11/01/2026
Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Waxaan sharaf iyo farxad weyn u aragnaa inaan ka mid noqono fulinta mashruuca Olβolaha Bixinta Badbaadi Dadka, oo ah mashruuc samafal oo saameyn togan ku leh bulshada.
Golaha muddo 6 sano ah waxa uu si joogto ah uga shaqeynayay hawlaha samafalka, annaga oo had iyo jeer u taagan daryeelka iyo badbaadinta dadka u baahan gacan qabasho. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan door muuqda ka qaadannay mashruucan, isla markaana aan la shaqeynay kooxo iyo hayβado kala duwan oo leh yool mideysan.
Mashruucan waxaa laga fuliyay Kaamka Weydoow, waxaana si joogto ah loo sii wadi doonaa Insha Allah, si loo gaarsiiyo gargaar iyo taageero dadkeenna u baahan.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan team-yada, bahda iskaashiga, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta mashruucan qiimaha leh. Wadajir ayaan wax ku qaban karnaa, wadajirna bulshadeenna u horumarin karnaa. π€β¨
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Ministry of Health- Somalia
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS
action network