.

Booqashadiisu waxay dhiirrigelin iyo qaddarin u tahay dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.

27/04/2026

Mararka qaar waalidku waxay la kulmaan welwel marka ay arkaan ilmahooda oo aan la jaanqaadi karin koriinka carruurta kale. Waa dareen dhab ah oo u baahan faham iyo taageero.

Ogaanshaha h**e wuxuu fure u yahay horumar wanaagsan.
kaalay isbitaalka Jazeera oo hel adeeg caafimaad oo dhamaystiran.









26/04/2026

Indhuhu waa daaqadda noloshaada, ilaalintooduna waa muhiimad gaar ah.
Ha sugin xanuun ama arag daciifnimo baaritaan joogto ah iyo daryeel sax ah waa furaha caafimaadka indhahaaga.

Isbitaalka Jazeera, waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa ilaalinta caafimaadka indhahaaga.








25/04/2026

Wadne caafimaad qaba waa furaha nolol caafimaad leh. Haddii aad dareento xanuun laabta ah, garaac aan caadi ahayn, neefsasho kugu adkaata, ama daal joogto ah—ha iska indho tirin calaamadahaas.

Qaybta Wadnaha ee Isbitaalka Jazeera waxay kuu diyaar u tahay baaritaan iyo daryeel casri ah oo ay ka mid yihiin Echo, ECG, Stress ECG, iyo Holter Monitor. Waxaa hogaaminaya Associate Prof. Dr. Mohamed Abdullahi Mohamud oo leh khibrad sare oo dhanka cudurrada wadnaha ah.

Kaalay Isbitaalka Jazeera, oo hel daryeel wadne oo lagu kalsoonaan karo.

Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Malaariyada Adduunka. Aan si wadajir ah uga hortagno cudurka malaariyada, kana shaqe...
25/04/2026

Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Malaariyada Adduunka. Aan si wadajir ah uga hortagno cudurka malaariyada, kana shaqeyno badbaadinta bulshada.

Isticmaal maro kaneeco, nadaafadda deegaanka ilaali, baaritaan degdeg ah samee marka aad xanuunsato, daawadana si sax ah u qaado. Ka hortaggu waa furaha caafimaadka.

Aan mideyno dadaalka si aan u ciribtirno malaariyada una badbaadino nolosha.

Address

Wadnaha Street
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jazeera Specialist Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Jazeera Specialist Hospital:

Share

Category