Dr Liibaan Yuusuf marratayn

Dr Liibaan Yuusuf marratayn Welcome to the official page of Dr.Liibaan Marratayn is a practicing Medical Doctor

Things that can kill your kidneys:1. Abuse of NSAIDs (pain pills)2. Uncontrolled diabetes3. Uncontrolled hypertension 4....
21/09/2022

Things that can kill your kidneys:
1. Abuse of NSAIDs (pain pills)
2. Uncontrolled diabetes
3. Uncontrolled hypertension
4. Not drinking enough water
5. Bad infections that affect the kidneys
6. Born with kidney defect
7. Physical Kidney injury
8. Alcohol and liver disease
9. Infections such as HIV and hepatitis
10. IV contrast dyes and many medications

You may already have kidney disease and you don’t even know about it. Check your kidney function periodically. You can lose 90% of your kidney function without any symptoms!

⚪ Maxay Yihiin Vitamins-ka Aan U Baahanahay?Su’aasha ah “Maxeey yihiin vitamins-ka aan ubaahannahay? Jawaabteedu waa eey...
17/07/2022

⚪ Maxay Yihiin Vitamins-ka Aan U Baahanahay?

Su’aasha ah “Maxeey yihiin vitamins-ka aan ubaahannahay? Jawaabteedu waa eey iska fududahay, oo waxaa waaye “Dhamaantood ayaan ubaahannahay”,Maxaa yeelay midkasta oo kamid ah qeybaha kala gadisan ee aay Vitamins-ka leeyihiin wuxuu waxtar weyn uleeyahay qeybaha jirka, marka eey jirkeena k**aqan yihiin vitamis-ka waxaan dareenaa xaalad aan aheyn xaaladii aan ku sugnaan jirney ee caadiga aheyd sida:anagoo caajis farabadan,firfircooni la’aan,iyo jirkoo kunoqda sidii wax ku jabajaban oo kale.

Xaaladaa cudurka ah een aan kor kusoo xusnay kana dhalatay Vitamin la’aanta ayaa waxaa loo yaqaanaa “Deficiency Diseases” Vitamins oo Jirka ku yaraada.!!

🔵 VITAMINS-KA MAXEEY YIHIIN? INTEENA KAHELI KARNAA?

Xaqiiqdii vitamins-ku waa sheeyo ama wax yaabo jirka aad ugu baahanyahay, uuna shaqeyn Karin la’aantood si jirka uu uqabto waxyaabo kala duwan oo asaasi ah. Meelaha eeynu ka heli karnana waa cuntada eeynu cunno.

Hadaba cuntadaa noola sheegay in aan ka dhex heli karno vitamins-kaa muhiimka ah, ayaa waxaa loo kala qeeybiyaa afar qeybood oo kala aha sidan soo socota:

1🔹 Vitamins ka Qudaarta laga helo(The Fruit and Vegetable group):

qeybtan ayaa waxaa soo hoos galaya dhamaan wixii qudaar aha ama faakihaad ah ee bini aadamka cuno wax tarkana u leh sida:Karootada, Ansalaatada, Bagalka, Barbarooniga, Liimo banbeelmada iyo Dhanaantaba,Yaanyada,Tufaaxa ,Cinabka,Mooska, Cambaha,i.w.m.

2)🔹Vitamins ka Miraha laga helo(The Cereal group):

Vitamins kan ayaa iyana waxaa ka mid ah :miraha eeynu beerano sida:Galleeyda, taasoo eeynu kasameeysano soorta ,iyo wixii lamidka ah,Masagada oo iyadana aan kuba baaninaba qofka markuu jabo,ama lagu umulbixiyo dumarka Soomaaliyeed markeey dhalaan, anfaca eey ledahay darted.

3🔹Vitamins ka Hilibka laga helo (The Meat group):

Vitamin's kan yaa waxaa hoos imaanaya hilibka xalaasha ah ee ALLAAH u baneeyey umadiisa, sida:hilibka doorada, Malaayga, hilibka Geela ,lo’da, iyo kan ariga iyo Idahaba, iyo dhamaan guud ahaan intii hilib leh ee Bad iyo barigaba joogta ee ALLAAH xaalaal kadhigey.Waxaa meeshan soo galaya Digirta oo laraacsiiyey qeybta hilibka. Dhinaca kale hilibka aan xalaasha aheyn masoo gali karo sida:kan Doofaarka oo kale ama hilibka baqtida ,maxaa yeelay ALLAAH waxa uu xaaraan kadhigaa waa wax dhib noo ah wax faa’iida ahine eeysan inoogu jirin.Dhaqtarada reer Galbeedka dib ayeey ka ogaadeen in uu cuduro farabadan keeno cunitaanka Hilibka Doofaarka.

4)🔹Vitamins Caanaha laga helo (The Milk group):

Vitamins kan ayaa ayadana waxaa hoos imaanaya caanaha xoolaha sida:kuwa Geela ,Lo’da,Ariga, Idaha marka eey fareeshka yihiin iyo marka eey gasacadeeysan yihiinba . Marka qofka jirkiisa k**a maarmayo in uu helo cunto isku dheeli tiran,si uu u helo taasna waxaa lagama maarmaan ah in uu qeyb ka cuno koox kasta oo kamid ah kooxaha aan kor kusoo xusney.Sidoo kale Qubarada cilmiga Nafaqada ee loo yaqaan “Nutritionists”ayaa ayaguna hoosta ka xariiqaya arintan.Cudurada ugu qatarsan ee kadhasha qofkoon helin cunto isu dheeli tiran ,ayaa waxaa ka mid ah :Nafaqo darada ama “Malnutrition”.

🔵NOOCYADA VITAMINS-KA IYO MIDKASTA WAXA UU INOO QABTO

🔶Vitamin A:
aan ku bilaabee wuxuu muhiim u yahay wax yaabo farabadan sida: koriinshaha qofka , araga qofka, in qofku yeesho maqaar caafimaad qaba, waxaa kale uu aad ugu fiican yahay daboolo farabadan oo jirka gudihiisa ku yaala.

Meelaha eeynu kahelno Vitamin-kan muhiih ka ah waxaa ka mid ah:Caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo, Ukunta, Qudaarta iyo faakihaadka.

🔶Vitamin B:
Vitamin-kan waxa uu inagu caawiyaa in tamar ama Energy ” laga helo cuntada si loogu koro, waxaa kale uu inagu caawiyaa in maqaarka iyo Nerves-keena eey noqdaan kuwo caafimaad qaba .

Waxaana eeynu ka heli karnaa :Miraha sida: Galleyda, Masagada , sidoo kale Caanaha, Qudaarta, Digirta, Lafta miraha ku dhex jirta ama Beerka miraha ,iyo Hilibka Lo’a.

🔶Vitamin C:
Vitamin-kanna waxaa uu ina siiyaa difaac aan kaga hortagno qaboowga, waxaa kale uu asaasi u yahay in qofku helo Ilko caafimaad qaba, Cirrid caafimaad qaba, waxaa kale ee uu uroon yahay Xididada dhiiga.

Waxaana kaheli karnaa :Qudaarta fareeshka aha iyo faakihada.

🔶Vitamin D:
Vitamin-kanna waxaa uu inaga difaacaa cudurka loo yaqaano lafa duqoowga ama “Rickets” kaasoo ah in qofka lafahiisa noqdaan kuwo aan wax tabar aha laheyn, qalqaloocsamana.badanaana ilmaha aan markeey yaryihiin aan helin usoo ban dhigin qoraxda waliba in ku fillan lugaha iyo gacmaha ayaa qalqaloocda waxana uu yeeshaa wax yaabaha Soomaalida eey u taqaan Kalajeedada, hongodyada i.w.m. waloow eey jiraan kuwo dhaxal ku yimaada .
Isha ugu muhiimsan ee laga helo vitamin-kan ayaa ah Qoraxda.Vitamin D-ga waxaa kaloo lagu diyaariyaa warshadaha Kiimikada, waxaana badanaa lagu daraa caanaha aan cabno ee gasacadeeysan.

🔶Vitamin E:
Vitamin-kan ayaa isagana waxa uu ufiican yahay Maqaarka, waxaa kale ee uu inagu caawiyaa Unugyada ama “Cells” jirkeena in eey koraan, iyo bogsooshasada dhaawacyada gaara jikeena.”Healing”

🔶Vitamin K:
Vitamin-kan oo ah midka aan kusoo gabagabeeynayo qoraalkeeygan ayaa isna waxa uu inaga caawiyaa in eey sameeysanto xinjiroowga dhiiga ama “ Blood Clotting” taasoo ah mid aad muhiim u ah, maaxaa yeelay hadii jirku dhaawacmo oo eeysan sameysmeeynin waxa layiraahdo xinjiroowga waxeey keeneeysaa in qofka u dhiigbaxo dhaawac yar oo aad u fudud, dibadeedna u dhinto.

GABA GABADII

Si marka qofka uu u helo Vitamins-ka aan kor kusoo xusney , waxaa aad u wanaagsan in qofku qaato ama cuno cunto isu dheeli tiran, taasoo helitaan keedu eey ku imaan karto in qofku wax ka cuno mid kastoo ka mid ah afartii qeybood ee cuntada kuwaasoo kor eeynu ku soo sheegnay.

Mahadsanid 🙌

Lawadaag asxaabtaada

Waxyaabaha Keena Madowga Indhaha Hoostooda Ku Dhaca Iyo Sida Loo Baabi’iyo ama.aad iskaga daaweyn kartid...!  Waxaan rab...
14/07/2022

Waxyaabaha Keena Madowga Indhaha Hoostooda Ku Dhaca Iyo Sida Loo Baabi’iyo ama.aad iskaga daaweyn kartid...!

Waxaan rabaa inaan idinla wadago waxyaalaha keena iyo sida lagu daaweeyn karo madawga indhaha hoostooda oo hablo badan la dhibaataysan yihiin kala dhantaalana quruxda wajiga.

Waxaan marka h**e idin la wadaagayaa waxyaabah keena oo dhibtan soo gaadha indhaha hoostooda.

Madowgan indhaha hoostooda ku dhaca (dark circles under eyes),
Waxaa jirta marka h**e, Somali ahaan inteena waxaynu cunaa cuntooyinka kuwa ugu cafimaa darada badan ee ay ka midka yihiin , bariis, baasto, besbaas, iyo wixii cusbo,Sonkorta iyo saliidiba ku badan tahay. Cuntooyinkan ayaa ah kuwa ugu badan ee dila jidhka dumarka, gaar ahaan indhaha hoostooda.

Hadaba, madoowgan ayaa ah mid ku yimaada xaalado caafimad daro awgood, oo kale duwan, waxaana sababa maqaarka jidhka ay ku yaalaan indhuhu oo ah, maqaarka jidhka ugu khafiifsan jidhka wajiga, runtiina aad u jelicsan oo hadii aan la ilaalin ama aan la daryeelin halis u ah wax yaabo badan oo ku dhaca. Dhiiga bina aadamka ayaa markuu wareega sameeynayo soo dhex mara xidido yar yar, kuwaasoo loo yaqaano (capillaries) oo sababa dhibtada ugu wayn ee indhaha ku timaada, xididadan ayaa hadii ay soo gaadho awood daro ay ku mari kari wayaan dhiigagu, noqda kuwa daciifa runtiina dhiigaasi uu ku soo duxo, jidhka gaar ahaan indhaha hoostooda, indhaha hoostooda oo ah halka ugu khafiifsan jidhka, ayaan haba yaraatee u saamixin inuu dhiiga wareegeesu u maro si fiican.

Sababahan, ayaa ah kuwo ku yimaada uun xaaladaha caafimad daro iyo jidhkoo nafaqadoodu is dhinto. Dhiigagan ayaa markay ku soo duxaan jidhka indhaha hoostooda fadhiista, ka dib ilaa ay soo gaadhayaan jidhka sare oo ay ka dhigayaan maqaar madoow. Dhiiga kacsan ama loo yaqaano dhiig karka ayaa isna keen idhaha hoostoodu bararto, iyo cuntada Cusbada (Milixda) badan.
Muruqyada wajiga (facial muscles) ayaa iyaguna noqda kuwo isku soo uruura, ama bilaa awood noqda , marka qofka xaladiisa cafiimaaad is badasho.

Waxa kaloo iyaguna keena dhibatadan madoowga indhaha hoostooda, maadooyinka jidhka siiya nafaqada oo door wayn ka qaata quruxda jidhka markay yaryihiin dumarku loona yaqaano (collagen) oo ka samaysan (amino acid), hadii ay daciifaan oo ay shaqayn kari waayaan dhibatadana ku timada dumarka, waxa fiican inay gabadhu ilaaliso jidhkeeda inta ay yartahay, wallow ay danba u daciifaan maadooyinkani quruxduna guurto marka la gaboobo!??.
Dhibatada kale ee laga qado madoowgan ayaa ah makeup- lagu seexdo, kaasoo indhaha soo gaadhsiiya dhibato kale, maqaarka jidhka indhahu ay ku yaalan ayaa ah maqaar u bahan in si taxdir leh loo ilaaliyo, ama lala socdo maqaarkaas.

Hadaba, markaa qofka biniaadamka ah ay isbadasho xaladiisa caafimad, kuwaasoo kale ah:

▫Hurdo La,aan
▫Wel wel iyo walbahaaar (stress)
▫Indhaha oo cun cuna qofka (allergies)
▫Sigaarka badan ee la cabo, wallow dumarku shaqo ku lahayn!?
▫Biyo yaraanta (dehydration)
▫Daalka badan ee ku dhaca cidhbaha qofka, ama kululaada
▫Bunka badan ee la cabo
▫gaboowga (ageing)
▫Oohinta badan
▫Sanboorka
▫Marmarka (xoqista) badan ee indhaha lagu sameeyo

Hadaba, waxyabahan kor ku qoran oo dhan baa keena indhaha hoostoodu madoowato, iyagoo qarkood ay ku noqoto haaro. Runtii madoowgan ayaa ah mid dhib wayn soo gaadhsiiya Maqaarka wajiga. Hadaba, hablaha qaar baa u haysta in madoowgan oo kale dawo la marin karo si loogu cadeeyo! (Skin bleach)? Xaqiiqdiina indhaha hoostoda dawo lama marin karo, dawo kastana ma cadayn karto, wa arrin u bahan inuu qofku noloshiisa wax ka badalo lana kaashado dhakhaatiirta, way jiraan waxyaabo loogu talo galay oo la marin karaa, marka qofku uu xaaladahan jidhkiisa dilayo badalo. Waxa caawin kara wax loo yaqaano (Eye treatments).

Madoowgan indhaha hoostooda ku dhaca, ayaa ku kala badan dumarka, dadka ku nool dhulka Qoraxda kulul way ku bataa madoowgani, oo Qoraxda ayaa dhibaato soo gaadhsiisa iyaduna. Hadaba qofkii awooda waxa fiican in uu wax Qoraxdaa ka celiya uu marsado (sun creams).

🔵Hadaba, waxyaabah la iska biin karo, ama la iskaga ilaalin karo madoowgan ku dhaca indhaha hoostoda waxaa ka mida:

🔹Vitamin C-
🔹Vitamin E-
🔹Vitamin k-
🔹Vitamin A-
🔹Biyo badan oo la cabo
🔹Hurdo (8 sacadood ah) oo qofku seexdo
🔹Duugis lagu sameeyo indhaha hoostooda
🔹Cuntooyinka khudarta ah ee akhtarka ah
🔹Canbaha, xabxabka, iwm
🔹Khayaarka (cucumber) oo la saaro indhaha dushooda. Waxaa haboon khayaarka inaad gelisid firiijka 30 daqiiqo ka hor inta aanad isticmaalin si uu u qaboobo.
🔹Saladh iyo yaanyo
🔹Kaluun
🔹biyaha ubaxa (rose water)
🔹Shaahyada loo yaqaan (naturally caffeine free)

Quruxdan Maqaarka dumarka ayaa ah mid u baahan had iyo jeer inay ilaaliyaan naftoodu waxay u baahantahay inay cunaan , fitamiinka, iwm.

Lawadaag asxaabtaada

Mahadsanid 🙌

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀.   Babaayga  waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada  wuxu qani ku yahay oo aad...
08/05/2022

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀.

Babaayga waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada wuxu qani ku yahay oo aad ugu badan vitaminC sido kale waxa ku jiro xaddi dhexdhexaada oo ah folate iyo vitaminA.

1. Wuxuu xoojiyaa difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro babaayga wuxuu sare u qaadaan difaaca jirka.

2. Wuxuu yareeyaa infekshanka jirka iyo caabuqa : fiitamin c wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka.

3. Wuxuu ka hortagaa dhiig yarida :waxaa ku jiro fiitamiinka Folate (folic acid) oo ka qayb waayo samaysan iyo kobcida unugyada dhiigga cascas.

4. Wuxuu ka qayb qaataa bogsashada dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon.

5. Wuxuu u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.

6. Wuxu u fiicanyahay dheef shiidka caaloosha : waxa ku jiro dheecaan layiraah papain kaas oo kaqayb qaato hanaanka dheefshiidka.

Dadka uu u fiicanyahay isticmaalka babaayga :

- Dadka difaaca jirkoodu yaryahay.
- Dadka in infekshank-ka iyo caabuqa qabo.
- Dadka calool-fadhiga leh.

Siyaabo kale duban ayaa u isticnaali kartaa babayga sida in aad marsi qeybha kala duban jirka sida: wajiga iyo jirka qeybahiisa kale.

- inyar in aad shiido ayaa 2 qaando Ama macalgo malab ah ku dareysaa dabadeedna wajiga ayaa marinysaa sida Maska ha.

- sidoo kale cabitaan ahaan ayaa u cabi kartaa.

- sidoo kale babayaga asiga oo sidisa ahna waa cuni kartaa.

Digniin:

Babayga uma wanaagsno Hooyada uurka leh gaar ahaan bilaha h**e Ee uurka.

Babaayga ayaa sababa in murqaha minka si adag isugu imaadan oo ay soo daatan uurjifka ku jiro minka eyag oo aan wali bila dhameysan.

Taas waxaa ugu wacan maada loo yaqaano papain Ee laga helo babaayga.
maadadaan ayaa qalada ama wax ka badasha horamonka loo yaqano prostaglandins kaaso ka qeyb qaato foosha..

𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 sidoo kale xaga hoose ka wac 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan.

Caafimaadka iyo Nafaqada

Dr-Liibaan Maratayn
🙏𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃𝐒𝐀𝐍𝐈𝐃🙏

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Liibaan Yuusuf marratayn posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram