Somali Sudanese Specialized Hospital

Somali Sudanese Specialized Hospital The Somali Sudanese Specialist Hospital is a Somali-owned hospital registered by the Ministry of Heal
(1)

06/01/2026

Xooggaaga dib u hel, dhaqdhaqaaqaaga soo celi, noloshaada-na dib u hagaaji. 💪✨

Booqo Xarunta Fisiotherapi-ga ee Somali Sudanese Specialized Hospital, halkaas oo diyaar kuugu yihiin dhakhaatiir khibrad leh kuwaas oo kusiin doono adeeg aad kuqanacdo.

06/01/2026

Prof Dr. Ahmed Hashim, wuxuu qabilsanyahay suuxinta casriga ah waa mid kamid ah hoolwadenada qeebta Qalliinka Wadnaha Furan (Open Heart Surgery) ee Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese, kaas oo wareysi kooban ku sharaxaya khibraddiisa shaqo, doorkiisa qalliinnada wadnaha, iyo sida ay uga go’an tahay badbaadinta nolosha bukaannada.

05/01/2026

Dr. Mohamed kandil, waa mid kamid ah hoolwadenada qeebta Qalliinka Wadnaha Furan (Open Heart Surgery) ee Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese, kaas oo wareysi kooban ku sharaxaya khibraddiisa shaqo, doorkiisa qalliinnada wadnaha, iyo sida ay uga go’an tahay badbaadinta nolosha bukaannada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa u dooratay Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese inuu kamid noqdo xa...
05/01/2026

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa u dooratay Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese inuu kamid noqdo xarumaha caafimaad ee bixin doono adeegyada ay ubaahan yihiin Xujeyda Soomaaliyeed. Isbitaalku waxa uu bixinayaa adeegyo caafimaad oo dhameystiran, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Baaritaan caafimaad oo dhameeystiran (full medical check-up)
Bixinta shahaadada caafimaadka safarka (Medical Fitness Certificate)
La-talin caafimaad oo xirfad sare leh
Adeegyadani waxay hubinayaan in Xujeydu u safraan iyaga oo leh caafimaad wanaagsan iyo kalsooni buuxda.




05/01/2026

Waxaa si rasmi ah loo daah-furay barnaamijka baaritaannada caafimaadka xujeyda Soomaaliyeed. Daah-furka waxaa ka qeyb galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, iyo maamulka Isbitaalka Somali Sudanese, kuwaas oo si wadajir ah u xaqiijiyay muhiimadda barnaamijkan oo xooga lagu saarayo daryeelka caafimaad ee xujeyda. Isbitaalka Somali Sudanese, oo ku suntan tayada iyo hufnaanta adeegyada caafimaad, ayaa bixiya baaritaanno dhameystiran iyo la-talin caafimaad oo xirfad leh, si loo hubiyo in xujeydu caafimaad ahaan u diyaar yihiin ka hor inta aysan gelin safarka Xajka.

04/01/2026

Munaasabada Daahfurka Xarunta Qalinka Wadnaha Furan ee Isbitalka Somali Sudanese.










04/01/2026
04/01/2026
04/01/2026

Qaybta Wadnaha ee Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese waxay bixisaa adeegyo casri ah oo lagu daryeelo caafimaadka wadnaha, iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah iyo dhakhaatiir khibrad sare leh. ❤️






Xafladda daah-furka Xarunta Qalliinnada Wadnaha Furan waxaa marti-sharafta imaan doonta kamid ah Professor Dr.Elhussieny...
03/01/2026

Xafladda daah-furka Xarunta Qalliinnada Wadnaha Furan waxaa marti-sharafta imaan doonta kamid ah Professor Dr.Elhussieny Gamal, oo ah madaxweynaha ururka masar ee qaliinka wadnaha, ahna madaxa gudiga masar ee qaliinka wadnaha.


03/01/2026

Xafladda xiritaanka qalliinnada carruurta ku dhasha cilladda wadnaha daloolka ayaa si rasmi ah loogu qabtay Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese.








Address

Hodon Distract
Mogadishu
HODANSONAKEY

Telephone

+252613233333

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Sudanese Specialized Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category

wacyi Galinta Dhibatada Tubakada

#Anti-Tobacco Day 31-5-2018

#Dhibaatooyinka Tubaakada

#Tubaakada sida Sigaarku wuxuu bulshada ku hayaa dhibaato baaxad wayn leh, dhakhtar kasta iyo cilmibaare kasta waxay isku waafaqsan yihiin inuu caafimaadka halis u yahay, laakiin sidaas ay tahayne, isticmaalkiisu maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii kordhayaa, waa maandooriye halis ah oo hadduu qofka qabatimo ay adag tahay inuu joojiyo, mar walbana marka ka sii dambaysa, isticmaalkiisu wuu sii kordhiayaa illaa uu noloshaada oo idil la wareego.