Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed

Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed Somali Women Health Conference.

Muqdisho, 27 Luulyo 2025 – Wafdi uu hogaaminayey Guddoomiyaha Guud ee Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Haweenka Soom...
27/07/2025

Muqdisho, 27 Luulyo 2025 – Wafdi uu hogaaminayey Guddoomiyaha Guud ee Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Haweenka Soomaaliyeed, Dr. Drs Fatima Ismail Mohamed , ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo ka dhacay xarunta wasaaradda. Ministry of Health- Somalia

Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xubno sare oo ka tirsan guddiga fulinta ee golaha, ayaa kulankaasi diiradda lagu saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada, xoojinta iskaashiga u dhexeeya golaha iyo wasaaradda, iyo sidii si hufan loogu diyaarin lahaa Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed oo la filayo in dhawaan la qabto.

Intii uu socday kulanka, waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la horumarinayo adeegyada caafimaadka ee dalka, si gaar ah kuwa la xiriira haweenka iyo carruurta.
Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimadka DFS Dr Mohamed Hassan Mohamed .ayaa dhiirigalin iyo bogaadin u diray Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha guud Dr. Fatima ayaa uga mahadcelisay Wasaaradda sida ay mar walba u garab taagan tahay Golaha, waxayna tilmaantay in shirweynaha soo socda uu noqon doono madal muhiim u ah kobcinta doorka haweenka xirfadlayaasha ah ee ku jira garoomada caafimaadka.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay muujiyeen diyaar garow buuxa iyo ka go’naansho ay u leeyihiin horumarinta caafimaadka dalka iyadoo loo marayo wada-shaqeyn joogto ah, qorshe cad, iyo taageero rasmi ah.

DHAMMAAD

Dib U Milicsi:Sanadkii  2aad ee Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed.Sanadkii labaad ee shirweynaha caafimaadk...
25/07/2025

Dib U Milicsi:
Sanadkii 2aad ee Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed.

Sanadkii labaad ee shirweynaha caafimaadka haweenka Soomaaliyeed wuxuu ahaa dhacdo taariikhi ah oo xasuus gaar ah ku leh dhamaan bahda caafimaadka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed ee hormuudka ka ah horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Shirkaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna isu keenay xirfadlayaal caafimaad, mas’uuliyiin dawladeed, ururada bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo xuquuqda haweenka.

Intii uu socday shirweynuhu, waxaa la falanqeeyay arrimo muhiim u ah caafimaadka haweenka, sida:

Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka
Ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada caafimaadka

Xoojinta xirfadaha haweenka caafimaadka u shaqeeya

Shirkaasi wuxuu noqday madal dhiirrigelisay wada hadal furan, isdhaafsi aqoon, iyo dhisidda iskaashi cusub oo horseedi kara xal waara oo lagu horumarin karo caafimaadka haweenka Soomaaliyeed. Waxaa lagu soo gabagabeeyay ballanqaadyo wax ku ool ah iyo qorshayaal lagu horumarinayo adeegyada caafimaad, iyadoo la xoojinayo kaalinta haweenka ee hogaaminta iyo adeeg bixinta.

Dib u milicsiga shirkan wuxuu inoo muujinayaa sida muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ugu heelan yihiin horumarinta caafimaadka, iyo sida ay uga go'an tahay in ay noqdaan laf-dhabarka isbeddelka caafimaad ee dalka.

Shirweynahaas ma ahayn oo keliya kulan, balse wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq isbeddel horseedaya.

Dhawaan filo sanadkii 3aad ee shirweynaha caafimaad ee haweenka soomaaliyeed 💯
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed

20/07/2025

Maamulka sare ee Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciye qabashada shirweynaha caafimaad ee haweenka soomaaliyeed sanadkii 3aad oo xiriir ah

Shirkani waxaa soo qaban qaabiyo sanad waliba Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed .

Waxaa farxad weyn noo ah in aan si rasmi ah u shaacino in la qaban doono Shirweynaha Caafimaadka Haweenka Soomaaliyeed –...
23/06/2025

Waxaa farxad weyn noo ah in aan si rasmi ah u shaacino in la qaban doono Shirweynaha Caafimaadka Haweenka Soomaaliyeed – sanadkii 3aad oo xiriir ah!
Shirkan muhiimka ah waxa uu fursad siinayaa in la isu keeno dhammaan bahda caafimaadka si looga wada hadlo horumarinta iyo xal u helidda caqabadaha caafimaad ee heysta haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in madashaasi ay si rasmi ah u kulmin doonto xirfadlayaal, aqoonyahanno, iyo hormuudyo haween ah oo ka kala yimid daafaha dunida.
Shirka wuxuu noqon doonaa madal wacyigelin, isdhaafsi aqoon, iyo xoojinta iskaashi caafimaad.

Lasoco faahfaahinta dhawaan...!

"Hablo weerar geli kara,Hablo geela dhicin kara,Hablo geesi dili kara,Gobannimona hanan kara,Hablo talada goyn kara,Gart...
20/06/2025

"Hablo weerar geli kara,
Hablo geela dhicin kara,
Hablo geesi dili kara,
Gobannimona hanan kara,
Hablo talada goyn kara,
Garta madal ka niqi kara,
Garashana iskaga mida,
Quruxdana ka wada goba;
Geesteenna mooyee
Geyi kale ma joogaan."

~ Hadraawi
Shirweeynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed

  dhammaan umada muslimiinta.Shirweeynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed..
02/05/2025

dhammaan umada muslimiinta.
Shirweeynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed..

Shirweeynaha Caafimaad ee Haweenka SoomaaliyeedGolaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Gabdhaha Soomaaliyeed
15/11/2024

Shirweeynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Gabdhaha Soomaaliyeed

. .

Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Gabdhaha SoomaaliyeedShirweeynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
13/11/2024

Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Gabdhaha Soomaaliyeed
Shirweeynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed

Address

Degmada Hodan
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed:

Share