Daryeel Caafimaad

Daryeel Caafimaad Join us on the journey to better health and greater wealth!

Faa'iidooyinka Cajiibka ah ee Xabadsowda (Black Seed Oil) 🌿Xabadsowda, oo loo yaqaan “daawo kasta oo wax u tarta," waxay...
15/10/2024

Faa'iidooyinka Cajiibka ah ee Xabadsowda (Black Seed Oil) 🌿

Xabadsowda, oo loo yaqaan “daawo kasta oo wax u tarta," waxay leedahay faa’iidooyin badan oo caafimaad. Waxaa loo adeegsadaa bogsashada iyo kor u qaadista difaaca jirka. Faa'iidooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

Kor u qaadida Difaaca Jirka:-
Xabadsowda waxay xoojisaa habka difaaca si jirku si fiican uga hortago infekshannada.

Xakameynta Bararka (Inflammation) – Waxay gacan ka geysan kartaa yareynta bararka iyo xanuunka jidhka.

Caafimaadka Wadnaha –
Waxay hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga iyo kolestaroolka, taasoo caawinaysa caafimaadka wadnaha.

La-dagallanka Bakteriyada iyo Fayrasyada – Waxaa la og yahay inay leedahay saameyn antibiyootik ah oo la dagaallama bakteeriyada iyo fayrasyada.

Timaha iyo Maqaarka –
Xabadsowda waxay caawisaa hagaajinta caafimaadka timaha iyo maqaarka, iyadoo yaraynaysa finan iyo qalaylka.

Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dawooyinka dabiiciga ah ee awoodda badan. Si joogto ah u isticmaal, laakiin had iyo jeer la tasho dhakhtarkaaga intaadan bilaabin.

Caafimaadkaaga wa hantida ugu way ee aad haysato! 🌿✨

𝐅𝐚𝐚'𝐢𝐢𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐮𝐧𝐭𝐚Toonta waa geed dawo ah oo ay soo isticmaali jireen dad badan, waxaana Rasuulkeena na dardaarmay in...
15/10/2024

𝐅𝐚𝐚'𝐢𝐢𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐮𝐧𝐭𝐚

Toonta waa geed dawo ah oo ay soo isticmaali jireen dad badan, waxaana Rasuulkeena na dardaarmay in xanuunada lagu daweeyo.

Waxay ka kooban tahay maaddooyinka muhiimka ah sida Allicin, Manganese, fitamiin B6, fitamiin C, iyo Selenium, taasoo ka dhigaysa mid waxtar leh.

Toonta waxay sare u qaadaa difaaca jirka, hoosna u dhigtaa dhiig karka iyo kolestaroolka xun, waxayna caawisaa caafimaadka maskaxda.

Sidoo kale, toonta waxay ka caawisaa in la yareeyo gooryaanka mindhicirka, waxayna khuseysaa xanuuno badan sida madax xanuunka iyo qandhada.

Si joogto ah u cunista toonta waxay kor u qaadi kartaa caafimaadkaaga guud.

Oof-wareenka (Pneumonia): Waa Maxay, Sideese Isaga Ilaalin Karnaa?Oof-wareenku waa cudur halis ah oo ku dhaca sambabada,...
15/10/2024

Oof-wareenka (Pneumonia): Waa Maxay, Sideese Isaga Ilaalin Karnaa?

Oof-wareenku waa cudur halis ah oo ku dhaca sambabada, kuna yimaada bakteeriyo, fayras, ama fangas. Calaamadaha ugu horreeya waxaa ka mid ah qufac joogto ah, xanuun laabta ka soo dhacaya, neefsashada oo adkaata, iyo qandho sare. Dadka nugul sida carruurta yar yar, waayeelka, iyo dadka xanuunada kale qaba waxay halis ugu jiraan in cudurkan ku dhaco.

Maxaa muhiim ah? In si degdeg ah loo ogaado oo loo daweeyo waa lama huraan. Tallaalka oof-wareenka ayaa door weyn ka ciyaara ka hortagga, sidaas darteed, ha ilaawin inaad qaadato tallaalkaaga!

Xusuusnow, caafimaadkaaga waa hantidaada ugu qaalisan!

 : Warbixin KoobanWaa Maxay Varicocele?Varicocele waa xaalad caafimaad oo ka dhalata ballaadhinta iyo xanuunka xididdada...
05/10/2024

: Warbixin Kooban

Waa Maxay Varicocele?

Varicocele waa xaalad caafimaad oo ka dhalata ballaadhinta iyo xanuunka xididdada dhiigga ee ku yaalla xiniyaha (te**es). Xaaladdan waxay ka dhigan tahay in xididdada dhiigga ay noqdaan kuwo fidsan oo aan si caadi ah u shaqaynin. Varicocele waxay si gaar ah ugu badan tahay dhinaca bidix ee xiniyaha.

Varicocele
- Xanuun: Qofka qaba varicocele wuxuu dareemi karaa xanuun ama raaxo la'aan, gaar ahaan marka uu taagan yahay ama marka uu qabto dhaqdhaqaaq.
- Isbeddelka Qaab-dhismeedka Xiniyaha: Xiniyaha waxaa laga yaabaa inuu u muuqdo mid ka weyn ama uu dareemo xoogaa midab leh.
-Khatarta Fertility: Varicocele waxay saameyn ku yeelan kartaa tayada iyo tirada unugyada dhalmada (s***m) ee ragga, taasoo keeni karta dhibaatooyin dhalmo.

Varicocele
Sababaha keeni kara varicocele waxaa ka mid ah:
- Dhaqdhaqaaqa Xididdada: Marka xididdada dhiigga ay ka yimaadaan xiniyaha aan si sax ah u shaqaynin.
- Cadaadiska Dhiigga: Cadaadis dheeri ah oo ku dhaca xididdada dhiigga, taasoo keenta ballaadhin.

Varicocele
1.Daawooyin: Xaaladaha fudud, daawada xanuunka iyo nasashada ayaa laga yaabaa in la isticmaalo.
2.Qalliinka: Haddii varicocele uu saameeyo caafimaadka guud ama dhalmada, qalliin ayaa lagu talin karaa si loo xalliyo dhibaatada.
3.Kalsoonida Raaxada: Isticmaalka kabo la galo si ay u caawiyaan in la yareeyo xanuunka.

Gunaanad
Varicocele waa xaalad caafimaad oo saameyn ku yeelan karta xiniyaha iyo dhalmada. Haddii aad la kulanto astaamaha varicocele, waxaa muhiim ah inaad la tashato dhakhtar si loo sameeyo baaritaan iyo daaweyn habboon.

Xaniinyaha waa xubnaha Taranka Ragga ugu muhiimsan dhanka tarmida (Shahwada) iyo soosaarka Hormoonka Ragga ee Testostero...
15/08/2024

Xaniinyaha waa xubnaha Taranka Ragga ugu muhiimsan dhanka tarmida (Shahwada) iyo soosaarka Hormoonka Ragga ee Testosterone.

Waxaa ku dhicikara xanuuno aad ukala duwan sida; Caabuqyo, Burooyin kuwo caadi ah iyo Kanser intaba.
Dhalinyarada da’da udhaxeyso 20sano ilaa 30sano jirka ah waa xiliga ugu badan ee lagu arko CANCERKA XINIINYAHA ‼️

Fiiro Gaar ah🛑 Bil walba mar ama 2 jeer si wanaagsan u taabo xiniinyahaaga (ugaar ah Ragga).
Xiliyada aad suuliga/Musqusha kujirtid ama xiliga jiiifka ee habeenkii.

Hadii aad isku aragtid isbadalo sida;
❌Barar ama kuus kusoo kordhay xiniinta,
❌Meel si gaar ah kuu xanuuneyso,
❌kala duwanaasho kuyimid 2da xiniin cabir ahaan.
❌Dareemida Culees dhanka daboolka xiniinyaha ah
❌Naasa xanuun Ragga
❌Dhabar xanuun.

Fadlan hda isku argto calaamadahas u tag dhaqtar ku taqasusay taranka ragga.

30/05/2024

Canugaga marku ooynayo ma suuxaa?
Fadlan muuqaalkan daawo

Canugaga marku ooynayo ma suuxaa?Wa kana maqaal ku saabsanFadlan linkiga hoose gujjihttps://youtu.be/70kL2pNVqcw?si=r80k...
29/05/2024

Canugaga marku ooynayo ma suuxaa?
Wa kana maqaal ku saabsan
Fadlan linkiga hoose gujji

https://youtu.be/70kL2pNVqcw?si=r80kH8AK3P9JXYKr

wa macluumaad ku saabsan oohinta la xiriirta suuxdinta, hadad ka hesho kalay nagu soo biir ...

24/05/2024
Haweenka qaar waxay umul-sibyanka ka aaminsan yihiin bahal, ama jinni minka ku dhex nool oo ilmaha ka soo rido hooyada a...
12/05/2023

Haweenka qaar waxay umul-sibyanka ka aaminsan yihiin bahal, ama jinni minka ku dhex nool oo ilmaha ka soo rido hooyada ama u diido inay uur qaado, waana arrin khuraafaat ah oo aan sal iyo raad toona caafimaadka ku lahayn, haween badanne laga dhaadhacsiiyay.

Haween badan oo dhakhtarnimo ku qaraabto oo umul-sibyaanka inay daaweeyaan sheegto ayaa arintaan ku shaqeysto, hooyooyinkane lacag badan kaga qaato in bahalkaas laga soo saaro si ay uur u qaado, dilanka soo noqonqdayne uga gudubto waana arrin aan waxba ka jirin.

Halkee ka soo jeedaa sheekada "Ummul-sibyanka"?
Sheekadaan ummulosibyanka ma ahan wax u gaar ah bulshadeena kaliya, meelo kale oo sidaas looga aaminsan yahay ayaa jira sida dalalka Indonesia, Malaysia iyo wadamada carabta qaar, taasoo qolooyin kala duwan ay kaga macaashaan bulshada waxayna sheegaan in "ummulosibyanku" yahay jinni u gaar ah caruurta oo haween ah, kaasoo ilmaha markii la abuuraba ceeji ku qabto, sidaasne ay hooyada ku dilanto, sidaas darteed hooyooyinka lacago ayaa laga qaataa si looga quraamiyo jinnigaas, meesha soomaalidane ay yiraahdaan, jinniga laftirkiisa ayaa gudaha lagu dilayaa si uu u soo dhaco, kadibne waxaa hooyooyinka qaar la tusaa sawirro u eg sidii doolliga oo kale oo dhinacyada madaxa ku leh dhibic madaw sidii isha oo kale.

Taasina waa abuurkii uurjiifka oo aan weli dhameestimin, ee ma ahan jinni iyo bahal toona, caruurta markuu Alle abuurayo waxay maraan marxalado kala duwan, marka horane uma eka bini'aadan sidaa darteed hooyooyinka aan aqoonta lahayn waa la siri karaa markii la tusiyo sawirradaas ama iyadaaba isku nixi karta markay aragto inay ka soo baxeen wax bahal u eg.

Dadka ku qaraabto arrimahaan waxay soo daliishadaan xadiith ay dhaheen rasuulka NNKH ayaa laga soo wariyay kaas uu kaga hadlay inuu jiro jinni la dhaho "Ummusibyan" oo caruurta soo rido, laakiin waa xadiith been-abuur ah oo aan waxba ka jirin, culumadane horay ayay dhowr jeer uga hadleen.

Taladaydu waa in hooyooyinka ka cabanayo dilanka iyo uur la'aanta inay dhakhtarka la xiriiraan, kana fogaadaan arrimahaan aan diinta iyo caafimaadkaba shaqo ku lahayn.

Waxaa dhacda mararka qaar in hooyada minka laga gaarsiiyo dhaawac iyadoo la leeyahay, ummulsibyan ayaa lagaa soo saarayaa, taasoo keeni karta dhiigbax iyo inay dib dambe u dhali wayso.

Waxaa jirka xaalado badan oo keeni kara in hooyada ay dilan la kulanto kuwaasoo u baahan daaweyn




Fadlan la share gareey asxabtada.
Mahadsanid

Waxaan maanta casharkaan kaga hadli doonaa caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba'do.Ca...
06/03/2023

Waxaan maanta casharkaan kaga hadli doonaa caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba'do.

Caabuqaas waxaa loo kala qaadaa laba qeyb, mid xaniinta laftirkeeda ku dhaco, loona yaqaanaa "Orchitis", mid ku dhaco tubada shahwada oo xaniinta ka korayso, waxaana loo yaqaanaa "Epididymitis", laakiin sida ay u badan tahay labada meelba hal mar ayuu ku wada dhacaa, waxana lo yaqaanaa "Epididymo-orchitis".

Maxaa keeno caabuqa xiniinyaha "Epididymo-orchitis"?

1.Infekshanka kaadi mareenka oo xumaaday wuxuu keenaa caabuqa xiniinyaha, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano "E.coli".

2.Cudurrada lagu kala qaado galmada waa kuma ugu badan ee keeno caabuqa xiniinyaha khaasatan cudurrada Jabtida iyo kalamiidiyaha.

3.Caabuqa fayraska khaasatan midka keeno Qaamo-qashiirka "Mumps" virus waa midka ugu badan oo keeno caabuqa xiniinyaha.

4.Jugtu waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno caabuqaan khaasatan xilliyada ciyaarta banooniga iyo wadidda baaskiilka.

5.Qalliinka lagu sameeyo qanjirka ragga ee "prostate-ka" mararka qaar waxaa laga dhaxlaa caabuqaan xiniinyaha khaasatan haddii nadaafadda qalabka qalliinka loo adeegsaday aysan fiicnayn.

6.Tiibishada ku dhacdo xiniinyaha iyaduna waxay keentaa xanuunkaan, dhakhsane laguma baraarugo.

Yuu ku dhacaa xanuunkaan?

Xanuunkaan wuxuu aad ugu badan yahay ragga da'doodu u dhaxayso 15 illaa 30 sano iyo ragga ka wayn 60 sano.

Astaamaha lagu garto xanuunkaan:

Badanaa xanuunkaan si dhakhso ah ayaa lagu dareemaa calaamadihiisa hal malain ama laba maalin gudahooda, isla markiiba qofka wuxuu dareemaa qooraha oo bararo, xanuun iyo danqasho siyaado ah.

Hadduu xanuunkaan ka dhashay xanuun kale sida aan kor ku soo xusayne qofka wuxuu dareemi karaa astaamo kale oo la xiriira xanuunka keenay,

Tusaale: hadduu infekshan kaadi mareenka horay kuu hayay waxaad dareemaysaa kaadida oo ku gubto, dhabar xanuun, gumaar xanuun IWM, midda kale hadduu caabuqa ka yimid xanuunada galmada lagu kala qaado waxaa dareemi kartaa dheecaan ibta ka yimaado, qanjirrada saracda ku jira oo barara IWM.

Laakiin caabuqaan xininyaha markuu bilawga yahay waxaa lagu yaqaanaa qandho iyo xanuun siyaado ah oo qofku la miirdaboolmi karo xaaladaha qaar.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?

Markuu xanuunkaan cusub yahay waa in qofka sida ugu dhakhsiyaha badan saacado gudaheeda lagu bilaabo qallajiyo cirbad ah ama kaneeni
▪︎Ciprofloxacin.
▪︎Levofloxacin iyo kuwa ay isku kooxda yihiin ee loo yaqaano "Quinolones".

Hadduu jeermisku yahay "Virus" sida midka qaamo-qashiirka oo kale, qallajiye waxba k**a taro waa in qofka la siiyo xanuun baab'iye, barar dajiye, qofkuna uu helo nasiino badan, hadduu dhaktharka ka shakkiyo in fayras iyo bakteeriyo labaduba isla socdaan waa in qallajiyo lagu daro daaweynta qaamo-qashiirka xiniinyaha.

Haddii aan la daaweyn maxaa dhacayo?
Xanuunkaan wax ka qabadkiisa waxay ku fiican tahay maalmaha h**e ee caabuqu cusub yahay, hadduu qofku daawo qaadan amaba ku baraarugin inuu dhakhtar u tago, afar mid ayay noqotaa xaaladdu:

1.In caabuqa u gudbo xiniinta kale oo labaduba saameeyo oo malax gashato qooraha "Scrotal Abscess" taasoo qalliin degdeg ah u baahan.

2.In caabuqa iskiis u yaraado, laakiin dhibku uu weli jirka ku jiro taasoo ka dhalan karto in xiniinto baaba'do ama shuuqdo markaasoo isu badasho xaaladda loo yaqaano "Testicular Atrophy", markay xaaladaas timaadane xiniintu way howlgabtaa, shahwadiine hoos ayay u dhacdaa tiro iyo tayo ahaanba, qofkane wuxuu noqdaa madhalays.

3.Caabuqa oo noqdo mid raago oo xaniintu biyo gashato taasoo iyaduna isu badalayso xaalad kale oo loo yaqaano "Hydrocele", iyaduna waxaa lagula tacaalaa qalliin fudud oo lagu saarayo biyahaas.

4.Marar dhif ah caabuqa xiniinta wuxuu u gudbaa qooraha iyo inta ku hareeraysan, wuxuuna caabuqaas keeni karaa in xubnaha kale u keeno waxa loo yaqaano "Gangrene" oo ah caabuq si dhakhso ah ku faafo, xaaladaasne waa in si degdeg ah banaanka loogu soo saaro xiniinta inta aysan dhib kale keenin ama isbadalin.

Fadlan la wadaag asxaabtada si ay uga fa'ideystaan

Medical Students

Waxaan casharkeena maanta ku soo qaadanaynaa mawduuc muhiim u ah bulshada taasoo dad badani aysan ka war haynin, siyaabo...
05/03/2023

Waxaan casharkeena maanta ku soo qaadanaynaa mawduuc muhiim u ah bulshada taasoo dad badani aysan ka war haynin, siyaabo khalad ahne loo fasirto.

Wan hubaa hadad aqrisato inad la yaabi doonto.

Waxaa casharkaan loo yaqaanaa "isqaadasho la'aanta dhiigga lamaanaha" waa cillad ka timaada nuuca dhiigga lamaanaha isqaba oo is diidan taasoo saameyn ku leh cunuga ay dhali doonaan. Cilladaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Rh Incompatibility".

Sida aan wada ognahay dhiigga wuxuu u kala baxaa "A, AB, B, O", kadibne mid walba waxaa loo sii kala qeybiyaa (+ iyo -), markaasi waxaa soo baxaya 8 nuuc oo kala ah "A+, A-, AB+, AB-, B+, B-, 0+, 0-".

Haddii aabo dhiigiisu yahay (+) uu guursado hooyo dhiigeedu yahay (-), kadibne hooyadu ay uurka ku qaado cunug aabaha ku dhiig ah oo (+) ah waxaa dhacda in cunugaasi uu badbaado marka ugu horayso maadaama dhiigga hooyada uusan ku baraarugin dhiigga uurjiifka, laakiin marka ay foolanayso ayaa labada dhiig isgaaraan, kadibne difaaca jirka hooyada ayaa heegan buuxa la galiyaa si wixii markaas ka dambeeyo hadday markale qaado cunug dhiigiisu yahay (+) in la weeraro isagoo uurka ku jira, sidaasne cunuga ku dhex dhinto minka gudihiisa bilaha dambe uurka ama markuu soo baxo maalmo ka dib. laakiin hadduu uurjiifka ku dhiig yahay hooyada (-), wuu badbaadaa.

Cilladaani waa mid caalamku u wada siman yahay, waxaana looga hortagaa in hooyada la siiyo cirbad tallaal oo kale ah bilaha ugu dambeeyo uurka ama isla marka ay dhasho si difaaca jirkeeda loo hilmaansiiyo dhiigga uurjiifka, sidaasne uurka xiga ku badbaado.

Nasiib xumo hooyooyina badan lama soo xiriiraan xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka amaba lagama helo meelaha ay ku nool yihiin sidaa darteed arintaan dad badani kuma baraarugsana, hooyooyin badanne way ku waayaan caruurtooda iyagoo aan ogayn, waxaana dhimashada caruurtaasi isku xigxiga loo saariyaa in hooyada la sixray, la ileystay ama jinni hayo, khaasatan markuu ninka guursado haween kale oo ay u dhasho ilmo caafimaad qaba.

Way dhib badan tahay in waalidiintaas laga dhaadhiciyo in cillad nuucaan ahi inay jirto taasoo keeni karta in ilmuhu dhiman doonaan, sababtoo ah waxaa laguu arki karaa qof ka hadlayo arrimo qarsoon oo Alle u gaar ah.

Dhibka kale oo jira ayaa ah in cirbadaan qaali tahay, dadka badankoodne aysan awoodin, meel kastane aan laga heli karin, una baahan tahay in lagu xifdiyo qaboojiye.

Haddii hooyadu uur qaado iyadoo aan cirbadaas la siinin, waa inay la soo xiriirtaa xarumaha caafimaadka laga helo dhakhtar ku takhassusay uurjiifka iyo dhallaanka, sababtoo ah waxaa laga yaabaa uurjiifkaasi in dhiigayri aad u daran ku dhacdo, markaasne u baahdo in dhiig lagu shubo isagoo uurka ku jira ama in qaaliin lagu dhaliyo waqti h**e si loo badbaadiyo haddii sambabadiisu ay koreen.

Fadlan haddii aad garanaysid hooyo caruur isku xigxiga iyagoo mayd ah dhashay ama foosha ka dib dhinteen ku wacyi geli jiritaanka xaaladaan si ay dhakhtar u la xiriirto loona baaro nuuca dhiigeeda iyo kan ninkeeda.

Fadlan la wadaag asxaabtada si ay uga fa'ideystaan

Medical Students

03/01/2023

- Tention Pneumo Thorax
Wa video dareenkisa wata
Bal halmr ila daawo adaa ka heli doonee
Plz inoo dheh

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daryeel Caafimaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram