The Medical Minutes

The Medical Minutes Your go-to source for quick, reliable health updates and expert advice in just a minute!

10/03/2025

Dr. Abdiladiif Mohamed Ali, kabiir ku takhasusay cudurada Neerfaha iyo la tacaalidooda.

Balan ka qabso oo hel Talo caafimaad oo kugu haboon.

Kala soo dagg appka Somdoctor Link comment yaal.

770609525

Fariin muhiim ah
08/10/2024

Fariin muhiim ah

๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐˜‚๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—ต๐˜‚๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚ ๐—ณ๐—ถ๐—น๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ผ๐—ฟ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ (๐—ฐ๐—ฎ๐˜†๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ) ๐Ÿ’คโžก๏ธ๐Ÿ“ˆ

daraasaduhu waxay tilmaameen in dadka caado ahaan seexda wax ka yar 6 saacadood habeenkii ay aad ugu dhowdahay inay yeeshaan miisaan kor u dhaafaya kan caadiga ah (BMI) marka la barbardhigo dadka hurda siddeed saacadood iyo waxii ka badan.

Haddaba hurda yaridu waxay noqonaysaa halis kale oo keenta buurnida ama cayilka , taas oo ku biirtay laba qatarood oo h**ey loo yaqiinay inay cayilka sababaan waana jimicsi laโ€™aanta iyo cunista cuntada badan oo aan isku dheeli tirneen.

Cilmi-baaristan oo ku saabsan sida jirka u maareeyo dheef-shiidka iyo rabitaanka cuntada ayaa ah mid sharaxaysa xiriirka ka dhexeeya hurdada iyo buurnida.

Hurdada oo aan aheen mid kugu filan ama aad dhafarka badsato ayaa lala xiriiriyay inay tahay fursadda halis miisaan koror ah .
Inta lagu guda jiro hurdada, jirkeenu wuxuu soo daayaa hormoonno xakameeya ama maamula rabitaanka cuntada, tamarta jirka, iyo sida jirku u maareeyo sonkorta.

Hurdada oo noqota mid aan kugu filanyn waxay carqaladeysaa dheelitirka hormoonnadaas iyo kuwa kale. Tusaale ahaan, hurdada oo liidata waxay kordhisaa soo saarista cortisol, oo loo yaqaan "hormoonka walbahaarka ama walwalka ." Sidoo kale, hurdada oo aan ku filnayn qof waxay keentaa kororka soo saarista insulin-ka kadib cuntada. Insulin waa hormoonka xakameeya habaynta sonkorta jirka iyo ka keydinta dufanka
Marka laga hadlayo cunista cuntada aan isku dheelitirneen iyo cayilka ayaa daraasaduhu waxay qeexayaan inay jirto xiriir ka dhexeeya cuniata cunta badan iyo cayilka iyagoo laga eegayo is badalka hormoonada.

Tusaale hurdada oo yaraata waxay keeni karta hoos u dhaca hormoonka leptin kaasoo ah mid qiyaasa xadiga cunno ee loo baahanyahay isla markaana dira fariin una shega maskaxda inay cuntadu ku filantahay. Hadii uu yaraado hormoonkaas waxaa ka dhalanaya in cuntada xadigeedu kordho. Sidoo kale kororka hormoonka ghrelin kaasoo kiciya rabitaanka cuntada markaasoo qofku uu cunto badan cunayo xitaa haduu haysto dhammaan calories kii uu u baahnaa taasna waxaa sababay hurdada oo aan aheen mid ku filan qofka.

Waxaa kale oo miisanka si aan caadi aheen u kordhiya cunista macmacanka iyo cuntada halka jin ah. Hadana aan lagu darin jimicsi iyo saaritaanka.

โš ๏ธ *Fariintaan waxaa idiin soo gudbinaya barnaamijka The Medical Minutes ee SOMDOCTOR* ๐Ÿฉบ



29/09/2024

๐ŸŒโค๏ธ ๐–๐จ๐ซ๐ฅ๐ ๐‡๐ž๐š๐ซ๐ญ ๐ƒ๐š๐ฒ โค๏ธ๐ŸŒ
๐™Ž๐™š๐™ฅ 29, 2024

๐Ÿซ€ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’•๐’‚๐’ˆ๐’ˆ๐’‚ ๐‘ฟ๐’‚๐’๐’–๐’–๐’๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฟ๐’Š๐’…๐’Š๐’…๐’…๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’…๐’๐’‚๐’‰๐’‚ (๐‘ช๐’‚๐’“๐’…๐’Š๐’๐’—๐’‚๐’”๐’„๐’–๐’๐’‚๐’“ ๐‘ซ๐’Š๐’”๐’†๐’‚๐’”๐’† ๐‘ท๐’“๐’†๐’—๐’†๐’๐’•๐’Š๐’๐’)๐Ÿซ€

Xanuunnada xididdada wadnaha waa kuwa ugu badan ee keena khatarta caafimaadka guud, sababtoo ah waxay si toos ah u saameeyaan qaabka dhiiggu ugu qulqulo jirka. Xanuunnada noocan ah waxay keeni karaan (Heart Attack) oo ah in uu istaag ku yimaado mid ka mid ah halbowlayaasha sameeya qulqulka dhiiga, istaroogga (Stroke), iyo xannuunada kale ee wadnaha. Si kastaba ha ahaatee, xanuunnadan intooda badan waa la iska ilaalin karaa ama waa laga hportagi karaa iyadoo la qaato tallaabooyin caafimaad oo joogto ah. Halkan ka aqriso talooyin muhiim ah oo ku saabsan sida loo xakameeyo khataraha cudurradan:

1. ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ (๐— ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—•๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ฑ ๐—ฃ๐—ฟ๐—ฒ๐˜€๐˜€๐˜‚๐—ฟ๐—ฒ)

๐Ÿฉธ ๐˜š๐‘Ž๐˜ฃ๐‘Ž๐˜ฃ๐‘ก๐˜ข ๐˜ˆ๐‘ฆ ๐‘€๐˜ถโ„Ž๐˜ช๐‘–๐˜ฎ ๐˜œ ๐˜›๐‘Ž๐˜ฉ๐‘Ž๐˜บ: Cadaadiska dhiigga oo sareeya waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keena cudurrada xididdada wadnaha. Waxay dhaawacdaa gidaarada xididdada dhiigga, taasoo horseedda dillaac iyo sidoo kale is badal la xiriira dhumucsiinta xididdada.
๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป ๐—ž๐—ฎ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด
โŒ Iska ilaali cunista milixda badan
๐Ÿƒโ€โ™‚๏ธ Samee jimicsi joogto ah.
โš–๏ธ Hoos u dhig miisaankaaga haddii uu sareeyo.
๐Ÿšญ Ka fogow cabista aalkolada iyo sigaarka.
๐Ÿ’‰ Hubi in cadaadiska dhiiggaaga uu ku jiro heerka caadiga ah (120/80 mmHg).

2. ๐—น๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ผ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜…๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ต๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ผ๐—น-๐—ธ๐—ฎ (๐—–๐—ผ๐—ป๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—–๐—ต๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ผ๐—น ๐—Ÿ๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น๐˜€)
๐Ÿงฌ ๐˜š๐‘Ž๐˜ฃ๐‘Ž๐˜ฃ๐‘ก๐˜ข ๐˜ˆ๐‘ฆ ๐‘€๐˜ถโ„Ž๐˜ช๐‘–๐˜ฎ ๐˜œ ๐˜›๐‘Ž๐˜ฉ๐‘Ž๐˜บ: Kolestaroolka sareeya wuxuu horseedaa ururinta dufanka ee xididdada dhiigga, taasoo yareyn karta socodka dhiigga oo keeni karta dillaac iyo dhiig-joojin wadnaha ah.
๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป ๐—ž๐—ฎ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด
๐Ÿฅ‘ Cun cuntooyin hodan ku ah dufanka caafimaadka leh sida avocado, lawska, iyo kalluunka Omega-3 (sida salmon-ka).
๐ŸŸ Ka fogow cunista cuntooyinka la shiilay
๐ŸŽ Qaado miraha iyo khudaarta oo caawinaya yareynta LDL (kolestaroolka xun).
๐Ÿ“ˆ Hubi in heerka LDL kolestaroolkaagu uu hooseeyo halka HDL-kaagu (kolestaroolka wanaagsan) uu sareeyo.

๐Ÿฏ. ๐—ž๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ป๐—ธ๐—ผ๐—ฟ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ (๐—ฃ๐—ฟ๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ป๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด ๐——๐—ถ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐˜๐—ฒ๐˜€)
๐Ÿฌ ๐˜š๐‘Ž๐˜ฃ๐‘Ž๐˜ฃ๐‘ก๐˜ข ๐˜ˆ๐‘ฆ ๐‘€๐˜ถโ„Ž๐˜ช๐‘–๐˜ฎ ๐˜œ ๐˜›๐‘Ž๐˜ฉ๐‘Ž๐˜บ: Sonkorowgu wuxuu dhaawacaa xididdada dhiigga wuxuuna kordhiyaa khatarta xannuunada wadnaha. Dadka qaba sonkorowga waxaa ku badan khatarta wadne xanuunka iyo istaroogga.
๐“๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐Š๐š๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ 
๐Ÿฅฆ Cun cunto caafimaad leh oo dheelli tiran sida kuwa aan la warshadayn iyo khudaarta.
โš–๏ธ Maamul miisaankaagaโ€”hoos u dhig haddii uu sareeyo.
๐Ÿ’‰ Ku dadaal in heerka sonkorta dhiiggaagu uu caadi ahaado.
๐Ÿƒโ€โ™€๏ธ Samee jimicsi joogto ah si loo yareeyo khatarta sonkorowga.

๐Ÿฐ. ๐—๐—ผ๐—ผ๐—ท๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ž๐—ฎ ๐—™๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ค๐—ถ๐—ถ๐—พ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—น๐—ฒ (๐—ค๐˜‚๐—ถ๐˜ ๐—ฆ๐—บ๐—ผ๐—ธ๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—”๐˜ƒ๐—ผ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฐ๐—ผ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฆ๐—บ๐—ผ๐—ธ๐—ฒ)
๐Ÿšญ ๐˜š๐‘Ž๐˜ฃ๐‘Ž๐˜ฃ๐‘ก๐˜ข ๐˜ˆ๐‘ฆ ๐‘€๐˜ถโ„Ž๐˜ช๐‘–๐˜ฎ ๐˜œ ๐˜›๐‘Ž๐˜ฉ๐‘Ž๐˜บ: Sigaarku wuxuu dhaawacaa gidaarada xididdada dhiigga, taasoo horseedi karta ciriiri ama dillaac. Isla markaana, qiiqa dadka kale (secondhand smoke) wuxuu keenayaa isla dhibaatooyinkaas iyo kuwa kasii halis badan.
๐“๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐Š๐š๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ a
๐Ÿšญ Jooji Sigaarka: Haddii aad tahay qof cabba sigaarka, waxaad u baahantahay inaad si joogto ah ula socoto xaaladada sanbabadada iyo xididadada iyo caafimaadkaga guud
๐Ÿ›‘ Ka Fogow Qiiqa Dadka Kale: Ha u dhawaan dadka cabbaya sigaarka ama meelaha sigaarka lagu cabo.
โœ… Haddii aad joojiso sigaarka, halista wadne xanuunkaaga hoos ayay u dhacaysaa si dhakhso ah.

๐Ÿ“. ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐ญ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ช๐š ๐‰๐ข๐ซ๐ค๐š (๐‘๐ž๐ ๐ฎ๐ฅ๐š๐ซ ๐๐ก๐ฒ๐ฌ๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐€๐œ๐ญ๐ข๐ฏ๐ข๐ญ๐ฒ)
๐Ÿ’ช ๐‘†๐˜ข๐‘๐˜ข๐‘๐˜ต๐‘Ž ๐ด๐˜บ ๐˜”๐‘ข๐˜ฉ๐‘–๐˜ช๐‘š ๐‘ˆ ๐‘‡๐˜ขโ„Ž๐˜ข๐‘ฆ: Dhaqdhaqaaqa jirka wuxuu caawiyaa yareynta miisaanka, cadaadiska dhiigga, iyo hagaajinta wareegga dhiigga.
๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ถ!
๐Ÿ‹๐Ÿฝโ€โ™‚๏ธ Samee ugu yaraan 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalintii, 5 maalmood usbuucii.
๐Ÿšถโ€โ™‚๏ธ Jimicsiga fudud sida socodka, orodka, iyo baaskiilka ayaa kaa caawin kara caafimaadka wadnaha.
โณ Haddii aadan heli karin waqti badan, xitaa hawlaha maalinlaha ah sida fuulitaanka jaranjarooyinka ayaa faa'iido leh.

๐Ÿฒ. ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—น๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐— ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—Ÿ๐—ฒ๐—ต (๐— ๐—ฎ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ ๐—›๐—ฒ๐—ฎ๐—น๐˜๐—ต๐˜† ๐—ช๐—ฒ๐—ถ๐—ด๐—ต๐˜)
โš–๏ธ ๐‘†๐˜ข๐‘๐˜ข๐‘๐˜ต๐‘Ž ๐ด๐˜บ ๐˜”๐‘ข๐˜ฉ๐‘–๐˜ช๐‘š ๐‘ˆ ๐‘‡๐˜ขโ„Ž๐˜ข๐‘ฆ: Cayilka iyo miisaanka sare wuxuu kordhiyaa khatarta cadaadiska dhiigga, kolestaroolka sare, iyo sonkorowga, kuwaasoo ah sababa ugu weyn ee xannuunada wadnaha.
๐“๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐Š๐š๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ 
๐Ÿฝ๏ธ Isticmaal cuntooyin kalooriyadoodu hooseyso iyo kuwa nafaqo leh.
๐Ÿ‹๏ธโ€โ™€๏ธ Samee jimicsi si aad u yareyso dufanka jirka.
๐Ÿ“‰ Dejiso yoolal yaryar oo miisaan lumis ah si tartiib-tartiib ah.

๐Ÿณ. ๐—ž๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ (๐— ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—ฆ๐˜๐—ฟ๐—ฒ๐˜€๐˜€ ๐—˜๐—ณ๐—ณ๐—ฒ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น๐˜†)
๐Ÿ˜Œ Walbahaarka joogtada ah wuxuu kordhiyaa cadaadiska dhiigga iyo dhibaatooyin kale oo wadnaha ah.
๐“๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š๐š๐ง ๐ฐ๐š๐š ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ
๐Ÿง˜โ€โ™€๏ธ samee farsamooyinka kaa ilaalin kara stresska sida aqriska Qur'aanka iyo Digriga Allah.
๐Ÿšถโ€โ™‚๏ธ Iska ilaali xaaladaha keena walbahaarka oo isku day inaad hesho wakhti nasasho ah maalin kasta.
๐Ÿค Dhiso taageero qoys iyo saaxiibbo oo aad ku kalsoon tahay.

๐Ÿด. ๐—น๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ (๐—ฅ๐—ฒ๐—ด๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ฟ ๐—›๐—ฒ๐—ฎ๐—น๐˜๐—ต ๐—–๐—ต๐—ฒ๐—ฐ๐—ธ-๐—จ๐—ฝ๐˜€)
๐Ÿฉบ Kormeeridda joogtada ah ee caafimaadkaaga waxay kaa caawin kartaa inaad ogaato khataraha xanuunka xididdada wadnaha si goor h**e loo maareeyo.

Maxaa La Hubiyaa?:
๐Ÿฉธ Cadaadiska Dhiigga: Hubi heerka cadaadiska dhiiggaaga si joogto ah.
๐Ÿงฌ Kolestaroolka: Samee baaritaanka kolestaroolka ugu yaraan sanadkii.
๐Ÿฌ Sonkorta Dhiigga: Hubi heerka sonkorta haddii aad leedahay khataraha sonkorowga.

๐พ๐‘Žโ„Ž๐‘œ๐‘Ÿ๐‘ก๐‘Ž๐‘”๐‘”๐‘Ž ๐‘ฅ๐‘Ž๐‘›๐‘ข๐‘ข๐‘›๐‘›๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž ๐‘ค๐‘Ž๐‘‘๐‘›๐‘Žโ„Ž๐‘Ž ๐‘ค๐‘ข๐‘ฅ๐‘ข๐‘ข ๐‘ข ๐‘๐‘Ž๐‘Žโ„Ž๐‘Ž๐‘› ๐‘ฆ๐‘Žโ„Ž๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘ž๐‘Ž๐‘Ž๐‘ ๐‘›๐‘œ๐‘™๐‘œ๐‘™๐‘’๐‘’๐‘‘ ๐‘๐‘Ž๐‘Ž๐‘“๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘‘๐‘œ ๐‘—๐‘œ๐‘œ๐‘”๐‘ก๐‘œ ๐‘Žโ„Ž.

Drmohamed Said

29/09/2024

muuqaalkaan waxaad si faahfaahsan uga bogan kartaa cudurka baabasiirka iyo waxa lagu garto iyo sida lagu maareeyo.

29/09/2024

๐Ÿ…“๐Ÿ…ท๐Ÿ…˜๐Ÿ…ฑ ๐Ÿ…ป๐Ÿ…โ€™ ๐Ÿ…ฐ๐Ÿ…๐Ÿ…ฝ ๐Ÿ…ณ๐Ÿ…—๐Ÿ…ฐ๐Ÿ…š๐Ÿ…ท๐Ÿ…ฃ๐Ÿ…ฐ๐Ÿ…ก ๐Ÿ…—๐Ÿ…ด๐Ÿ…›!

29/09/2024
๐ญ๐ก๐ž ๐ฆ๐ž๐๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐ฆ๐ข๐ง๐ฎ๐ญ๐ž๐ฌ
25/09/2024

๐ญ๐ก๐ž ๐ฆ๐ž๐๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐ฆ๐ข๐ง๐ฎ๐ญ๐ž๐ฌ

muuqaalkaan waxaad si faahfaahsan uga bogan kartaa cudurka baabasiirka iyo waxa lagu garto iyo sida lagu maareeyo.

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Medical Minutes posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share