22/04/2025
Labaatan (20) Qodob oo Aad Qoomamayn Doonto Mustaqbalka
(Fariintan si gaar ah waxay ula hadlaysaa dhalinyarada)
1. Waxaad ka Qoomamayn doontaa inaad waalidkaa waqti badan la qaadan weyday intii aad fursadda haysatay.
2. Waxaad ka Qoomamayn doontaa inaadan waxba ka keydsan dakhligaaga, xitaa haddii uu yaraa.
3. Waxaad ka Qoomamayn doontaa inaadan ka tagin shaqadii aanad jeclayn markii fursaddu kuu banaaneyd.
4. Waxaad ka Qoomamayn doontaa inaadan si fiican u baran waxbarashadaada… ama inaad waqti badan ku lumisay wax aanad dan ka lahayn.
5. Waxaad ka Qoomamayn doontaa in aad ilowday inaad waqti la qaadato dadka aad jeceshahay marka ay adiga kugu xeernaayeen.
6. Waxaad ka Qoomamayn doontaa inaad cimrigaaga ku dhammaysay dib u dhigid iyo riyo aan ficil lahayn.
7. Waxaad ka Qoomamayn doontaa markasta oo aad ka baqday ama ka labalabaysay inaad tiraahdo “Maya”.
8. Waxaad ka shallayn doontaa inaad dadka kale u ogolaatay inay kuu qorsheeyaan noloshaada.
9. Waxaad ka Qoomamayn doontaa in aad rumaysatay waxyaabo been ahaa adigoon xaqiiqadooda baarin.
10. Waxaad ka shallayn doontaa in aad xajisatay fikrado khaldan halkii aad iska tuuri lahayd markii aad da’yarayd.
11. Waxaad ka Qoomamayn doontaa fursadihii dhalinyaranimada ee aanad ka faa’iidaysan.
12. Waxaad ka Qoomamayn doontaa wajiyada beenta ah ee aad u xiratay si aad dadka u cajabisid.
13. Waxaad ka shallayn doontaa qaraabo iyo asxaab aanad booqan ilaa geeridu idin kala qaaday.
14. Waxaad ka Qoomamayn doontaa waqtiyo barakaysan sida Ramadaanada oo aad dayacday.
15. Waxaad ka shallayn doontaa xiriir noloshaada dhaawac u keenay oo aad qarisay sanado badan.
16. Waxaad ka Qoomamayn doontaa talooyin iyo fursado aad iska indhatirtay kadib markii aad garatay muhiimaddooda.
17. Waxaad ka Qoomamayn doontaa mar walba oo aad is dhiibtay adigoo ku dhowaa guusha.
18. Waxaad ka Qoomamayn doontaa mar kasta oo aad dulmiso qof kaa jilicsan ama aad awood u leedahay.
19. Waxaad ka shallayn doontaa in aad si xanaaq leh ula dhaqantay dadka kugu dhow sababo aan muhiim ahayn darteed.
20. Ugu dambayn, waxaad ka Qoomamayn doontaa in aad dunida ka tagtay adigoon reebin raad wanaagsan ama samafal weyn.
Ogaada dhalinyaroow noloshu waa Amaah ee aan ka faa'iidaysano.
Qodobkee si gaar ah kuu saameeyay, nagula wadaag qaybta faallada.
Isha xogta Usame Qiyas