03/03/2026
🇬🇧 🇺🇳 Xoojinta Iskaashiga
Ku Simaha Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud ahna Madaxa UNSOS, Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa maanta xarunta UNSOS ku qaabbisay G/Sare Richard Grover, Taliyaha Hawlgalka Militariga ee UK in Somalia.
Booqashada ayaa ku soo dhammaatay saxiixa Heshiis Is-Afgarad oo rasmiyeynayo adeegyada taageerada UNSOS iyo deegaanka Hawlgalka Militariga UK ee xerada gudaheeda, si loo xoojiyo isku duwista iyo iskaashiga hawlgaleed ee lagu taakuleeyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.