05/05/2026
Maanta oo ku beegan International Day of the Midwife, waxaan si gaar ah u xusnaa dadaalka, naxariista iyo geesinimada umulisoyinka oo door weyn ka qaata badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka.
Isbitaalka Takhasusiga ee Somali Syrian ,waxaan ku faaneynaa umulisadeena oo si hagar la’aan ah ugu adeegaya bulshada, iyagoo hubinaya in hooyo kasta hesho daryeel ammaan ah inta lagu jiro uurka, dhalmada iyo kadib.
Umulisadu waa halyeeyo aamusnaan ku shaqeeya—mahadsanidiin dadaalkiinna joogtada ah iyo naf-hurnimada aad u leedihiin badbaadinta nolosha.