Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University

  • Home
  • Somalia
  • Mogadishu
  • Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University

Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University School of Public Health and Research at somali National University, is the first national public health academic institution and research in Somalia.

School of Public Health and Research, Somali National University(SNU-SPHR) is the only national public health institution in Somalia. SPHR was established in 2017 as one of the Schools affiliated to the Somali National University.

OLOLAHA WACYIGELINTA CUDURKA GAWRACATADAMuqdisho, Soomaaliya - 31 Diseembar 2025: Ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadk...
31/12/2025

OLOLAHA WACYIGELINTA CUDURKA GAWRACATADA

Muqdisho, Soomaaliya - 31 Diseembar 2025: Ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daawada Cudurada Tropicada Waaxda Caafimaadka Guud ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, oo uu hogaaminayo Ustaad Dr. Axmed Cuman Ibrahim (Dr. Shuqul) oo kamid ah Bareyaasha Kulliyadda iyo Guddoomiyaha Naadiga Ardayda xafiiska Tababarada ayaa si guul leh u qabtay Ololaha Wacyigelinta Cudurka Gawracatada, kaas oo socday muddo afar (4) maalmood ah.

Muddadi uu ololuhu socday, ardaydu waxay booqdeen goobo kala duwan oo ku yaalla Gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin kaamamka barakacayaasha, dugsiyada Qurโ€™aanka iyo iskuullada, kala duwan, halkaas oo bulshada lagu gaarsiiyay wacyigelin la xiriirta cudurka gawracatada, khatartiisa, calaamadihiisa, qaabka uu u faafo, iyo muhiimadda tallaalka ka hortagga cudurka gawracatada.

Ololaha wacyigelinta waxaa si firfircoon uga qeyb qaatay ku dhowaad 60 arday ee bulshada la wadaagay farriimo caafimaad oo ku saleysan aqoon cilmiyeed iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah.

Ololaha ayaa qeyb ka ah doorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta caafimaadka bulshada, islamarkaana ay ardaydu ka helayaan khibrad la taaban karo oo la xiriirta adeegga bulshada iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Ugu dambeyn, bulshada la gaarsiiyay wacyigelinta ayaa si weyn u soo dhaweeyay ololaha, iyagoo muujiyay baahida loo qabo wacyigelin joogto ah iyo dadaallo lagu xakameynayo cudurrada laga hortagi karo, gaar ahaan cudurka gawracatada.

DHAMAAD

๐ŸŒŸ Phase Two WASH Lecture Programme Successfully Concluded! ๐ŸŒŸ๐Ÿ“ Location: Somali National University (SNU), KM4 Campus & O...
18/12/2025

๐ŸŒŸ Phase Two WASH Lecture Programme Successfully Concluded! ๐ŸŒŸ

๐Ÿ“ Location: Somali National University (SNU), KM4 Campus & Online (Hybrid)
๐Ÿ“… Closing Session: 18 December 2025

We are thrilled to announce the successful completion of our WASH Lecture and Training Programme, which ran from 1 March to 30 November 2025, implemented by Somali National University (SNU) in collaboration with EAWAG.

This practice-oriented programme was designed to strengthen student capacity in Water, Sanitation, and Hygiene (WASH) through a blended learning approach combining online MOOCs, weekly onsite sessions, field visits, guest lectures by Somali experts, and a student research project.

๐Ÿ‘ฉโ€๐ŸŽ“๐Ÿ‘จโ€๐ŸŽ“ Programme Impact:
โ€ข 126 students enrolled (73 female, 53 male)
โ€ข 107 students successfully completed the programme (69 female, 38 male)

๐ŸŽฏ Highlights from the Closing Session:
โ€ข Opening and welcome remarks from SNU leadership
โ€ข Reflections on programme implementation from EAWAG
โ€ข Student presentation on key lessons, skills gained, and recommendations for future WASH programmes
โ€ข ๐ŸŽ“ Certificate distribution to successful students

We extend our sincere appreciation to the Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine at SNU, our valued partner EAWAG, and all coordinators, lecturers, and contributors who supported this programme.

Most importantly, congratulations to all the students for your dedication and commitment. Your achievements mark a significant step toward strengthening WASH practice, research, and public health development in Somalia.

๐Ÿ‘ Well done to the Phase Two WASH Programme graduates!




Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daawaynta Cudurada Kulaylaha (Faculty of Health Science and Tropical Medicine) ee Ja...
17/12/2025

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daawaynta Cudurada Kulaylaha (Faculty of Health Science and Tropical Medicine) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU) ayaa waxay ardayda sannadka ugu dambeeya ee Caafimaadka Dadwaynaha u qabatay Tababar soconayay hal maalin oo ku saabsanaa โ€œ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐–๐€๐’๐‡-๐ค๐ฎ ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐šโ€.

Tababarkan waxaa soo jeedinayay ๐Œ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ณ๐š๐ค ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ฎ๐ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ, La-taliye Farsamo (Technical Advisor) oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada, horena u soo noqday Madaxa Wash-ka ee wasaaradda. Mr. Abdirizak ayaa khibraddiisa ku aaddan Biyaha, Fayadhawrka & Nadaafadda la wadaagay ardayda, isagoo sidoo kale xusay doorka ardayga Caafimaadka Dadwaynaha ahi uu uga qayb-qaadan karo xallinta caqabadaha waawayn ee ka jira (WASH)-ka.

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Iyo Daawaynta Cudurada Kulaylaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka goโ€™an mar walba inay dhisto karaanka ardaydeeda, iyadoo xoogga saaraysa in ardaydu ay la fal-galaan khibradaha dalka ka jira iyo baahiyaha suuqa shaqada yaalla, ee aysan kaliya ardaydu ku koobnaan Slides.

Allaa Mahad leh.

Training Completion AnnouncementOn 14 December 2025, the Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine, in collaborat...
15/12/2025

Training Completion Announcement
On 14 December 2025, the Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine, in collaboration with Somali Bureau of Standards, successfully concluded a four-day training focused on One Health: Strengthening Community Awareness through Quality.
The training was delivered by experienced experts from the Somali Bureau of Standards and aimed to enhance participantsโ€™ understanding of quality standards and their role in promoting community health under the One Health approach.
At the end of the training, all participants were awarded certificates of participation in recognition of their active engagement and commitment.
We sincerely appreciate the facilitators and participants for making this training a success.

๐Ž๐†๐„๐˜๐’๐ˆ๐ˆ๐’ ๐“๐€๐๐€๐๐€๐‘ ๐€๐๐Ž๐Ž๐๐„๐„๐ƒKulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daawaynta Cudurada Kulaylaha (Faculty of Health Science and...
15/12/2025

๐Ž๐†๐„๐˜๐’๐ˆ๐ˆ๐’ ๐“๐€๐๐€๐๐€๐‘ ๐€๐๐Ž๐Ž๐๐„๐„๐ƒ

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daawaynta Cudurada Kulaylaha (Faculty of Health Science and Tropical Medicine) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU) waxay ku wargelinaysaa dhammaan ๐š๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐ฌ๐š๐ง๐ง๐š๐๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š (๐๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐‡๐ž๐š๐ฅ๐ญ๐ก) in la qabanayo tababar aqooneed muhiim ah oo cinwaankiisu yahay:

โ€œ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐–๐€๐’๐‡-๐ค๐ฎ ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐šโ€

Seminaarkan waxaa soo jeedin doona:
๐Œ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ณ๐š๐ค ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ฎ๐ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ
La-taliye Farsamo (Technical Advisor), Tayada Adeegyada Caafimaadka โ€“ Wasaaradda Caafimaadka
PhD Candidate โ€“ University of Rwanda

๐Ÿ“… ๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก: 16 December 2025
โฐ ๐–๐š๐ช๐ญ๐ข: 08:00 subaxnimo โ€“ 12:00 duhurnimo
๐Ÿ“ ๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: E-Learning Hall, SNU Km4

Tababarkani wuxuu si gaar ah uga faaโ€™iideyn doonaa ardayda sannadka ugu dambeeya, isagoo diiradda saaraya xiriirka ka dhexeeya ๐–๐€๐’๐‡ -ka, ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š, ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐๐ค๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š, gaar ahaan xaaladaha nugul iyo kuwa biniโ€™aadantinimo.

๐Ÿ‘‰ ๐‡๐š ๐ฌ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ง ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐๐๐š๐ง ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐š ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ ๐ฌ๐ข ๐š๐š๐ ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐ฎ ๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐จ.

โ€”
๐พ๐‘ข๐‘™๐‘™๐‘–๐‘ฆ๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘Ž ๐ถ๐‘ข๐‘™๐‘ข๐‘ข๐‘š๐‘ก๐‘Ž ๐ถ๐‘Ž๐‘Ž๐‘“๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘‘๐‘˜๐‘Ž ๐‘–๐‘ฆ๐‘œ ๐ท๐‘Ž๐‘Ž๐‘ค๐‘Ž๐‘ฆ๐‘›๐‘ก๐‘Ž ๐ถ๐‘ข๐‘‘๐‘ข๐‘Ÿ๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž ๐พ๐‘ข๐‘™๐‘Ž๐‘ฆ๐‘™๐‘Žโ„Ž๐‘Ž
๐ฝ๐‘Ž๐‘Ž๐‘š๐‘Ž๐‘๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘Ž ๐‘ˆ๐‘š๐‘š๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘Ž ๐‘†๐‘œ๐‘œ๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘™๐‘–๐‘ฆ๐‘’๐‘’๐‘‘ (๐‘†๐‘๐‘ˆ)

Xafiiska Tababarka ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Cudurrada Tropica wuxuu si guul leh u qabtay wajiga koowaad ee...
10/12/2025

Xafiiska Tababarka ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Cudurrada Tropica wuxuu si guul leh u qabtay wajiga koowaad ee safarka waxbarasho ee ku saabsan maareynta qashinka adag iyo kan dareeraha. Safarkan waxaa ka faaโ€™iideystay qaar ka mid ah ardayda Caafimaadka Guud , Batch 6aad, waxaana lagu qabtay iskaashiga UNSOS iyo Ecolog Integrated Service Solutions.
Ardayda ayaa booqday xarumaha Maareynta Qashinka ee UN iyo AMISOM ee Xalane, halkaas oo ay ku arkeen dhammaan marxaladaha shaqada, oo ay ka mid yihiin:
โœ”๏ธ Ururinta & kala-soocidda qashinka
โœ”๏ธ Dib-u-warshadaynta warqadda, caagagga, biraha & muraayadaha
โœ”๏ธ Ka shaqaynta qashinka cunnada oo loo beddelo bacrimin
โœ”๏ธ Gubista qashinka caafimaadka & kiimikooyinka halista ah
โœ”๏ธ Daawaynta biyaha wasakhda ah (settling, aeration, filtration & sludge processing)
Safarkan wuxuu ahaa kii ugu horreeyay, waxaana qorshaysan in la qabto ugu yaraan laba (2) safar waxbarasho oo dheeri ah, si loo xoojiyo waayo-aragnimada iyo xirfadaha ardayda.
Safarkani wuxuu ardayda siiyay faham muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta deegaanka, badbaadada bulshada, iyo sida loo maareeyo qashinka si casri ah oo ammaan ah , iyada oo la isku xirayo aragtida fasalka iyo waayo-aragnimada dhabta ah.
Xafiiska Tababarka wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa UNSOS, Ecolog Integrated Service Solutions, iyo Mr. Mohamed Rafiiqi, oo ahaa xiriiriyaha tababarkan.

Maanta waxaan si guul leh u soo gabagabeynay Workshop 2 maalmood inoo soo socday  Ciwaankiisuna uu ahaa โ€œBridging Academ...
18/11/2025

Maanta waxaan si guul leh u soo gabagabeynay Workshop 2 maalmood inoo soo socday Ciwaankiisuna uu ahaa โ€œBridging Academia and Practice: Preparing Future Public Health Leaders for Somaliaโ€™s Health System.โ€

Maalinta labaad waxay diiraddu saarneyd Hoggaaminta Caafimaadka dalka iyo Himilooyinka Hoggaamiyayaasha Caafimaadka Dadwayanaha ee Mustaqbalka, iyadoo ka-qeybgalayaashu heleen aqoon qoto dheer iyo aragtiyo wax ku ool ah iyo falanqayn macna leh oo dad khibraddeeda leh ay la wadaageen.

Mawduucyada maanta lagu lafaguray waxaa ka mid ahaa:
โ€ข Hoggaanka Caafimaadka Soomaaliya iyada oo si gaar ah looga hadlay nidaamyada, qaab dhismeedka, iyo fursadaha horyaala hogaamiyayaasha Caafimaadka mustaqbalka .
โ€ข Dood-wadaag ku saabsan doorka xirfadlayaasha daโ€™da yar ee xoojinta nidaamka caafimaadka
โ€ข lafa gur iyo dood wax ku ool ah oo eey ka qeeybgalayaalku su'aala ku weydiiyeen Quburada bixineeysay tababarka .

Hoggaanka kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxa uu aad ugu faraxsanahay ka-qeybgalka sare, anshaxa, iyo dadaalka ka muuqday ardayda labada maalmood ee barnaamijku socday.
Runtiina ardada Ka-qeybgalkooda firfircoon wuxuu muujinayaa mustaqbal wanaagsan oo u ifaya Caafimaadka Dadwaynaha Soomaaliyeed.

Waxaan mahadnaq gaar ah u diraynaa dhammaan Quburadii ka socotay Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee JFS iyo qaban-qaabiyeyaashii barnaamijka.

Waxaan si wadajir ah u dhiseynaa hoggaamiyeyaal caafimaad oo xirfad leh oo mustaqbalka hanaanka caafimaadka dalka aan rajaynayno inay wax wayn ka baddali doonaan.

Maanta oo ay Taariikhdu ku beegantahay ๐Ÿ๐Ÿ•-๐๐จ๐ฏ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ waxaa si rasmi ah u furmay Tababar ay soo wada qaban qaabiyeen Wasaar...
17/11/2025

Maanta oo ay Taariikhdu ku beegantahay ๐Ÿ๐Ÿ•-๐๐จ๐ฏ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ waxaa si rasmi ah u furmay Tababar ay soo wada qaban qaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada JFS, Iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo laba maalmood socon doona.

Agaasimaha Akademiyada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ๐Œ๐ซ. ๐’๐š๐ฒ๐ข๐๐Ž๐ฆ๐š๐ซ ๐˜๐š๐ฌ๐ข๐ง oo Tababarka furay, ayaa xusay muhiimadda ay Jaamacadda u leedahay in ardaydu aysan kaliya ku ekaan waxbarashada fasallada ee sidoo kale ay helaan khibradaha ay uga baahanyihiin suuqa shaqada, si ay qayb uga noqdaan dadaallada kala duwan ee xalka loogu raadinayo caqabadaha Caafimaadka Dadwaynaha Soomaaliyeed.

Mawduucyada maanta laga wada hadlay waxaa kamid ahaa "Heerarkii kala duwanaa ee adeeg bixinta Caafimaadka Soomaaliyeed ay soo martay, Iyo Dhaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya meesha uu ka yimid, meesha uu marayo iyo meesha uu u socdo".

Kulliyaddu waxay si mugwayn ugu mahadcelinaysaa dhaqaatiirta tababarka soo jeedinaysay, waxayna ardayda ka rajaynaysaa inay si fiican uga faaโ€™iidaysan doonaan Tababarka.

๐ƒ๐ซ. ๐†๐ฎ๐ซ๐š๐ฌ๐ก waa khabiir caafimaad oo leh in ka badan 9 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan maareynta adeegga caafimaa...
16/11/2025

๐ƒ๐ซ. ๐†๐ฎ๐ซ๐š๐ฌ๐ก waa khabiir caafimaad oo leh in ka badan 9 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan maareynta adeegga caafimaadka, isku xiridda gargaarka baniโ€™aadantinimo, iyo xoojinta nidaamka caafimaadka ee hayโ€™adaha gaarka loo leeyahay, kuwa dowladiga ah, iyo kuwa samafalka.

Waxa uu door muuqda ka qaataa horumarinta siyaasadaha qaran, isku-duwidda qaybaha caafimaadka, istaraatiijiyadda daryeelka aasaasiga ah, maalgelinta caafimaadka, iyo kormeerka & qiimeynta si loo xoojiyo waxqabadka iyo adkeysiga nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Dr. Abdullahi wuxuu kamidyahay Tababarayaashi Workshop ka labada maalin socon doona.

๐ƒ๐ซ. ๐๐ฎ๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ฎ๐ waa Khabiir ku takhasusay Siyaasadda & Maamulka Caafimaadka Dadwaynaha, wuxuuna leeyahay in ka badan...
16/11/2025

๐ƒ๐ซ. ๐๐ฎ๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ฎ๐ waa Khabiir ku takhasusay Siyaasadda & Maamulka Caafimaadka Dadwaynaha, wuxuuna leeyahay in ka badan 17 sano oo waayo-aragnimo sare ah oo ku saabsan Xoojinta Nidaamyada Caafimaadka iyo Nafaqada & Programme Management, isagoo ka soo shaqeeyo marar kala duwan hayโ€™adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Dowladda, oo uu hadda Wasaaradda Caafimaadka ka yahay Lataliye.

Mr. Nur waxa uu qayb muhiim ah ka noqon doonaa aqoon is waydaarsiga ay sida wadajirka u qabanayaan Wasaaradda Caafimaadka & Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ณ๐š๐ค ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ (๐‰๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ฎ๐๐ข๐ง), wuxuu kamidyahay Tababarayaasha ka qayb qaadan doona Workshop ka labada maalmood ...
16/11/2025

๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ณ๐š๐ค ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ (๐‰๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ฎ๐๐ข๐ง), wuxuu kamidyahay Tababarayaasha ka qayb qaadan doona Workshop ka labada maalmood socon doona ee bari bilaabmaya, wuxuu ka hadli doonaa Mawduuc ku saabsan Nidaamyada & Qaab dhismeedka Hoggaaminta Caafimaadka ee Somalia, & Fursadaha ay haystaan ardayda Caafimaadka Dadwaynaha bartay.

Dr. Jalaaludiin waa khabiir Nidaamka Caafimaadka Somalia 15kii sano ee ugu dambeeyey Meelo kala duwan iyo Mansabyo kala duwan uga soo hawl-galay, haatanna waa Agaasimaha Shaqada & Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada JFS.

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka & Daawaynta Cudurada Kulaylaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ogaysiinaysaa arday...
16/11/2025

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka & Daawaynta Cudurada Kulaylaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ogaysiinaysaa ardayda sannadka ugu dambeeya ku jira ee Caafimaadka Dadwaynaha (Public Health), in ay ka soo qayb-galaan Workshop socon doona labada maalmood ee soo socota (17-18 November), kaasoo ku saabsan sidii la isugu xiri lahaa Aqoonta Fasallada taalla, iyo Baahida Caafimaad ee dalka ka jirta, loona diyaarin lahaa Hoggaamiyayaasha Caafimaadka Dadwaynaha Soomaaliyeed.

Workshop kan ayaa waxaa qaban doona khubaro ka socda Ministry of Health- Somalia, oo sannado badan siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyey Caafimaadka Dalka, ardayduna ay ka faaโ€™iidi doonaan khibrad badan.

Workshop kani wuxuu kamid yahay Barnaamijka Internship ka ah ee ay kulliyaddu ugu talo-gashay ardayda ku jira Sannadka ugu dambeeya Jaamacadda.

Address

Vina Uta Street
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 16:00
Wednesday 09:00 - 16:00
Thursday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 16:00
Sunday 09:00 - 16:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram