Dr IFRAH

Dr IFRAH Medical Doctor

23/11/2023

Kaftannada cilmi nafsiga ah ee caanka ah waxaa ka mid ah:
In dadka quruxda badani ku liitaan barashada xisaabta, dadka caqliga badanina ay ku liitaan xiriir sameynta.

Hambalyo dhamaan   Soomaliyeed ๐Ÿ“๐Ÿ–Š๏ธ.Macalinku waa hagaha & Furaha aqoonta ๐Ÿ–Š๏ธ.
21/11/2023

Hambalyo dhamaan Soomaliyeed ๐Ÿ“๐Ÿ–Š๏ธ.

Macalinku waa hagaha & Furaha aqoonta ๐Ÿ–Š๏ธ.

Xilliyada aad cadeysanneysid ma isku aragtaay dhiig Ka Yimaado Ciridka   kaga bogo !Waa Maxay Cirid Xanuun (Gingivitis) ...
19/11/2023

Xilliyada aad cadeysanneysid ma isku aragtaay dhiig Ka Yimaado Ciridka kaga bogo !

Waa Maxay Cirid Xanuun (Gingivitis) ?

Waa cudur ku dhaca ciridka Calaamadaha ugu wayn ee lagu garto cudurkane wa in aad isku aragto dhiig marka aad cadaaysaneyso Waa cudur anan ku baraarugin dadka somalida ah inta oo wax kaqabasho leeyahay Hadii adan iska daweeyn oo adan la tacaalin waxa oo ku keni karaa

1: ciridka ku qodma oo ilkaha inta qarsonayd dibada usoo baxan taaso keeni karta in ilkaha dareen kooda siyado oo waxii kulul iyo waxii qaboow eey ku dhiban

2: ilkuhu in eey ku liqliqdan oo eey ugu dambeeyn dibada iskaga soo baxan

3: afka in oo ku uro oo neeftadu is badasho

Maxaa keena cudurkan

Waxa keni karo cudurkan bacteria ku dhex jirta huurada ku dhax sameeysanta ilkaha hadii aan la nadiifin mudo 24-28 saadacod ah

Waxaa kaloo keni kara hormonal changes ama is bad badalka hormonada sida qaangarka ama marka eey gabadhu oorka qaado ama marka eey xaamilada tahay gabadha

Maxaa looga hortagi karaa

Inaad ku dadaasho nadafada afka ugu yaraan aad cadayato malintii 2bo jeer

Meel walba oo aad joogto waa in aad sameey sato dhaqtar ilkood
Waana inaad 6bilood kasta u tagtaa oo aad soo boqato dhaqtarka ilkaha si uu ula socda xaalada caafimaat ee afkaaga

Sidee loo daweeyni karaa

Scalling {dhaqida ama nadiifinta afka }
Chlorohexidinin mouth wash waa dawo lagu luqluqda maalintii laba jeer inta aadan cadayan kahor kuhay dawada afka 30 ilbiriqsi gadibna tuf adiga oo aadan laqin

Waa Mahadsanitihin waxee iga qaldanay dhaqaatiirta iga waa weeyn ayaa ii saxayo
Dr Mohamad

05/11/2023

Markaad dareento murugo iyo cidhiidhi, dib ugu laabo quraanka waayo Allah wuxuu yidhi:

ูˆูŽู…ูŽู†ู’ ุฃูŽุนู’ุฑูŽุถูŽ ุนูŽู†ู’ ุฐููƒู’ุฑููŠ ููŽุฅูู†ู‘ูŽ ู„ูŽู‡ู ู…ูŽุนููŠุดูŽุฉู‹ ุถูŽู†ู’ูƒู‹ุง

Qofkii xuskayga ka jeedsada waxaa u sugnaatay nolal cidhiidhi ah.

19/10/2023
14/10/2023

MALABKA DADKA CAYILIYA

MALABKA LA ISKU CAYILIYO IN FAAIDO LAGA HELO ISKADAA WAXAA KA BADAN QASAARIHIISA

Malabkan ayaa waxaa lagu tiriyaa waxyaabaha dabiiciga ah ee leh faa'iido badan oo aan la soo koobi karin hadii ay ahaan lahayd mida caafimaad oo ah tan ugu muhiimsan gaar ahaan marka malabka aan loo dhaweyn maadooyin ilaaliya kuwaasi oo ah kiimikooyin lagu daro si loo ilaaliyo malabku.

Waxana la aaminsnyhy in lagu daro kiimikooyin badan oo ilaalinaya malabka qatarna ku ah dadka.

Malabku waxa uu leeyahay sonkor dabiici ah taas oo inta badan ay yartahay saameynteeda balse ugu danbeyn waxay isugu so urureysaa in ay tahay sonkor oo qofku haduu u isticmaalo si xad ka baxsan keeni karta khatar caafimaad.

Beryahaan waxaa aad u soo batey malabka loo yaqaano malabka dadka cayiliya oo dad si aad ah u hadal hayaan hadaba waxaan dul istaagi doonaa sirta ku jirta faa'idadiisa iyo dhibtiisa.

.
Malabkan waxa ku jira maadooyin badan oo iskugu jir ah kuwaas oo u badan maadooyin dabiciii ah qaarkood ah dhir qaar kalena ah waxyaabo laga soo dhanbaley xaywaanada kuwaasi oo kala ah:-
1- malabka dabiiciga ah.
2- saliida saytu-saytuun.
3-Fuul-suudaaniga
4- Jawsul hindiga
5-Timir la shiidey.
6- Geedka mismish loo yaqaano.
7- Hilibka doorada oo la farsmeeyey.
8- Caano oo la warshadeeye.

Waxayaabahaas oo isku dar ah ayuu ka sameeysanyahay malabka waxa ayna shaki ku kujirin in ay kujirto kiimiko dhowraysa in uu halaabo malabkabqatar wayna ku ah dadka isticmalaya.

Shey walba faa'iido leh qatarihiisyna wey daba taalaa hadaba malabkaan waxaa aad u isticmaala dadka caatada ah oo iyaga miisaanka ku kordhiya si markaasi ay u soo jiitaan indhaha dadka.

โ–ช๏ธŽFaaidada uu leeyhay waa in uu kusaaro cayil aan sii socon doonin oo ubada wajiga.
โ–ช๏ธŽWaxa uu kuu furayaa cuntada.

:

โ—-waxa uu sare u qaadaa sonkorta dhiiga ku jirta taas oo ka dhalan karta in cudurka macaanka ama sokorowga uu yimaado..

โ—- waxay keentaa halisyo badan oo dhanka wadnaha ah oo sababi karta dhimasho deg-deg ah sida cholesterol-ka.

โ—Kaliyo xanuun

โ—Qofka isticmalaya oo wajiga iyo qayba kle oo jirka kamid ah kabararo

โ—- waxa uu dhibaato ku keenaa habdhiska dheefshiidka. Sida in ay xiranto tubadan cunada soo qaado ee keento caloosha(Esophaguska)
Ama ay xirto mindhicirada.
โ—- In miisaanka jirka uu xad dhaaf noqdo taas oo ka dhalan karta halis caafimaad oo farabadan.

Hadaba malabkan sidiisaba Qasaaradiisa ayaa aad ubadan.

Waa isku mid nuucyada loo kala qaybiyay oo idil kan caruurta xitaaa.

ANEMIA (DHIIG YARI) .Dhiig yaridu wxy dhacdaa markii tirada unugyada dhiiga cas cas ama Hb-ga ay ka yaraato sidii normal...
07/10/2023

ANEMIA (DHIIG YARI) .
Dhiig yaridu wxy dhacdaa markii tirada unugyada dhiiga cas cas ama Hb-ga ay ka yaraato sidii normal-ka ahayd (iyadoo loo fiirinaayo daโ€™da & jinsiga).

Jirkana axa ku dhacaya in ay hoos u dhac ku timaado soo gudbinta Oxygen- Ka oo u gudbinaayo xubnayaasha & nudayaasha jirka .

Maxaa Sababa Dhiig yarida ?

โœ… Cuduro ku dhaca unugyada dhiiga cas cas .
โœ… Nafaqada in ay jirka ku yaraato Sida ( IRON,VIT A, FOLATE, VIT B12).
โœ… Cudurada soo jireenka ah.
โœ… Caado badan & in ay uur la xiriirto.
โœ… HIV.
โœ… Infections.

05/10/2023

29-September Waxa loo asteeyey maalinka caafimaadka WADNAHA .

Cudurada ku dhaca wadnaha waxa ka mid ah WADNA ISTAAGA & FAALIGA iyagoo sababaaya ku dhawaad 1.8 Million oo dhimasha ah sanadkii.
Qodobadaan soo socda wxy halis ku yihiin cfmdka wadnahaaga :

1. Cunista Cunno aan isu dheeli tirneen.
2. To***co.
3. Hawada wasaqeysan ( Air Pollution).
4. Dhaqdhaqaaqa jirka oo yaraada.
5. Cabista khamriga badan.

03/10/2023

CANCER NAASAHA .

Cancer-ka ku dhaca naasaha waa burooyinka ugu caansan dunida. Inta badan wuxuu aad u saameeyaa dumarka dhalma gooyey ee daโ€™doodu ka weyn tahay 50 ka sano ragana sidoo kale wuu saameeyaa balse kuma badna.

Waa cudur qatar ah hadana laga hor tagi karo.

Hababka ugu wngsn ee looga hora tagi karo waa:

1: Naasnuujin samee hadii aad thay hooyo dhashay.
2: Jooji balwada sida SIGAARKA.
3: La soco miisaankaaga oo baruurta ama cayilka ka fogow.
4: Jimicsiga jirka ku dadaal oo dhaqdhaqaaq samee.
5: Ka fogow dhibaatooyinka kaaga imaan kara goobaha lagu saaro RAAJADA ama shucaaca.
6: Jooji cabista Khamriga.

Send a message to learn more

01/10/2023

Xikmad baa tidhaahda:

Aamuska aad aamusto kolka aad baahan tahay, waxay tilmaantaa cisatu nafsi.

Aamuska aad aamusto kolka lagugu jeesjeeso, waxay tilmaantaa sarrayn

Aamuska aad aamusto kolka aad cadhooto, waxay tilmaantaa awood.

Aamuska aad aamusto kolka aad guulaysato, waxay tilmaantaa kalsooni.

Aamuska aad aamusto kolka wax laguu geysto, waxay tilmaantaa xikmad.

Aamuska aad aamusto kolka aad murugooto, waxay tilmaantaa sabar iyo tala saarasho Alle.

Aamuska aad aamusto xilliga dadku kuu nasteexeenayaanna, waxay tilmaantaa aadaab.

โ€” Mubarak Hadi

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+25261533149

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr IFRAH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr IFRAH:

Share