01/06/2025
Dowladnimadu waa ineey tahay mid Danta Dadweynaha U Hiilineysa.
Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye, burbur dowladeed, dhibaatooyin amni iyo dhaqaale, waxay u baahan tahay dowladnimo dhab ah oo u adeegta shacabka. Dowladnimada la rabo ma ahan mid astaan u ah siyaasiga kursiga jooga, balse waa nidaam u taagan ilaalinta danta guud, xaqsoorka, iyo horumarinta nolosha bulshada.
Dowladnimo waa nidaamka maamulka ee bulshada u oggolaanaya in la helo kala dambeyn, sharci, adeegyo dadweyne, iyo xasilooni siyaasadeed. Dowlad dhab ah waxay tahay mid ka turjumeysa rabitaanka shacabka, ilaalinaysa xuquuqda muwaadiniinta, kana shaqeysa horumarka guud ee dalka.
Mararka qaar, siyaasiyiintu waxay isku dayaan inay dowladnimada ka dhigaan adeeg gaar u ah iyaga ama kooxo gaar ah. Taasi waxay dhalisaa kalsooni darro, musuqmaasuq, iyo kala tag bulsho. Si taas looga hortago, waxaa lama huraan ah in la dhiso nidaam dowladeed oo ka madax bannaan damaca shaqsiyaadka, kana tarjumaya baahida dadweynaha.
Dowladnimadeena Waxaa ka maqan isla xisaabtan dhab ah,Adeegyada dowladeed ayaa ah kuwo xadidan ama aan jirin,Xukuumaduhu badanaa ma helaan kalsoonida shacabka,
Qabyaalad iyo dano gaar ah ayaa hadheeya hannaanka siyaasadeed.
Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan karti leh ,oo leh aragti fog, daacadnimo, iyo nafhurnimo.
Dastuur sugan, cadaalad waarta, iyo ciidan qaran oo ilaalinaya shacabka waa tiirarka dowladnimada,Dadweynaha waa in la siiyo cod iyo kaalmo toos ah oo ay ku hagaan maamulka dalkooda.
Dhallinyaradu waa laf-dhabarka dalka. Haddii ay si firfircoon uga qaybqaataan siyaasadda, wacyigelinta, iyo hal-abuurka horumarineed, waxaa suurtagal ah in la helo dowlad si dhab ah ugu adeegta dadka. Aqoon-yahanka iyo bulshada rayidka ahna waa inay noqdaan indhaha iyo codka shacabka.
Gunaanad
Dowladnimada Soomaaliya u baahan tahay maanta waa mid shacabku leeyahay, u adeegsata awoodda si ay noloshooda u wanaajiso, una gaarsiiso horumar iyo nabad waarta. Maaha in kursigu noqdo meel dano gaar ah laga fushado, balse waa in uu noqdaa goob lagu ilaaliyo danta guud. Taasi waa waddada kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto midnimo, xasillooni, iyo horumar.
medical doctors