Madina Hospital

Madina Hospital Madina Hospital One of Somaliaโ€™s largest hospitals, trusted for emergency, trauma, maternal advanced surgery & critical care.

Our modern OPD with multispecialty doctors & our role in training future healthcare professionals make us a center of excellence.

๐Œ๐š ๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง ๐ฃ๐ข๐ฅ๐ข๐›๐ค๐š ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š๐š ๐ก๐จ๐ซ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ ๐š๐ฒ ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š? ๐Œ๐š๐๐ข๐ง๐š ๐‡๐จ๐ฌ๐ฉ๐ข๐ญ๐š๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฎ ๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐š๐๐ž๐ž๐  ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ซ๐ฆ...
04/01/2026

๐Œ๐š ๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง ๐ฃ๐ข๐ฅ๐ข๐›๐ค๐š ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š๐š ๐ก๐จ๐ซ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ ๐š๐ฒ ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š? ๐Œ๐š๐๐ข๐ง๐š ๐‡๐จ๐ฌ๐ฉ๐ข๐ญ๐š๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฎ ๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐š๐๐ž๐ž๐  ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ซ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ค๐š ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ:

๐Ÿ‘จโ€โš•๏ธ ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐š๐ช๐ญ๐š๐ฅ ๐ƒ๐š๐ก๐ข๐ซ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ (Dhakhtarka Qalliimada Lafa & Dhaawacyada Ciyaartoyda)

Adeegyada aan bixino:

Qalliinka Beddelida Jilibka (Total Knee Replacement)

La talinta khubaro ka hor qalliinka

Nala soo xiriir: ๐Ÿ“ž Tel: +252 - 850006 ๐Ÿ“ง Email: madinahosp@hotmail.com ๐Ÿ“ Cinwaanka: Hospital Mogadishu, Somalia

03/01/2026

Aabo Soomaaliyeed oo ka mid ah bukaannadii nasiibka u helay Qaliimada Jilbo-Beddelista (Knee Replacement) oo lacag-laโ€™aan ah.

Agaasimaha Isbitaalka Madina,๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐‰๐š๐ฆ๐š (๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ), ayaa shir guddoomiyay Shirka Isbuuclaha Maamulka Sa...
30/12/2025

Agaasimaha Isbitaalka Madina,๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐‰๐š๐ฆ๐š (๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ), ayaa shir guddoomiyay Shirka Isbuuclaha Maamulka Sare ee Isbitaalka Madina, kaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan xubnaha Maamulka Isbitaalka. Kulankan ayaa ahaa shirkii isbuucleed ee ugu dambeeyay sanadka 2025.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay waxqabadkii Isbitaalka ee sanadka gaba-gabada ah ee 2025, iyadoo sidoo kale diiradda la saaray howlaha mudnaanta leh ee la qorsheeyay sanadka 2026.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray hirgelinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Isbitaalka Madina, si loo xoojiyo tayada adeegyada caafimaad iyo horumarinta guud ee Isbitaalka.

29/12/2025

Saalax Siidow Nuur waa mid ka mid ah bukaannadii nasiibka u helay Qaliimada Jilbo-Beddelista (Knee Replacement) oo lacag-laโ€™aan ah.

27/12/2025

๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐š๐ช๐ญ๐š๐ฅ ๐ƒ๐š๐ก๐ข๐ซ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐
๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐ญ๐š๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐‹๐š๐Ÿ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐š๐ฐ๐š๐œ๐ฒ๐š๐๐š ๐‚๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ญ๐จ๐ฒ๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐‰๐ข๐ฅ๐›๐จ-๐๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ๐š (๐Š๐ง๐ž๐ž ๐‘๐ž๐ฉ๐ฅ๐š๐œ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐’๐ฎ๐ซ๐ ๐ž๐ซ๐ฒ).

23/12/2025

๐Ÿ“ข OGEYSIIS MUHIIM AH

Isbitaalka Madina, oo kaashanaya Heyโ€™adda Qatar Charity,
waxay ogeysiinayaan Bulshada Soomaaliyeed in la qabanayo:

๐Ÿ‘๏ธ Qalliimo Indha-fiiqis & Daaweyn Bilaash ah

๐Ÿ—“๏ธ Taariikhda:
Laga bilaabo 27/12/2025
Ilaa 05/01/2025

๐Ÿ“ Goobta:
Qeybta Bukaan-Socodka Isbitaalka Madina

๐Ÿ‘‰ Fadlan, haddii aad u baahan tahay adeeggan ama aad taqaan qof u baahan, soo gaar Isbitaalka Madina si aad uga faaโ€™iidaysato.

๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐จ๐›-๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ (๐‚๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐œ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐’๐ค๐ข๐ฅ๐ฅ๐ฌ ๐ข๐ง ๐ญ๐ก๐ž ๐–๐จ๐ซ๐ค๐ฉ๐ฅ๐š๐œ๐ž)Waxaa farxad weyn noo ah in maanta 21/12/2025 uu si ...
21/12/2025

๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐จ๐›-๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ (๐‚๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐œ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐’๐ค๐ข๐ฅ๐ฅ๐ฌ ๐ข๐ง ๐ญ๐ก๐ž ๐–๐จ๐ซ๐ค๐ฉ๐ฅ๐š๐œ๐ž)

Waxaa farxad weyn noo ah in maanta 21/12/2025 uu si guul leh noogu qabsoomay Tababar Heer Sare ah oo lagu baranayay Xirfadda Xiriirka Goob-shaqo, kaas oo uu bixinayay Tababare Sare Aweys Hassan Mohamed (Codey), kana takhasusay Cilmiga Warbaahinta iyo Xiriirka (Media & Communication).

Tababarkan waxaa ka qeyb-galay takhaatiir, madax waaxeedyo, kal-kaaliyeyaal caafimaad iyo guud ahaan shaqaalaha Cusbitaalka Madiina.

Tababarka oo uu soo agaasimay Agaasimaha Cusbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Burtuqaal, ayaa diiradda lagu saaray qodobadan muhiimka ah:

Sare u qaadista xirfadaha xiriirka shakhsiga ah

Xiriirka iyo wada-shaqeynta kooxaha shaqada

Habka gudbinta farriimaha togan

Fanka is-dhageysiga wax-ku-oolka ah

Hubinta iyo saxnaanta xogaha caafimaad

Agaasimaha Cusbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Jama (Burtuqaal) iyo Agaasimaha Waaxda Shaqada & Shaqaalaha ee FMOH, Dr. Fartun Sharif, oo si wadajir ah u furay tababarka, ayaa kula dardaarmay dhammaan ka qeyb-galayaasha in ay si buuxda uga faaโ€™iideystaan aqoonta la bixiyay, isla markaana ay la wadaagaan shaqaalaha kale ee aan fursadda u helin ka qeyb-galka tababarkan.

19/12/2025

Waxaa lagu wargelinayaa Bulshada Soomaaliyeed in uu si wanaagsan u socdo ololaha Qalliimada Lacag-laโ€™aanta ah, kaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan:
๐Ÿฅ Isbitaalka Madina
๐Ÿค King Salamaan Foundation
๐Ÿค IRVD

ujeedka Ololaha waa in lagu caawiyo bukaanada danyarta ah, lana siiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh bilaashna ah.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada u baahan qalliimada in ay ka faaโ€™iideystaan fursaddan qiimaha badan.

๐Ÿ“ Isbitaalka Madina
๐Ÿ“… Waqtigu wuu socdaa

Maanta waxaa hoolka shirarka ee Isbitaalka Madina lagu qabtay kulan guud oo sanadle ah oo ay wada yeesheen Maamulka iyo ...
17/12/2025

Maanta waxaa hoolka shirarka ee Isbitaalka Madina lagu qabtay kulan guud oo sanadle ah oo ay wada yeesheen Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka. Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Maamulka sare, Dhakhaatiir, Kalkaaliyeyaal, Xirfadlayaal kala duwan iyo dhammaan bahda Isbitaalka Madina.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka, ilaalinta iyo kor u qaadidda tayada adeegyada, iyo xoojinta wada-shaqeynta bahda isbitaalka.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ayaa kulanka ka hadlay, iyagoo muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay in bulshada Soomaaliyeed loo adeego si hufan oo heer sare ah.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo is-afgarad iyo dhiirrigelin leh.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Isbitaalka Madina๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐‰๐š๐ฆ๐š (๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ) ayaa u mahadceliyay dhammaan shaqaalaha isbitaalka, isagoo ku bogaadiyay howlkarnimada, daacadnimada iyo adkeysiga ay u muujiyeen u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed.

11/12/2025

Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa maanta daah-furay olole qalliimo lacag laโ€™aan ah oo laga fulin doono Isbitaalka Madiina.

10/12/2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ๐’๐š๐ซ๐ซ๐ž๐ž๐ฒ๐ž ๐†๐ฎ๐ฎ๐ญ๐จ ๐€๐ฌ๐š๐ ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข, oo ay weheliyaan Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ๐’/๐†๐ฎ๐ฎ๐ญ๐จ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ค ๐€๐Ÿ๐ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ iyo Agaasimaha Isbitaalka Madiina ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐‰๐š๐ฆ๐š (๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ) ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Jaamacadda Isbitaalka Madiina.

10/12/2025

Ogeysiis Muhiim ah oo ku saabsan Qaliimada Maskaxda & Laf=dhabarta.

Dr. Abdalle Shariif Dhakhtarka Qaliimada Maskaxda & Laf=dhabarta.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madina Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category