03/12/2021
Ururka Hormarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka deegaanka Buulo Mareer ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Dhalinyarada gobalka shabeelaha hoose Yusuf Ali Osmaan kulankaas oo looga hadlaayay sidii loo hormarin lahaa deegaanka iyo baahiyaha ka jira sidii looga jawabi lahaa sidoo kale kulankaas waxa qeyb ka ahaa Madaxa mashaaricda gabolka shabeelaha hoose ahna madaxa ururka Hormarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka deegaanka Buulo Mareer
Inta uu kulanka socodey ayaa Guddoomiyaha Ururka Waxbarashada iyo Caafimaadka Deegaanka Buulo Mareer Mohamed Ali Omar Danan iyo xoghayaha Ururka Anwar Abiikar Gaani ugu warbixiyeen shaqada uu qobto Ururka Gudoomiyaha Dhalinyarada Shabeellaha Hoose ayaa Ururka iyo Xubnihiisa kulanka ku sugnaa ku bogaadiyay in ay howlahooda ka caajisin islamarkaana u adeegaan bulshadooda isagoo u sheegay in dal waliba dadkiisa dhisto,Ururadana ay muhiim tahay in ay bulshadooda iyo dalkooda u adeegaan.