
03/05/2025
Dhagax dhigga Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ee dhismaha cusub ee Isbitaalka galmudug.
Maanta waxaa sharaf noo ahayd in Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug uu si rasmi ah u xarig-jaro dhismaha cusub ee muhiimka ah ee isbitaalka. Tani waa astaan cad oo muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka gobolka.
Waziirka wazaaradda caafimaadka galmudug iyo dhamaan howlwadeenada wazaaradda ayaa kaalin weyn Ka qaatay in mashruucaan inuu hirgalo.
Isbitaalka wuxuu sii wadaa ballaarinta iyo tayeynta adeegyada uu bulshada u fidiyo — waxaana maanta si rasmi ah u bilowday wajigii cusub ee horumarka.
Mahadsanid Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) dadaalka iyo garab istaagga joogtada ah.