11/05/2026
Sawiro Qeybta 2-aad:
Gudiga Gurmadka Abaaraha iyo Ururka Ardayda Caafimaadka ayaa deeq isugu jirta bacaha roobka laga galo iyo adeegyo caafimaad gaarsiiyay qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool deegaanka Lofoole ee duleedka magaalada Mogadishu.
Gargaarkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dadka danyarta ah ee ay saameeyeen duruufaha nololeed iyo roobabka, iyadoo sidoo kale la bixiyay adeegyo caafimaad iyo wacyigelin bulshada lagu caawinayo.
Masโuuliyiinta gurmadka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaagga bulshada nugul si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo barakaca.