Dr. Abdirahman Ahmed

Dr. Abdirahman Ahmed Director of Health, Banadir Region

10/05/2026

Qudbaddii maanta ee Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud runtii waxay ahayd qudbad taabaneysa dhinacyo badan. Waxa uu si cad uga hadlay guulaha laga gaaray doorashooyinka qof iyo cod, iyo sida dalku ugu sii socdo horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo muwaadinku fikraddiisa si xor ah u cabbiri karo una banaanbixi karo.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta amniga iyo xasilloonidu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo dimuqraadiyad dhab ah.

Ha guuleysato dimuqraadiyadda, nabadda iyo ilbaxnimada

10/05/2026

Bulsho nabad haysata waxay dhistaa mustaqbal, halka colaaddu dumiso rajada jiilasha.

10/05/2026

Shacab iyo siyaasi Waa is fahmeeyn yaa xabada loo dhigaa!

Bananbax majiree foodada naga daaya.

10/05/2026

Dhalinyarada badbaadda maanta waa hormarka ummadda berri.

Alle ha dhowro dhalinyaradeenna.

07/05/2026

Maanta waa maalin weyn.

Waxaan heshiis is afgarad ah la saxiixday Machadka Caafimaadka Muqdisho (MIH), heshiiskan oo ku saabsan iskaashi dhinacyada cilmi baarista caafimaadka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Iskaashigan wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa tayeynta adeegyada caafimaadka iyo horumarinta nidaamka caafimaadka ee Gobolka Banaadir.

Maanta waxaan si rasmi ah u daahfurnay olole ballaaran oo wax looga qabanayo carruurta ku dhalata xanuunnada wadnaha, an...
05/05/2026

Maanta waxaan si rasmi ah u daahfurnay olole ballaaran oo wax looga qabanayo carruurta ku dhalata xanuunnada wadnaha, anagoo kaashaneyna Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese Specialized Hospital.

Waxaan ballanqaadayaa in dhammaan carruurta la ildaran xanuunnada wadnaha ay heli doonaan baaritaan iyo daaweyn lacag la’aan ah, si loo yareeyo culayska caafimaad iyo mid dhaqaale ee saaran qoysaska Soomaaliyeed.

Ololahan waa mid muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo gaarsiiyo bulshada adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Waxaan sidoo kale xaqiijinayaa in aan sii wadi doono hirgelinta adeegyo caafimaad oo bulshada si toos ah uga faa’iideysaneysa, anagoo raacayna tilmaamaha hoggaanka sare, si adeegyo tayo leh loo gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.Allaha u naxariisto Abkow Cali Afrax Xasan oo maanta ku geeriyooday Isbitaalka ...
04/05/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Allaha u naxariisto Abkow Cali Afrax Xasan oo maanta ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Allaha ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, kitaabkiisana gacanta midig ha ka siiyo.

Ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxay waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh.

Samir iyo iimaan Allaha naga siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Waa tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo caafimaadka carruurteena.Farxad gaar ah ayay ii tahay, iyadoo la xusayo Todoba...
25/04/2026

Waa tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo caafimaadka carruurteena.

Farxad gaar ah ayay ii tahay, iyadoo la xusayo Todobaadka Tallaalka, in aan booqanno xarumaha ay ku badan yihiin barakacayaashu si loo gaarsiiyo adeegyada tallaalka carruurta ka yar 5 sano, loona xoojiyo dadaallada kor loogu qaadayo tallaalka.

03/04/2026

Maanta Baydhaba maloo kala harin!

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ilaa xildhibaano uu kamid yahay Hon. Mohamed Cajiib iyo dhammaan mas’uuliyiin ayaa isugu yimid.

Waa maalin taariikhi ah oo muujinaysa midnimo, wadatashi iyo dadaal lagu xoojinayo mustaqbalka Koonfur Galbeed.
Baydhaba maanta waa xarunta go’aannada waaweyn. 🇸🇴

30/03/2026

Maanta hoggaan la hubo baa yimid,
Mid milgaha dadkiisa meel sare dhigay.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud waa mas’uul dhab ah,
Midnimo iyo maamul sugan horseeday.

Soomaaliya soomaali baa iska leh🇸🇴

Heybaddu waxay ku leedahay dhulkaaga hooyo.
28/03/2026

Heybaddu waxay ku leedahay dhulkaaga hooyo.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdirahman Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category