26/05/2024
afaafka ilmo-galeenka
•= Qeybta u dhexeysa godka xubinta taranka iyo minka waxaa loo yaqaanaa cervix,
•= kansarka ku dhaca qeybtaan ayaa sababa in si aan caadi ahayn ay u koraan unugyada kuyaalaha ilmo mareenka,
•= tani waxay sababtaa in uu isbadalo qaab dhismeedka iyo shaqada caadiga ee ilmo mareenka.
•= Kansarka noocaan ah waxuu kamid yahay kaankarooyinka ugu khatarta badan ee ku dhaca dumarka gaar ahaan xubnaha taranka.
•= Xaaladaan ayaa wanaagsan in wax lagu qabto marka uu kansarku bilow yahay, inta kansarka uusan kusii fidin xubno kale oo jirka kamid ah.
sababa kansar ku dhaca ilmo mareenka?
√= Kansar ku dhacda ilmo mareenka waxaa inta badan sababa feyruska loo yaqaano( Human Papilloma Virus) , kaasoo la isagu gudbiyo galmada.
√= Feyruskaan ayaa leh noocyo badan oo dhamaantood aan wada sababin xanuunkaan.
√= Marka ugu horeysa ee uu feyruskaan ugudbo ilmo mareenka waxaa uu sababi karaa marxalada loo yaqaano (ge***al warts) oo ah in buro ama boogo yaryari ay kasoo baxaan xubnaha taranka, taasoo ugu danbeyn sababta kaankarada ku dhacda ilmo mareenka.
maxaa astaamaha lagu garto?
Bilowga xanuunkaan ama marka uu isbadal yari ku dhacayo qaabta taranka unugyada ee ilmo mareenka inta badan malahan wax astaan ah oo muujinaya curashada xanuunkaan. Marka ay bataan oo heer gaaraan isbadalka unugyada waxaa kuyimaada astaamo kuwaaso isagu jira kuwo khaas ah iyo kuwo lagu khaldi karo xanuuno kale. Astaamaha inta badan la arko marka ay kaankaraadaan soo ifbaxdo waxaa kamid ah
1:- Dhiig ka yimaada Farjiga kaasoo ah mid aad ugu tira badan kan xiliga caadada
2:- Xanuun laga dareemo qeybta hoose ee ubucda ama miskaha
3:- Haweeynada oo aan u adkaysan karin galmada taasoo ah mid aad u xanuun badan
4:- Dheecaan isagu jira biyo iyo malax oo ka yimaada Farjiga lehna ur.
5:- Dhiig yimaad haweeynayda kayimaado kadib marka samayso galmado.
loogu sameeyaa baaritaan?
¶= Baaritaan loo yaqaano pap test kaasoo ujeedadiisu ay tahay in lasoo xoqo ilmo mareenka si loo ogaado isbadalka ku dhacay unuyada uu ilma mareenku kasameysan yahay.
¶= Habkaan ayaa ah mid aad loo isticmaala kana caawiya dhakhaatiirta inay kala saaraan calaamadaha khaaska ah ee xanuunkaan iyo kuwa guud ee uu la wadaagi karo xanuuno kale.
¶= Hadii uu dhakhtarku arko in xanuunkaan uu yahay bilowga kaankaradaan waxaa uu sii sameeynayaa baaritaano kale kuwaasoo la xariirta marxalada uu xanuunkaan ku jiro.
NB:- Kansarkaan ayaa ah mid taxadarkeeda leh maadaama hadii ay gaarto heer, ay ugu fidi karto xubno badan oo kamid ah jirka iyadoo ugu gudbinaysa hab wareega dhiiga. Waxaana mar walba la doorbidaa in xanuunkaan la daweeyo marka kaankarada aysan weli kagudbin ilmo mareenka.
ugu badan ee loo daweeyo
* kaankaradaan ayaa ah mid la xariirta habka qalilinka, kaasoo laxaqo ama lasaaro unugyada ay saamaysay kaankaradaan, waxaana la raaciyaa daaweyn.
* Tani waxa ay jaanis fiican u noqon kartaa xanuunka bilowga ah ama dhexdhexaadka ah in la ciribtiro taasoo bukaanku uu ku heli karo baxnaani.
Hadaad isku aragto wax calaamad ahaan oo muujinaya xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar, haka xishoon wax caafimaadkaaga dani ugu Dr m Dr mohamed abokor