31/12/2021
Insuliinta malaga haqab tiri karaa bukaanka u baahan?
Sanadkan 2021 boqol sano ayaa kasoo wareegtay markii la daahfuray dawada insuliinta ee lagu maareeyo macaanka noociisa koobaad oo dadka uu ku dhaco u ahaan jiray xukun dil ah. Cilmi-baadhista iyo soo saariska Insuliinta waxa ka wada shaqeeyay afarta Cilmi-baadhe: Frederick Banting, Charles Best, John Macleod, and
James Collip.
3dii Ogosto, 1921 ayaa Banting iyo kalkaaliyahiisaa Best oo ku shaqaynaya shaybaadh uu lahaa Macleod oo ku yaalay Univeristy of Toronto wadanka Canada waxay ku guulaysteen in ay hormoonka insuliinta ka tuujiyaan bankariis laga saaray ey caafimaad qaba kadibna waxay ku mudeen insuliintii ey kale oo sonkortiisu sarayso kadib markii bankariiskiisii laga saaray. Insuliintii eyga lagu muday waxay hoos u dhigtay sonkortii, halkaas ayaa lagu ogaaday in Insuliintu tahay maaddada dejisa sonkorta xad-dhaafka ah. Collip waxa uu ahaa biochemist waxaan uu kooxdan kusoo kordhiyay in uu hormoonkii bankariiska eyga laga soo tuujiyay sifeeyo kana reebo huubadii, qashinkii iyo guushkii dhex socday. Waxa uu ka dhigay insuliin saafi ah oo jidhka bani'aadamka lagu turqi karo.
23kii Janawari, 1922, wiil yar oo 14 jir ah oo macaan qaba ayaa noqday qofkii ugu h**eeyay ee Insuliin lagu turqo aduunka. Wiilkaas yar oo qarka u saarnaa geeri, loogana quustay kasoo rayn ayaa laba wiig kadibba kacay oo orday, maalintaas kadib waxa uu noolaa 13 todan sano oo danbe. Sanadkii xigay, 1923, Banting iyo Macleod waxay ku guulaysteen abaalmarinta Nobel oo ay ku qaateen aqoonta fisiyoolajiga iyo daahfurtii Insuliinta. Mr Bantin iyo Mr Collip labaduba way ka tanaasuleen xuquuqdii lahaanshaha ee Insulinta waxaanay u hibeeyeen bani'aadamka. Halka, Mr Best iyo Mr. Macleod ayay xuquuqdoodii hal dolar laga iibiyeen jaamacada toronto. Mr. Banting waxa laga hayaa inuu yidhi "Insulin doesn't belong to me, it belongs to the world" insuliinta anigu malihi ee waxa iska leh aduunka oo dhan.
Boqol sano kadib markii Insuliinta la daahfuray sidoo kale 44 sano ayaa laga joogaa markii insuliinta lagu daray liiska dawooyinka daruuriga ah ee WHO, laakin waxa jiray 14 jiro caruurteenii ah oo wali raadinaya Insuliin una habeen qada. Rajadii afartaa cilmi-baadhe ee ahayd in insuliin la qaadhsiiyo qofkasta oo u baahan aduunka wali may rumoobin, bal waabay sii adkaatay. tobannaan milyan oo caruur ah oo kunool dunida dacaladeeda ayaa la rafaadsan insuliin la'aan iyo agabka lagu cabbiro macaanka ee noloshoodu ku tiirsan tahay.
Waxa la saadaalinayaa in 20ka sano ee soo socda baahida aduunku Insuliin u qabaa ay kordhi doonto 27%, qiimaheedunu oo kordhi doono 12.6%. duruufuhu way kusii adkaan doonaan wadamada saharaha ka hooseeyay oo xasilooni daro bulsho iyo faqri baahsani u weheliyaan.
Somaliland, maalinkasta caruur ayaa laga helaa macaan bilow ah; tiradoodu aad ayay u sii kordhaysaa. Dadkaasi waxay u badan yihiin dan'yar ku qarsoon tuulooyinka iyo degmooyinka baydhsan ee indha madaxdu aanay qaban. Waa dad aanu codkoodu dheerayn oo hadii ay dhawaaqaanna dhegahooda mooyee kuwa madaxdu aanay maqlin. Waxa jira caruur aad u da'yar oo durba ay haleeshay halistii macaanku- qaar ayaa kelyuhu fadhiisteen, qaarbaa nabaro aan boqsan yeeshay, in badan waxay ka hadhaan waxbarashada, intooda badanna koritaankooda jidh iyo maskaxeed way kala dhantaalan yihiin. Silicaa oo dhan waa laga bad-baadin karaa hadii damiirku shaqeeyo oo qorshe qaran loo sameeyo.
Qiimaha insuliintu ma'aha mid qoys danyar ahi iibsan karo. Insuliinta ilmaha toban jirka ah bishii ku filan ee si fiican u maarayn kartaa waxay ka saraysaa 40 dollar. Waad malayn kartaa sida afarta dollar ku tahay qoys danyar ah oo somaliland ku nool. Waxa intaa dheer markii ka ganacsiga dawadan halbowlaha ahi gacanta u gashay dad aan aqoon u lahayn aan la helinba noocyo badan oo u gaar ah caruurta, iyo in mararka qaar suuqa lagu iibiyo insuliin qol kuraag ah oo awoodeedii dhimatay.
Waxaan aaminsanahay oo aan hubaa in dowlada gaar ahaan wasaarada caafimaadku, awoodo in ay ilmo kasta oo macaan qaba oo insuliin u baahan tiro koobto, diiwaan geliso, insuliin bilaash ahna siiso. waxa lasiin karaa dhamaan qalabka uu u baahan yahay ee macaanka lagu maareeyo iyo dhakhtar u gaar ah oo xaalkiisa lasocda.
Fariintaydu waxay ku socotaa madaxwayna oo mas'uuliyad wayni ka saaran tahay bad-baadinta nolosha caruurta isla markaana ah aabe iyo awowba oo u damqan kara xanuunka ubadka: mudane, Insuliinta malaga haqab tiri karaa bukaanka u baahan?
Lasii wadaag asxbtada si ay uga faa iidaystaan.