Nile Care

Nile Care Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nile Care, Medical Research Center, Hodan, Mogadishu.

Nile Care is the official health and community services arm of Nile University of Science and Technology, dedicated to delivering accessible, high-quality medical care and community outreach programs.

Imisa Koob Oo Biyo Ah Ayuu Jidhku U Baahan Yahay Xilligan Kulaylaha?Xaddiga biyaha uu jidhku maalin kasta u baahanyahay,...
21/12/2025

Imisa Koob Oo Biyo Ah Ayuu Jidhku U Baahan Yahay Xilligan Kulaylaha?

Xaddiga biyaha uu jidhku maalin kasta u baahanyahay, waxa ay ku kala duwan tahay xaaladaha qofka, tusaale ahaan dareeraha iyo cabitaannada kale ee uu cabbo, noocyada cunto ee uu cuno, iyo mararka qaarkood xaaladihiisa caafimaad iyo dawooyinka uu qaato, ama xarakaadka jidheed ee uu sameeyo.

Warbixin ay waaxda caafimaadka dadweynaha ee jaamacadda Harvard University Ku daabacday boggeeda internet ku, waxa ay sheegaysaa, qofka uu caafimaadkiisu fiican yahay haddii uu nin yahay, in uu maalintii u baahan yahay 15.5 koob oo biyo ah, gabadhuna ay u baahantahay qiyaas 11.5 koob.

Waa marka aynnaan cabbin cabitaanno kale. Laakiin marka ay jiraan in aynnu cabitaanno kale cabno, sida shaaha, caanaha, sharaabka iwm ama aynnu cunno khudradda noocyadeeda, waxa ay khubaradu qiyaaseen in qofka ay Maalintii ku filnaan karaan 4 illaa 6 koob oo biyo saafiya ahi.

Si kastaba ha ahaato ee, qiyaasta biyaha aad u baahanaysaa waa ay kordhi karaan ama yaraan karaan, marka ay jiraan xaalado ay ka mid yihiin, kulaylka ama qabowga badan ee cimilada, jimicsiga iyo xarakaadka jidhka ee dhididka badan keena, xanuunnada qanjidhada dhuunta (Thyroids), xanuunnada kelyaha, beerka ama Wadnaha, iyo marka uu qofku isticmaalo dawooyinka jidhka biyaha ku celiya, sida dawooyinka caabuqa lagula dagaalamo, kuwa xaaladaha nafsiga ah loo isticmaalo qaarkood, iwm. Markan oo kale dhakhtarka ayaa ay tahay in lagala tashado xaddiga biyaha ay tahay in la cabbo maalintii.

Calaamadaha biyo yaraanta daran:
Marka aad isku aragto xaraaradda jidhka oo kor u kacda, muruqyada oo aad ka dareento in ay guntamayaan/isku ururayaan, yalaalugo ama matag, awood la’aan iyo burbur badan, madax xanuun, dawakhaad, ama isku buug iyo jaahwareer nafsiya, talada ugu fiicani waa in aad dhaqso u joojiso haddii hawl adag aad haysay, jidhka aad maydhato, biyo iyo dareere badanna aad cabto. Sidoo kale waxaa fiican In aad fadhiisato meel jidhku uu hawo furan ka helayo.

W/D: Kamaal Marjaan



Tallaabooyin Subaxaaga Ka Dhigaya Mid Jawi Degan Ku BilowdaHalkaan maanta waxaan kaga hadlaynaa waxybaabo hadaad samayso...
24/11/2025

Tallaabooyin Subaxaaga Ka Dhigaya Mid Jawi Degan Ku Bilowda
Halkaan maanta waxaan kaga hadlaynaa waxybaabo hadaad samayso nafsadaada ka dhigaaya maalintaas oo dhan maalin farxad leh

Wanaaji isticmaalka wanaagsan ee tamartaada, ma aha waqtigaada oo kaliya:
Waxaa muhiim ah in aad ka fikirto si aad tamarta u isticmaali doontid oo ah in aad awood u leedahay qabashada qaar ka mid ah waqtiyada qaarkood shaqooyin saamayn leh abuura, tusaale ahaan aragtida hal abuurka leh ee inta badan aad uga sarreysa dadyowga kale waxay ku imaanaysaa inaad haysatid fikradahaan subax kasta

Waa inaad joojisaa balamahaada iyo wareysiyadaada, teleefonada iyo warqadaha aad diri lahayd Ma u baahan tahay tamarta sidaas hal abuurka u leh ? Sidaa darteed waa in aad ku shaqayso tamar ku haboon si aad u gaartid ujeedadaada. Tani waa su’aasha ubaahan in la helo jawaabta ku saabsan waxa ay tahay awooda ku haboon in aad subaxdii isticmaashid?? Iswaydii marka h**e Waa maxay hawsha ay tahay in la fuliyo ??

2. Diyaar garow habeenka h**e: Diyaari shaqooyinka barri aad qaban laheed isla habeenkaas inta aadan seexan 10 daqiiqo guduhood samayso liis aad ku xustay shaqooyinka barri aad qaban laheed

3. Ha furin e-mailadaada ku saabsan shaqada ilaa aad barri subax ku gaarto waqtiga ku haboon . hagaag ,arrintaan waxay ubaahantahay dhiiranaan badan maxaa yeelay haday arrin degdeg ahi jirto waxaad ku heli laheed warka jira warlaliska ama telefoonka sida loo yaqaan

4. Ha furin taleefoonkada subuxi markaad soo kacdid oo haku bilaabin waagaada qabashada taleefonka

5. Ku shaqee qol aan qabow laheen oo diirimaad ah

6. Fariiso kadibna joogso markale , maxa yeelay mararka qaarkood si jirkaada u helo ogsijiin aad ufiican , iska ilaali cudurada xun xun fadhi xumadaada darteed

7. Cun raashin fiican kadib shaqooyinkada adag ,cunista raashinka bmarkaad baahato gaar ahaan markaad shaqo adag kasoo baxdid ,waxaad helaysaa caafimaad iyo raax jirkaada ka imaada

8. Baro dheel aad markasta ciyaari karto adigoo horumar ka samaynaayo ciyaarta laftigeeda si markaas ay kuugu suuragasho inaad ku raaxaystaid waqtiyadaada nasashada aad leedahay

W/Q: Dr. Usama Cismaan

Nooc Shaaha Ka Mid Ah Oo Ay Fiican Tahay In Subaxda H**e La Cabbo Iyo Sababta Caafimaad Ee DhiirragelinaysaCaadi ahaan d...
04/11/2025

Nooc Shaaha Ka Mid Ah Oo Ay Fiican Tahay In Subaxda H**e La Cabbo Iyo Sababta Caafimaad Ee Dhiirragelinaysa

Caadi ahaan dad badan ayaa jecel inay maalintooda ku bilaabaan koob bun ah oo ay aroorta h**e cabbaan iyaga oo aaminsa in koobkaasi uu yahay indho fur iyo in maskaxdu ka soo wada baraarugto hurdadii habeennimo, qofkana ku beero firfricooni iyo in dardar la galo hawlihiisa maalintaas. Laakiin daraasado cilmiya oo bunka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in bunku uu qofka ku sii kordhiyo sakatiga, iyo culayska nafsadeed ee nolol maalmeedkiisa ku lammaan, iyada oo ay sababtu tahay maadadda Caffeine ee bunka ku jirta oo marka ay jidhka gasho kordhisa hormoonnada qofka ku keenadiiqadda iyo culays iyo daal nafsiya.

Haddaba waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in taas beddelkeeda uu qofku subaxda h**e cabbo shaaha cagaaran oo ay sheegeen in uu ku jiro xaddi yar oo maadadda Caffeine ta ah iyo ta ka sii muhiimsan oo ah inuu hodan ku yahay maaddooyin saamayn fiican ku leh maskaxda, waxna ka beddesha shaqada iyo firfircoonida, hirarka korontaysan ee maskaxda waxa aanay taasi qofka ku beeraysaa dareen dabacsanaan iyo caajis la’aan ah.

Faa’idooyinka shaaha cagaarani intaas kuma koobna, balse waxa kale oo ka mid ah:

Maskaxda oo uu ka ilaaliyo asaasaqa iyo guud ahaan calaamadaha gabowga:
Shaaha cagaaran waxaa ku jira maaddooyin awood u leh in ay gaadhaan maskaxda oo ay ka hortagaan in barootiintadhibaatada ku keenysaa ay ku ururto, waana sababta ay culimada saynisku u sheegayaan in Shaaha Cagaarani uu ka hortag u yahay isku-dhex daadashadamaskaxda iyo in xusuustu ay yaraato, sidoo kale waxaa ku jira maaddo afka cilmiga lagu yidhaahdo EGCG oo yaraysa mid ka midah xanuunnada ugu khatarsan ee dumarka ku dhaca , kaas oo ah lafo-burburka. Intaas waxaa dheer sida daraasadaha cusubi sheegayaan shaaha cagaaran oo yareeya gabowga maqaarka, kana ilaaliya raadka khatarta ah ee kaga iman kara fallaadhaha qorraxda.

Miisaanka ayuu dhimaa:
Shaaha cagaarani waxa uu gubaa dufanka iyo xaydha jidhka ku ururta, waxa uu dhimaa doonista cutada / Amateedka, arrimahaas oo dhammaantood ka qayb qaata dhimista miisaanka.

Shaaha Cagaarani waxa uu afka ka kaxeeyaa urta aan fiicnayn:
Shaaha cagaaran waxa uu gaar u leeyahay awood dili karta dhammaan bakteeriyada afka ku dhalata, sidaa awgeed waxa uu ka hortagaa in ilkaha uu ku samaysmo lakabka dhagaxa ah, waxa aanu kor u qaadaa caafimaadka cirridka.

Waxa uu ka hortagaa burooyinka kansarka ah:
Cilmibaadhisaha ugu waaweyn ee lagu sameeyey shaaha cagaarani waxa ay isku waafaqsan yihiin in uu yareeyo heerka khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarka.

In kasta oo ay jiraan saynisyahanno kale oo iyagu dood ka qaba in uu shaaha cagaarani awooddaas inta le’eg leeyahay, haddana sida lagu ogaaday daraasad soo baxday sannadkii 2015ka, waxa ay khubarada sayniska badankoodu aaminsan yihiin in shaaha cagaaran uu yareeyo suurtogalnimada in qofka kansar ku dhaco, maadaama oo uu la dagaalamo koritaanka xidhmooyika iyo wasladaha kansarka, haddii ay qofka hayaanna u u diido in ay jidhka ku faafaan.

-Kamaal Marjaan



Talooyin Qaldan Oo Ay Ku Dhaqmaan Dadka Miisaanka Dhimaya & Sababta Aanay Faa’ido Uga HelinMuddooyinkan dambe sheekooyin...
27/10/2025

Talooyin Qaldan Oo Ay Ku Dhaqmaan Dadka Miisaanka Dhimaya & Sababta Aanay Faa’ido Uga Helin

Muddooyinkan dambe sheekooyinka ugu dhegeysiga, akhriska ama daawashada badan ama dadku aad ugu haasaawaan dunida oo dhami, waa kuwa la xidhiidha dhimista miisaanka iyo talooyinka caawinaya. Sababtaas awgeed ayaa uu mawduucani noqday mid cid kastaa aragtideeda ka dhiibato, fikirna ku darsado, sida oo kale dad badani uga faa’iidaystaan arrimo xayeysiis iyo ganacsi la xidhiidha, iyaga oo dadka u sheegaya talooyin aan waxba ku soo kordhinayn miisaan dhimista.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah talooyinkaas oo qaarkood ah kuwo aan waxa la sheegay waxba ka tarayn, qaarna xaalka ugaba sii daraan.

Waxa se marka koowaadba muhiim ah in aad meel ku gunuddo in aanay jirin talooyin badan oo miisaan dhimista la xidhiidha oo ay dadka oo dhami wadaagayaan. Tusaale ahaan nooca dhiigga qofka ayaa saamayn gaar ah ku leh kuwa ay yihiin talooyinka anfacaya, sababina kara in talo qof ku faa’iiday aanay qof kale waxba u tarin.

Cunto joojinta ku meelgaadhka ah:
Cuntada oo aad yarayso, isla markaana habayso waqtiyada aad cunayso iyo sida aad u cunaysaa waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu muhiimsan ee caawiya dhimista miisaanka. Laakiin in cuntada muddo la dhimo, kaddibna mar labaad dib loogu soo noqdo cunto cunistii h**e, waxa ay ka mid tahay xaaladaha marka h**e miisaanka dhima, laakiin isla marka uu qofku dib u bilaabo uu miisaankii dhaqso u soo noqonayo. Talada ugu habbooni waa in aad yarayso cuntadaada, nidamaiso waqtiyada aad cunayso, go’aamiso nooca cunto ee aad cunayso, oo aad weligaaba laasimto oo aanad ka guurguurin.

Gaajada iyo miisaan dhimista:
In la raaco nidaam cunto qaadasho ee jilayaasha iyo dadka caanka ahi raacaan oo ah in nafta gaajo aad ah lagu hayaa, waa run in ay miisaanka dhimayaan, laakiin dhakhaatiirta iyo xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu waxa ay ka digayaan in gaajada badani ay caafimaad darro badan ku keento qofka. Dhibta ugu weyn ee ay keentaa waa in ay dhaawacdo awoodda dabiiciga ah ee uu jidhku u leeyahay hawlgalka dheefsiga loo yaqaanno oo ah in jidhku si fiican ula baxo nafaqada iyo macdanaha kala duwan ee cuntada ku jira, waxa kale oo ay dhaawacdaa awoodda jidhku u leeyahay gubista cuntada.

Arrimahaasi waxa ay keenaan in jidhku marka h**e miisaan badan rido, laakiin marka dambe uu joojiyo miisaan dhimista, wax kasta oo la sameeyaana aanay waxba ka beddelin, sida oo kale waxa ay keentaa xaalado caafimaad darro oo kala duwan.

Khudradda badan:
Muran k**a jiro in khudraddu ay u fiican tahay caafimaadka, laakiin waxa cilmibaadhisaha dambe oo dhami waxa ay isku raacsan yihiin in cunto badan oo la cunaa ay sababto dhibaatooyin caafimaad oo badan, waxaana ka mid ah in heerka sonkoraha iyo maaddada ‘Fructose’ oo labaduba khudradda ku jiraa ay ku bataan jidhka, waana arrin caafimaadka jidhka dhibaato ku ah.

Nooca Kaalori (Calorie) ee aynu la dagaalamaynaa waa kee:
Dad badan ayaa marka ay miisaan dhimista wadaan xisaabiya xaddiga ama tirada Kaalori ee ay gubaan inta ay jimicsiga wadaan, laakiin dad badani waxa aanay ogeyn in kaalooriyadu aanay dhammaan isku mid ahayn. Tusaale ahaan, 100 kaaloori oo uu qofku ka helo iskiriin ama jallaato dux leh oo uu cunay, iyo 100 uu ka helo khudrad nooca ganka leh ah oo uu cunaa waa ay akla duwan yihiin, jidhkuna u kala baahi badan yahay, sidaa awgeed gubistooda midina faa’iido leedahay, midina aanay fiicnayn.

Iska xamaynta dufanka:
Dad badan ayaa aaminsan in dufanka oo ay gebi ahaantiiba iska daayaan ay miisaankooda dhimmi doonto. Sida ay caddeeyeen xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu xaqiijiyeen runtu waxa ay tahay in jidhku si caafimaadkiisa u ilaashado, hawlihiisa dabiiciga ahna si caafimaad qabta oo sax ah u dhammaysto, uu u baahan yahay xaddi dufan ah, oo ah nooca jidhka faa’iidada uleh, dufannada ugu fiicanina waa saliid saytuunta, saliidda qumaha, saliidda Afakaadhada iwm. Haddii uu jidhku dufan oo dhan waayo, macnaheedu waa in uu waayayo curiyeyaal nafaqo oo jidhku la’aantii aanu habsami u shaqayn karin.

Maxaa ka jira in ay fiican tahay in saacad go’an; sida 5 ta galabnimo ama 8 da fiidnimo cuntada la joojiyo?
Xogaha qaldan ee dad badani ka aaminsan yihiin ama ka sheegaan dhimista miisaanka waxaa ka mid ah in ay ku taliyaan in qofku uu cunto cunista joojiyo ugu dambayn 8 fiidnimo, halka qaarkoodna ay ka sheegaan in 5 galabnimo kaddib aan cunto la cunin.

Xeeldheereyaasha siga gaarka ah arrimahan u daraaseeyey waxa ay sheegeen in cuntada oo la cuno isla waqtiga la sii seexanayaa ay dhibaato caafimaad ku tahay qof kasta oo ay ku jiraan xitaa kuwa aan miisaankoodu saayidka ahayn. Talada ugu fiicanina ay tahay in cunto cunista la joojiyo saddex saac ka hor xilliga uu qofku seexanayo. Tusaale ahaan haddii uu 10 habeennimo seexdo waa in uu 7 habeennimo sii casheeyaa.

Muhiimaddu waa in hurdada uun 3 saac laga horreysiiyaa, sababta sidaa loo yeelayaana waa in jidhka la siiyo waqti ku filan in uu cuntada inteeda ugu muhiimsan dheefshiido hurdada ka hor.

Biyaha la cabbo xilliga cuntada cunisteeda la wado:
Dad badan ayaa aaminsan in biyo badan oo la’ la cabbo cuntadu ay keento in uu qofku dhergo oo taasina ay keento in uu cunto yar cuno, sidaasna uu miisaankiisu aakhirka isku dhimo. Laakiin culimada arrimahan ku xeeldheeri waxa ay xaqiijiyeen in xogtaasi ay qaldan tahay.

Cilmibaadhiso dhowaan la sameeyey ayaa caddaynaya in biyaha oo la cabbo xilliga cunto cunista la wadaa ay yarayso dheecaannada dheefshiidka caawiya ee ay caloosho soo saarto, taasina ay dhibaato ku noqoto awooddii dheefshiidku u lahaa in uu cuntada burburiyo. Qofka oo dabeecaddaas joogteeyaana waxa uu halis u yahay in ay ku dhacaan xanuun ama dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca dheefshiidka ahi.

Jimicsigu ma kaa furan karaan is xammaynta:
Dad badan ayaa aaminsan in jimicsiga oo joogto loo sameeyaa ay kuu ogolaanayso in aad cunto wixii aad jeceshay iyo xaddigii aad ka rabto, maadaama oo aanu miisaankaagu kordhayn!

Waa aaminaad qaldan. In qofku uu jimicsi sameeyaa macnaheedu waa in oo gubo Kaalooriyada jidhkiisa ku jira, laakiin isaga oo gubaya, haddana in qofku cunto badan cunaa waxa ay keenaysaa in uu miisaankiisu kordho, iyo in uu aakhirka la kulmo cillado dhinaca dheefshiidka ah. Dhammaad.

Diyaariye: Kamaal Marjaan



𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐰𝐠𝐞𝐞𝐝, 𝐈𝐬𝐤𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐣𝐢 𝐂𝐮𝐧𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐧𝐤𝐨𝐫𝐭𝐚!Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahan yahay waqtiyo daryeel iyo kabis ama d...
24/10/2025

𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐰𝐠𝐞𝐞𝐝, 𝐈𝐬𝐤𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐣𝐢 𝐂𝐮𝐧𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐧𝐤𝐨𝐫𝐭𝐚!

Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahan yahay waqtiyo daryeel iyo kabis ama dayactir lagu sameeyo xubnaha iyo unugyada kala duwan si ay si habsami ah u sii wataan gudashada shaqada ay jidhka u hayaan.

Buugga ’30 siyaabood oo aad dib ugaga shaqaysiin karto jidhkaaga’ oo uu qoray Ben Greenfield ayaa soo jeedinaya talooyin iyo tilmaamo aynu uga faa’iidaysan karno ka takhalusidda dhammaan curiyeyaasha dhibaatada ku keena nidaamka nafaqo ee qofka. Kuwaas oo si toos ah saamayn ugu yeesha shaqada jidhka, hoosna u dhiga caafimaadka guud, waxaa ugu horreeya sonkorta cad.

Macaanka sonkorta cadi ma’aha dabiici, sida macaanka uu jidhku ka helo khudradda noocyadeeda, caanaha iyo badarka. Hay’adda caafimaadka adduunkuna waxa ay sheegaysaa in aanay fiicnayn in qofka qaangaadhka ah jidhkiisa uu galo wax ka badan boqolkiiba 10 ah kalooriska laga helo sonkorta iyo waxyaabaha la midka ah.

Qoraaga kale ee lagu magacaabo Diana Herrington oo aasaastay barta internet ka ee ‘Real Food for life’ ayaa sheegtay in ay jiraan sababood oo ay tahay in qofku uu dartood isaga daayo sonkorta, kuwaas oo kala ah:

𝗡𝗮𝗳𝗮𝗾𝗼 𝗺𝗮’𝗮𝗵𝗮

Waa kalooris madhan, oo waxtarkeeda cunto iyo nafaqadeedu aad u yar yihiin. Waxaa intaas u dheer in jidhku si uu u burburiyo una dhammaystiro geeddiga dheefshiid ee sonkorta uu u baahdo in uu dib xubnaha jidhka uga soo qaato faytamiinno muhiim ah. Arrintani waxa ay sababtaa in nafaqada jidhku hoos u dhacdo.

𝗗𝘂𝗳𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗮𝘆 𝗷𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗯𝗮𝘁𝗮𝗮

Kalooriska sonkorta ku jiraa marka ay jidhka ku bataan waxa ay sababaan in ay ku kaydsamaan nudaha dufaneed ee jidhka, taas oo sababta in miisaanku uu kordho.

𝗖𝗮𝗱𝗵𝗼 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝘂𝗹𝘂𝗯

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in uu xidhiidh cadi ka dhexeeyo cunista sonkorta badan iyo in qofka ay ku dhacaan xanuunnada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, warwarka, qulubka, iyo xitaa in qofku uu bulshada ka faquuqmo. Sababtuna waa sonkorta oo sababaysa in Insulin ta iyo Adrenaline ta jidhka uu heerkoodu kor u kaco.

𝗦𝗼𝗻𝗸𝗼𝗿𝘁𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝘁𝗮𝗮 𝗰𝘂𝗱𝘂𝗿𝗿𝗼 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿 𝗮𝗵

Sonkorta oo jidhka ku badataa waxa ay sababtaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin, macaanka, kelyo xanuunka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Waxa kale oo suurtagal ah in ay burburiso awoodda uu ganacu u leeyahay in uu si habsami ah shaqadiisa u qabsado.

𝐒𝐨𝐧𝐤𝐨𝐫𝐭𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚 𝐬𝐮𝐮𝐬

Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha.

𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗰𝗶𝗶𝗳𝗶𝘀𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗯𝗱𝗵𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗯𝗶𝗶𝗰𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵

Sonkortu waxa ay hoos u dhigtaa firfircoonida dabiiciga ah ee shaqada habdhiska difaaca. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Loma Linda ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujisay in cunista badan ee sonkortu uu raad caafimaad darro ah ku yeesho shaqada unugyada dhiigga cad.

𝐂𝐨𝐨𝐝𝐡-𝐜𝐨𝐨𝐝𝐡𝐤𝐚

Sonkorta cad / aan dabiiciga ahayn oo jidhka ku badataa waxa ay burburisaa barootiinka ‘Collagen’ taas oo sababta in coodh-coodh da’diisa ka soo horreeyaa uu jidhka ku bato.

𝗧𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗶𝗻 𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗼𝗻𝗸𝗼𝗿𝘁𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗷𝗶𝘀𝗼

Habka ugu fiicani waa in aad si tallaabo tallaabo ah u dhinto cuntooyinka sonkorta lagu daro, adiga oo taas beddelkeedana cunaya:

– Khudradda darayga ah iyo ta qallalan. In kasta oo ay sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay khudradad, haddana waa ay ka caafimaad badan tahay sonkorta samayska ah, waxa aanay hodan ku tahay faytamiinno iyo macdanno kala duwan. Waxa la ogaaday in khudraddu ay jidhka illowsiiso baahida iyo doonista uu u qabo sonkorta. Sonkortan dabiiciga ahi malaha kalooris, waxa aanay nafaqaysaa ganaca.

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in sonkorta dabiiciga ahi ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga, isla markaana ay caawiso dejinta dhiigkarka.

– Si tallaabo tallaabo ah u yaree isticmaalka macmacaannada kala duwan.

– Ku dadaal in aad cuntadaada ku soo koobto xilliyada cunto ee waaweyn, iyo in aad waqti go’an cunto, si aad jidhka ugu ilaaliso sonkorta oo hoos u dhacaysa haddii waqtigii jidhku cuntada u baahnaa uu dhaafo.

– Ku dadaal in aad cabto cabbitaannada dabiiciga ah, sida liinta noocyadeeda.

– Gurigaaga, xafiiskaaga, gaadhigaaga ama meel kale oo kuu muuqata ha dhigin sonkor ama shay sonkor leh sida shaglaydhka (shukulaatada sonkorta leh, si aanay naftu doonistiisa u xasuusan.

– Ku dadaal jimicsiga, gaar ahaan socodka. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo aad dareento in aad sonkor ama macmacaan u baahantahay in aad bilowdo socod.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa isku raacay in jacaylka badan ee ay dadka ciyaaara / jimicsiyada sameeyaa u qabaan sonkortu uu hoos u dhaco marka ay jimcsiga sameeyaan.

Diyaariye: Kamaal Marjaan



Address

Hodan
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nile Care posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram