Dr M-Tahliil

Dr M-Tahliil Page kan Waxaa kala socon kartaa Arimaha Cafimadka Iyo Talooyin kusaabsab Cafimaadka

Narcissistic personality disorder waa jiro la xariirta dhimirka taas oo uu qofku aamin san yahay in uu ka muhiimsan yaha...
09/11/2022

Narcissistic personality disorder waa jiro la xariirta dhimirka taas oo uu qofku aamin san yahay in uu ka muhiimsan yahay dadka kale raadiyana inay la jiraan dareemayasha dadka kale(attention).

Inta badan qofku wuxuu jecelyahay amaanta iyo in la dhoho adaa dadka ugu fiican umana dulqaato dhaleecaynta(criticism)dadka kale ugaga timaada.

Qodku waa mid isla sareeya iskalana wayn inta kale aaminsana inay yihiin waxmagarad isaga kiliyihi xalka hayo.

Jiradaan waxa u badan bulshooyinka leh dhaqamada in loo noolaado kalinimada (individualist).

Waxaa kaloo halis ugu jira caruuraha lasoo dayacay oo aanan helina xanaanada iyo jacaylka waaridnimo ama lasoo dhibaateeyay yaraantoodii.

Qofka leh dhaqamadaan wuxuu u baahan yahay latalin psychologist ama dadka bartay cilmiga nafsiga ah inuu la kulmo.

03/07/2022

Waa Maxay Saamaynta Nooca ee Maskaxda


Dhakhaatiirtu waxay sida caadiga ah tixraacaan laba nooc oo kala duwan oo ka mid ah maqnaanshaha oksijiinta: Dhaawacyada anoksikada maskaxda ayaa dhacaya marka maskaxdu gabi ahaanba laga lumiyo oksijiin sababtoo ah xidhitaan kedis ah oo degdeg ah, qallajin, qulqulaya, iyo dhaawacyo kale oo lama filaan ah. … Inta u dhexeysa 30-180 ilbiriqsi oo ka mid ah maqnaanshaha oksijiinta, waxaa laga yaabaa inaad miyir beesho.



‘hypoxia’
Qanjirka ‘hypoxia’ wuxuu dhacaa marka uusan oksijiin ku filneyn in uu maskaxda gaarsiiyo. si joogto ah oo ah waxey maskaxdu u baahan thy oksijiin iyo nafaqooyin si ay u shaqeeyaan.

Hypoxia waxay ku dhacdaa qaybaha ugu weyn ee maskaxda, oo loo yaqaan ‘cerebral hemispheres’. Si kastaba ha noqotee, ereyga waxaa badanaa loo isticmaalaa in lagu tilmaamo la’aanta oksijiin la’aanta maskaxda oo dhan.

27/06/2022

Hadaba waa Kuwee cudurada aan faafin (Non-Communicable Diseases)

Bal aan bulashada Somaliyeed u iftimiyo qaybaha ugu waa wayn ama ugu caansan ee ka mid ah Cudurada aan Faafin ama Cudurada aan la kala qaadin waxayna kala yihiin siddan hoos ku xussan.

Dhiig karka (high blood pressure)

Cuduraddaa Ku dhacca Wadnaha (Cardiovascular diseases) Sida wadna xanuunka Heart attacks, iyo stroke oo sidoo kale loo yaqaan (brain attack).

Codurka loo yaqaan Sonkorta dadka qaybtiisna ay dhahaan Macaanka (Diabetes ), waliba qaybta loo yaqaan “Diabete 2” taas oo aan ahyn mida qofku uu ku dhasho ama yarantisa ku dhacda, middan aan ka hadlayno waxay ay ku dhacdaa dadka waawayn badanaa waxaa lan yirahda 40 sano iyo wixii ka wayn.

Cansarka (Cancer) waxay kaloo somalidu u taqaan Caabuq, cudurkan waa qaybo badanyahay waxana ka mida qaybihiisa : Kansaka ku dhacca Sambabada (Lung Cancer), Kansarka ku dhacca Nasaha (Breast Cancer) iyo waliba kanserka ku dhacca kalyaha (Kidney /renal Cancer).

Cudurka Ku dhaca Sambabada iyo waliba Habka Neefsigaa (Chronic respiratory diseases)

Horay ayay dakhatirta uga digtay   isticmaalka charcoal toothpaste
16/01/2022

Horay ayay dakhatirta uga digtay isticmaalka charcoal toothpaste

Insuliinta malaga haqab tiri karaa bukaanka u baahan?Sanadkan 2021 boqol sano ayaa kasoo wareegtay markii la daahfuray d...
31/12/2021

Insuliinta malaga haqab tiri karaa bukaanka u baahan?

Sanadkan 2021 boqol sano ayaa kasoo wareegtay markii la daahfuray dawada insuliinta ee lagu maareeyo macaanka noociisa koobaad oo dadka uu ku dhaco u ahaan jiray xukun dil ah. Cilmi-baadhista iyo soo saariska Insuliinta waxa ka wada shaqeeyay afarta Cilmi-baadhe: Frederick Banting, Charles Best, John Macleod, and
James Collip.

3dii Ogosto, 1921 ayaa Banting iyo kalkaaliyahiisaa Best oo ku shaqaynaya shaybaadh uu lahaa Macleod oo ku yaalay Univeristy of Toronto wadanka Canada waxay ku guulaysteen in ay hormoonka insuliinta ka tuujiyaan bankariis laga saaray ey caafimaad qaba kadibna waxay ku mudeen insuliintii ey kale oo sonkortiisu sarayso kadib markii bankariiskiisii laga saaray. Insuliintii eyga lagu muday waxay hoos u dhigtay sonkortii, halkaas ayaa lagu ogaaday in Insuliintu tahay maaddada dejisa sonkorta xad-dhaafka ah. Collip waxa uu ahaa biochemist waxaan uu kooxdan kusoo kordhiyay in uu hormoonkii bankariiska eyga laga soo tuujiyay sifeeyo kana reebo huubadii, qashinkii iyo guushkii dhex socday. Waxa uu ka dhigay insuliin saafi ah oo jidhka bani'aadamka lagu turqi karo.

23kii Janawari, 1922, wiil yar oo 14 jir ah oo macaan qaba ayaa noqday qofkii ugu h**eeyay ee Insuliin lagu turqo aduunka. Wiilkaas yar oo qarka u saarnaa geeri, loogana quustay kasoo rayn ayaa laba wiig kadibba kacay oo orday, maalintaas kadib waxa uu noolaa 13 todan sano oo danbe. Sanadkii xigay, 1923, Banting iyo Macleod waxay ku guulaysteen abaalmarinta Nobel oo ay ku qaateen aqoonta fisiyoolajiga iyo daahfurtii Insuliinta. Mr Bantin iyo Mr Collip labaduba way ka tanaasuleen xuquuqdii lahaanshaha ee Insulinta waxaanay u hibeeyeen bani'aadamka. Halka, Mr Best iyo Mr. Macleod ayay xuquuqdoodii hal dolar laga iibiyeen jaamacada toronto. Mr. Banting waxa laga hayaa inuu yidhi "Insulin doesn't belong to me, it belongs to the world" insuliinta anigu malihi ee waxa iska leh aduunka oo dhan.

Boqol sano kadib markii Insuliinta la daahfuray sidoo kale 44 sano ayaa laga joogaa markii insuliinta lagu daray liiska dawooyinka daruuriga ah ee WHO, laakin waxa jiray 14 jiro caruurteenii ah oo wali raadinaya Insuliin una habeen qada. Rajadii afartaa cilmi-baadhe ee ahayd in insuliin la qaadhsiiyo qofkasta oo u baahan aduunka wali may rumoobin, bal waabay sii adkaatay. tobannaan milyan oo caruur ah oo kunool dunida dacaladeeda ayaa la rafaadsan insuliin la'aan iyo agabka lagu cabbiro macaanka ee noloshoodu ku tiirsan tahay.

Waxa la saadaalinayaa in 20ka sano ee soo socda baahida aduunku Insuliin u qabaa ay kordhi doonto 27%, qiimaheedunu oo kordhi doono 12.6%. duruufuhu way kusii adkaan doonaan wadamada saharaha ka hooseeyay oo xasilooni daro bulsho iyo faqri baahsani u weheliyaan.

Somaliland, maalinkasta caruur ayaa laga helaa macaan bilow ah; tiradoodu aad ayay u sii kordhaysaa. Dadkaasi waxay u badan yihiin dan'yar ku qarsoon tuulooyinka iyo degmooyinka baydhsan ee indha madaxdu aanay qaban. Waa dad aanu codkoodu dheerayn oo hadii ay dhawaaqaanna dhegahooda mooyee kuwa madaxdu aanay maqlin. Waxa jira caruur aad u da'yar oo durba ay haleeshay halistii macaanku- qaar ayaa kelyuhu fadhiisteen, qaarbaa nabaro aan boqsan yeeshay, in badan waxay ka hadhaan waxbarashada, intooda badanna koritaankooda jidh iyo maskaxeed way kala dhantaalan yihiin. Silicaa oo dhan waa laga bad-baadin karaa hadii damiirku shaqeeyo oo qorshe qaran loo sameeyo.

Qiimaha insuliintu ma'aha mid qoys danyar ahi iibsan karo. Insuliinta ilmaha toban jirka ah bishii ku filan ee si fiican u maarayn kartaa waxay ka saraysaa 40 dollar. Waad malayn kartaa sida afarta dollar ku tahay qoys danyar ah oo somaliland ku nool. Waxa intaa dheer markii ka ganacsiga dawadan halbowlaha ahi gacanta u gashay dad aan aqoon u lahayn aan la helinba noocyo badan oo u gaar ah caruurta, iyo in mararka qaar suuqa lagu iibiyo insuliin qol kuraag ah oo awoodeedii dhimatay.

Waxaan aaminsanahay oo aan hubaa in dowlada gaar ahaan wasaarada caafimaadku, awoodo in ay ilmo kasta oo macaan qaba oo insuliin u baahan tiro koobto, diiwaan geliso, insuliin bilaash ahna siiso. waxa lasiin karaa dhamaan qalabka uu u baahan yahay ee macaanka lagu maareeyo iyo dhakhtar u gaar ah oo xaalkiisa lasocda.

Fariintaydu waxay ku socotaa madaxwayna oo mas'uuliyad wayni ka saaran tahay bad-baadinta nolosha caruurta isla markaana ah aabe iyo awowba oo u damqan kara xanuunka ubadka: mudane, Insuliinta malaga haqab tiri karaa bukaanka u baahan?

Lasii wadaag asxbtada si ay uga faa iidaystaan.

Social networks are physically addictive as well as psychologically. A study from Harvard University showed that self-di...
22/11/2021

Social networks are physically addictive as well as psychologically. A study from Harvard University showed that self-disclosure online fires up a part of the brain that also lights up when taking an addictive substance, like co***ne.

06/06/2021

Caloosha fadhisa qabsinka ayay soo dadajisaa, ugxaanta ayay saamayn ku reebata, baabasiirka ayay sabab u noqotaa, cunista cuntada qubma leh (fiber) ayaana caloosha fadhisa looga hortagaa

Ee cun adigoo cafimaadkaaga ka fakaraaya

  (Eye Strain)■ Asthenopia ama Eye Strain waa daal in qofku ka dareemo indhaha, daalkaas oo ay wehliyaan mararka qaar cu...
28/04/2021

(Eye Strain)

■ Asthenopia ama Eye Strain waa daal in qofku ka dareemo indhaha, daalkaas oo ay wehliyaan mararka qaar cuncun indhaha ah, madax xanuun u badan dhinacyada, iyo xanuun lagu arko indhaha waa mid ka mid ah cudurada aadka u soo badanaya casrigaan madama wax walba ay isu badalayaan xaga technologiyada.

■ Astaantaan waxay ku badan tahay dadka aadka u isticmaala taleefanada casriga ah, computerada, darawalada gaadiidka gaar ahaan kuwa safarka dhaadheer gala, sababtoo ah qofku aad wuxuu u isticmaalayaa murqaha indhaha kontaroola maadama inta badan qofku hal meel fiirinayo sida laptooka in uusan indhaha ka jeedin ama telka.

3. Calaamadaha cudurkaan dadka qaba lagu arko waxaa ka mid ah in qofku indhaha ka daalo, madax xanuun, iftiinka oo qofka dhiba, wareer marka uu si kadis ah u istaago, xusuus yari, maahsanaan sida in qofku meel kale ku maqan yahay, xitaa dadka marka uu la joogo iyo cuncun, xanuun iyo biyo ka yimaada indhaha madama qofku u adkaysan karin dabaysha.

■ Aragtida qofka oo shucaac ka galo, marka uu madaxu kusoo xanuunaayo, lalabo la socota madax xanuunka in aad dareento, in laba laba kula noqdaan dadka ama shayga aad fiirinayso, midabka indhahaaga oo is badala ama in gaduud indhuhu soo galaan, dadka xasaasiyada qabana way u nugul yihiin ugana dhaw yihiin dadka kale cudurkaan.

■ In qofku indhihiisa kusoo dhaweeyo taleefanka ama computerka, qofka oo aan libirsan indhahana ku taaga hal meel muddo dhowr daqiiqa ama saacad ah, sidoo kale daraasado badan ayaa sheegaya in isticmaalka shaashadaha jiilka cusub ay soo dadajin doonto arag yari ku timaada dadka inta aysan gaboobin ama aysan da' noqon.

■ Daraasadaha ayaa sidoo kale sheegaya in cudurkaan uu ku badan yahay dadka aadka u isticmaala dhagaha taleefanada, waayoo marka h**e sameecaduhu waxay dhaawacayaan neerfaha madaxa, ka dibna wuxuu dhaawacaasi mudo yar ku gaari doonaa neerfaha indhaha, waana sababta dadka sameecadaha isticmaala ugu nugul yihiin cudurka.

■ Asthenopia waa xanuun ay fududahay in la daaweeyo in ka yar 72 saac ama 3 barri ayuuna qofka kaga daawoobi karaa balse marka qofku iska indha tiro calamaadaha cudurkaan waxa macquul ah in uu ku daba dheeraado maadaama ay jiri karaan xanuuno kale oo indhaha ah kuwaasoo kaga faaiidaysan kara daawayn la'aanta cudurkaan.

28/04/2021

waa mid ka mida waxyaabaha yareeya maqalka dhagaha, sidaa darteed waxaa muhiim ah inaad iska ilaaliso waxyaabaha sida gaarka ah kuugu kiciya xasaasiyada.

26/04/2021

How Drinking Water Early Morning Good For Health

  Niyada Xilliga Caadada Ka hor (Premenstrual sydrome)Isbadalada ku dahca dumarka xilliga caadada ka hor waxaa caafimaad...
24/04/2021

Niyada Xilliga Caadada Ka hor (Premenstrual sydrome)

Isbadalada ku dahca dumarka xilliga caadada ka hor waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Premenstrual sydrome" loona soo gaabiyo "PMS" waxaa xaaladaan dareemo boqolkiba 85% dumarka, waxaana la dareemaa 7da illaa 10ka maalmood ee ka horayso xilliga caadada.
Waxaana lagu gartaa xaaladaan kacsanaan niyadda ah, xanaaq dhow, qofka oo si dhakhso ah shucuurkiisa isku badali karo, waxyaabo uusan dhibsan jirin inuu dhibsado, taasoo uu dareemi karo qofka wada shaqaynta ka dhaxayso khaas ahaan lamaanahaaga.

Waxaa dhici karto hadduu lamaanahaagu uusan aqoon u lahayn isbadalaadan ku dhacayo jirkaaga oo ka baxsan awoodaada in uu kuu qaato si kale amaba is dagaashaan ama xiriirkiina uu xumaado, laakiin hadduu fahmi lahaa ama ogyahay waxa jiro waa xilli aad u baahan tahay in la fahmo xaalada aad ku sugan tahay, taasoo wax badan kaa khafiifin karta.

Haweenka qaar waxay dareemaan xaalad daran oo keeni karta in caruurta iyo ninkaba ay ku jeesato oo gurigaba isku badalo buuq iyo dagaal.

Haddii aad dareentid xaaladahaas ogow hana isla yaabin waa arrin caadi ah oo ay kula qabaan dumar badan, laakiin waxaa habboon in ay fahmaan dadka kula nool khaas ahaan xaaskaaga si uu kuugu turo, kulana qeybsado culeyska ku saaran.

lagu garto xaaladdaan:

* Kacsanaan niyadda ah
* Xanaaq
* Niyad jab
* Madax xanuun
* Daal ama hurdo xumo
* Oohin iyo isxumayn
* Qofka oo wax uusan dhibsan jirin dhibsado
* Hadal kulul ama hadal adag
* Murugo iyo caro isla socoto

keeno cilladaan?

Inkastoo cilmibaarayaashu aysan sida dhabta ah u ogeyn qaabka ay ku timaado cilladaan laakiin waxaa la ogyahay in ay la xiriirto isbadallada hormoonka ee jirka ku dhaca khaasatan hormoonka loo yaqaano "estrogen"
Furriinka iyo shaqada oo la waayo ma keento xaalada "PMS" waa arrin la xiriirto caadada kaliya.

arintaan loo xalliyaa?
Haweenka badankood waxay ku fiicnaadaan markii ay badalaan nolol maalmoodkooda, laakiin kuwa aadka u daran waxaa la siiyaa daawooyin, kuwaas oo niyadda dajin karo.
Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu kontarooli karo xaaladaas waxaa ka mid ah:

√ Jimiscisga: Jimicsiga, dabaasha, socodka iyo ka bixitaanka guriga waxay caawisaa arrintaan in ay dagto.

√ Cunnada oo la yareeyo oo la cuno dhowr jeer oo siku dhow-dhow iyadane waxaa la arkay in ay ka qayb qaadato dajinta kacsanaanta qofka.

√ Kaalsiyamka oo la qaato iyadane waxaa lagu arkay inuu yareeyo waxyaabo badan oo ka mid ah astaamaha la dareemo laakiin lama ogo qaabka uu kaalsiyamka uga qeyb qaato arrintaan.

22/04/2021

Food As Medicine

Address

Afgooye Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr M-Tahliil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr M-Tahliil:

Share

Category