Dr mudaale omar

Dr mudaale omar THIS PAGE IS MY FACEBOOK PAGE THAT I WILL SHARE WITH U THE BEST HEALTHY EDUCATION THAT NEEDS OUR COMMUNITY

Gobalada soomaaliya   waxaa fara ba,an ku haya xanuunka daafka oo ay ka mid tahay Caasimada  Soomaaliya  ee Mugadisho  i...
08/05/2024

Gobalada soomaaliya waxaa fara ba,an ku haya xanuunka daafka oo ay ka mid tahay Caasimada Soomaaliya ee Mugadisho iyo magalada baled weyn

Daafku waa caabuq ku dhaca indhaha qeybtooda cad, waxaana lagu gartaa indhaha oo gaduuto, cuncun ama dheecaan indhaha ay yeeshaan kaas oo noqon kara mid adag ama mid biyo oo kale ah.

Waxyabaha keena waxaa ka mid ah feyriska,bakteriyada iyo caabuqyada kala duwan ee ku dhaca indhaha.
Balse sida hada uu ufaafaya Daafka waxey ubadan tahy in uu keenay Virus .

Astaamaha lagu garto daafka waxaa kamid ah

●Cun cun indhahaha ah.
●Habeenkii oo isku dhagaan indhaha.
●dheecan midibkiisa badalan yihin oo ka yimaada indhaha.
●Indho xanuun.

Haddaba Toloyinkaan qaado Si aad ugu hor tagto
1.Ha ku taaban indhahaaga gacmahaaga hadi ah ku cun cunaan .

2.Dhaq gacmahaaga marar badan siba markad gurigaada galeysid ama gobtaada shaqo .

3.Isticmaal shukumaan nadiif ah .

4.Ha lawadaagin sheyaasha adiga ku gooni ah cid kale sida Okiyalaha .

5.Ha la wadaagin waxyaabaha indhaha la isku qurxiyo ama waxyaabaha gaarka ah ee daryeelka indhaha Siba gabdhaha Isticmaala salonada

6. Hadi aad dareenta xanun ama indhaha oo isku dhagaha u tag dhakhtarkaaada waxaa laga yabaa in uu ku qoro boomaatada indhaha sida TTC ama uu ku siiyo goojada indhaha lagu dhibciyo.

Dr mudaale omar
Share pls

Faa'iidooyinka caafimaad ee biyaha la cabbo.Biyuhu waxay muhiim u yihiin nolosha, waxay qayb ka qaataan caafimaadka jidh...
07/05/2024

Faa'iidooyinka caafimaad ee biyaha la cabbo.

Biyuhu waxay muhiim u yihiin nolosha, waxay qayb ka qaataan caafimaadka jidhka.

Biyuhu waa dareere lagu qaso ama lagu qaso walxo kale calaamada biyuhuna waa hal mayl oo guud.

Jidhka bani aadamka 50% ilaa 70% waa Biyo

Tusaale:\n

Carbohydrates, borotiinada, macdanta, fiitamiinnada biyaha ku milma, iyo nafaqooyin kale oo badan ayaa ku milma biyaha qaybaha ugu muhiimsan ee dhiigga ku jira biyaha taas oo ka dhigaysa in dhiiggu beddel u noqdo dhammaan qaybaha jidhka.

Faa'iidooyinka Bihuyu u leeyahay jirka:

1. Waxay jidhka ka saartaa wasakh iyo kiimikooyin sun ah si ay wasakhda uga saarto.

mar 2aad. Markii 2aad Waxay ka qaybqaataan ilaalinta iyo ilaalinta heerkulka jikada.

3.\n Waxay baahiyaan oo qaybiyaan nafaqooyinka si ay u gaadhaan unugyada jidhka.

4.\n Waxay abuuraan bay'ad ay ku dhacaan fal-celinta kiimikaad ee jirka.
Waxa kale oo ay ka qayb qaataan fal-celin kiimikaad oo badan ( falcelin kiimikaad ) oo ku dhaca qaybaha kala duwan ee jidhka.

5 . 5 Waxay leeyihiin astaamaha olyo oo ka ilaaliya dalagyada inay is xoqaan. Tusaale ahaan biyuhu waxa ay fududeeyaan in la maro cunaha iyo qaybaha kale ee habka cuntada.

6-da maalinta. Waxay qoyan oo qallajiyaan habka neef-mareenka (mareenka neefsiga), mareenka caloosha iyo mindhicirka, iyo kaadi mareenka iyo kaadi mareenka (Urogenital tract) iyo sidoo kale maqaarka iyo indhaha

Fasalka 7aad. Waxay ka mid yihiin kiimikooyinka ugu caansan dhiigga waxayna ilaaliyaan mugga iyo xaddiga dhiigga.

8. Waxa ay muhiim u yihiin hawlaha xubnaha jidhka sida kelyaha oo kale.

9.\n Tani waa sida loo maareeyo oo loo dhimo miisaanka.

Dr mudaale omar

Malabka iyo toonta oo la isku haayo in mudda ah waa hub culus oo u fiican jidhka.Malabka iyo toonta waxey dillaan caabbu...
06/05/2024

Malabka iyo toonta oo la isku haayo in mudda ah waa hub culus oo u fiican jidhka.

Malabka iyo toonta waxey dillaan caabbuqa ku dhaca jidhka sidoo kale waxey nadifiyaan xubnaha jidhka waxeyna saraan sunta ku harta jidhka.

Alaabtan waxay dawo u tahay xanuunadda dillaaga ah sida dhiig karka,subag xun ee jidhka ku Badta (cholesterol) iyo infectionada kala duwan ku dhaca jirka

Malabka iyo toonta waxey kor u qaddaan difaaca jidhka waxayna ka hortagtaan xanuunadda faafa sida hargabka iwm ah.

Malabka iyo Toonta waxaa la is isticmaleyay qarniyo baddan haddii aad joogteysid isticmaalka malabka iyo toonta, waxaa laga yabaa in aad ka badbaaddid cudduro baddan oo ay kamid yihiin kancerka oo wayahan faro addag ku haya ummaddeena.

NB:✓Haddii aad allergy ku tahay malabka iyo toonta iska dhaaf oo ha isticmaalin

✓Haddii uu laabjeex kugu keenayo Malabka iyo Toonta la cab caanno dhey ah oo qabboow si uu laabjeexa kaga yaraado.
Dr mudaale omar

Share pls

𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐚𝐝𝐚𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐥𝐢𝐢𝐧𝐝𝐡𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚Liin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada  waxay qani ku tahay oo aad...
05/05/2024

𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐚𝐝𝐚𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐥𝐢𝐢𝐧𝐝𝐡𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚
Liin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitamin C sido kale wax ku jiro xaddi dhexdhexad ah fiitamiin Pantothenic acid (B5) , iyo Vitamin (B6) , Riboflavin (B2) iyo Folate (B9).
sido kale waxa laga helaa macdanta : iron
Liin dhanaata waxa nafaqo badan nooca jaalaha ah (lemon) marka la barbardhigo nooca cagaarka ah (lime).
1.waxay xoojisaa difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan ee fiitamiinada kujiro liin-dhanaanta sida vitamin C waxay sare u qaadaan difaaca jirka
2.waxay yaraysaa infekshan-ka jirka iyo caabuqa : fiitamin C wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka
3.waxay ka hortagtaa dhiig yarida :waxaa kujiro fiitamiinka Folate (folic acid) iyo macdanta iron oo ka qayb qaato samaysanka iyo kobcida unugyada dhiigga cascas
4.waxay ka qayb qaadataa bogsoobida dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon
5.waxay u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysanka iyo bad qabka maqaarka
Dadka ay u fiicantahay isticmaalka liin dhanaanta :
1.Dadka dhiig yaridu hayso (HB)
2.Dadka difaaca jirkoodu yaryahay
3.Dadka in infekshan-ka iyo caabuqa qabo
👉𝐆𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢 Ama 𝐌𝐞𝐧𝐭𝐢𝐨𝐧 Dheh Asxaabta si Eey uga faaideystaan.👈
𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞- dheh wll

06/02/2024

Ilmaha hadalka ka daaha

Marka ay da'doodu tahay 18 bilood ilmahu waa in uu hadli karo sida aabe ,hooya aqoonsa kara walalaha kala la dhashay magacyadooda ,sheegan karana waxa uu ubahan yahay ,
balse waxaa jirta 20% ilaa 25% carruurta ayaa dib u dhac ku yimaadda luqadda qeexan (wax yar ama kelmado lagu hadlo)ayado aysan jirin maqnaanshaha neerfaha, dareenka, ama garaadka garaadka.
Qaar badan oo ka mid ah carruurtan waxay noqon doonaan " ubaxyada soo daaha " oo aakhirka yeeshaan luqad ku habboon; si kastaba ha ahaatee, 5% ilaa 8%, dib u dhac ku yimaadda horumarinta luqaddu way sii jiraan inta lagu jiro sannad dugsiyeedka iyo ilaa qaangaarnimada.
Sababha ugu badan eekana hadaan somali nahy waxa kamid ah ilmahi aan lala sheekeysan ama hadalka labarin iyo in ilmaha lagu ciyaarsiyo mobile ama TV ayna laqabsadan .

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮  𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)Koostadu waxa kujiro  dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamii...
06/02/2024

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)

Koostadu waxa kujiro dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamiinada : vitamins K vitamin A vitamins C Folate (B9)
Macdanta : manganese calcium, iron, sidoo kale Koostadu waxay leedaahay vitamins K iyo vitamin A aad u badan .

1.Waxay xoojisaa Aragtida isha : vitamin A kujiro koostada wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida aragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka .

2. Waxay xoojisaa Lafaha : waxa kujiro vitamin K aad ubadan oo ka qayb qaato samaysanka lafaha iyo aktiif (active ) gayaynta borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro macdanta calcium .

3. Waxay kor uqaadaa caafimaadka Unugyada jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka

4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka : waxa ku jiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha .

5. Waxay u fiicantahay Difaaca jirka : waxa kujiro vitamin A iyo vitamin C oo dowr muhiim ah ka qaato shaqada difaaca jirka .

6. Wuxu u fiicanyahay xinjiraynta dhiigga : vitamin K kujiro wuxu ka qayb qataa xinjiraynta dhiiga isagoo aktiif (active) ka dhigo cunsurada(factors) qaabilsan xinjirowga dhiiga.

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞-𝐝𝐡𝐞𝐡 si ay uga faaideystaan guud ahaan bulshada.

Caafimaadka iyo Nafaqada

Mowduuca dhiiga caadada iyo dhibatootunka uu leyahay Waa maxay dhiga caadada ?  Dhiga caadada waa dhiga ka yimada dumark...
03/11/2023

Mowduuca dhiiga caadada iyo dhibatootunka uu leyahay

Waa maxay dhiga caadada ?

Dhiga caadada waa dhiga ka yimada dumarka waana astaanta lagu garto gabadh qan gaaray.

Dhiga caadada bishii mar ayuu ku dhacaa gabdhaha ,waxa uuna hayaa ilaa 4 maalmood ama 5, 6,7 ilaa 14 cisho waana meesha ugu badan ee dhiiga hayn kara Wixii intaa ka badan 14 cisho lama oran karo waa dhiiga caadada ee wuxuu noqon karaa waxyabo kale sida in ay jiraan xanuuno ama buro ka soo baxda minka.

Waxa jir dhibatooyin badan oo laga dhaxli karo dhiiga caadada.

Waxaa loo kala qadaa laba qeybood ?

✓Haddii ay gabadha gudan tahy qaasatan gudninka firconiga waa mashaakilad ugu badan ee haysta gabdhaha Soomaaliyeed haddana u keena caado wareer iyo dhiiga oo ay iska wayaan.

Waxanna ka mid ah dhibaatoyinkaas in gabdha uusan ka soo bixin dhiga caadada sababtoo ah waxaa la isku talo garaa afka dhiiga soo mara iyo maqaarka taas oo marka danbe sababeysa dhiiga oo la waayo iyo dhiig wareer.Xanuun aad u daran oo ay gabdhu dareento gar ahan xundhurta iyo dhabarka ,

✓Xaalada labaad waxay ku imaani kartaa gabadha suniga ah oo la ildaran caabuq kaga dhaca xubnaha taaranka sidoo kale waxay isku argi karaan iyagoo aan qabin wax caabuq ah in ay ku jiradaan dhiiga caadada waxaana lagu sababeeyey is badal ku yimid hormoonada oo qarkood si xowli ah loo soo deyo

}}}}}}}} Talo guud {{{{{{{

Marka h**e yaqiinso xaalda aad ku sugan tahay ama haddii aad isku aragtay astaamaha aan kor ku soo xusay waxaad u bahan tahay in aad taladan qaadatid.

-Cab shah kulul.
-Badso socodka.
-isku dey in aad howsha guriga wax ka qabatid,
-Qado baaf kuna shubo biyo diirin ka dibna gasho lugaha kuna hay ilaa 30 daqiiqo.
-Ha cabbin wax qaboow.
-Ha cunin baraf ha cunin jalato.
-Xanuunka hadii uu saaid kugu yahay cun paracetamol, Paracetamolku waa xanuun baabiye haddii uu wax kaa tari wayo paracetamolka ku badalo ibuprofen.
-Boorso biyo kulul ku shub kaddibna saaro meesha ku beegan gumaarka iyo minka si xanuunka hoos kaga dhaca.

La sii wadaag asxaabtaada 🌹❤️

TALOYIN KUSAABSAN GAASKADigirta ama cambuulada waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay ku dareemaan gaas, si digirta aysan u ...
02/11/2023

TALOYIN KUSAABSAN GAASKA

Digirta ama cambuulada waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay ku dareemaan gaas, si digirta aysan u kicin gaas calooshana u bixiso, dheefshiidkuna ugu fududaato in uu shiido digirta qofku waa qasab in marka digirta uu cunaayo uu ku cabo wax kulul sida shaah kulul taas waxay saacidaysaa in gaasna aadan dareemin marka aad digirta cunto saxaraduna kuu jilacdo

Gaaska – waa qalad caafimaad ahaan in aad liin dhanaan cunto cuntada kahor sidoo kale cunista kiin dhanaanta xilliga qadada waa sababta ugu wayn gaasku qofka ugu kaco, ku cun lin dhanaan ama cab liin dhanaan marka aad cashayso kadib, liin dhanaanta la cabo ama la cuno habeenkii waxay sifaysaa aash*tada caloosha sidaa darteed marnaba cuntada kahor ha isticmaalin liiin dhanaan, liin dhanaantu cuntada kadib ayaa wanaagsan in qofku cuno ama cabo

Hadii aad gaas qabto talada ugu fiican dhakhaatiirtu siiyaan qofka gaaska qaba waa inuu subaxdii marka uu kaso kaco cabo malab. Marka gaaska lagu daawaynayo malab waxaa wanaagsan inaad cabto subaxdii adigoo baahan sababtoo ah malabku wuxuu kala filtareeyaa dhacaamada dheefshiidka, malabka aad isticmaalayso waa inuu ahaado malab saafi ah, malab caddaha ayaana sii wanaagsan

Inta badan wadna xanuunka iyo oodimaha waxaa keeni kara cudurada dheefshiidka sida gaaska ama infakshanada xameetida. Xalka ugu fiican ayaa ah in inaad subax iyo habeen maalintii laba waqti cabto shaah qarfuhu ku badan yahay. Qarfuhu waa maadada ugu muhiimsan socodka dhiiga isku dheelitirta sidoo kale qarfuhu wuxuu sifeeyaa dheefahiidka wuxuuna meesha ka saaraa halista gaaska, wadna xanuunka iyo oodimaha

Cabista biyaha qabow waxay faaiido u leedahay
caafimaadkeena gaar ahaan beerka. Cabista Biyaha qabow gaar ahaan subaxdii waxay si gaar ah daawo ugu yihiin cudurada dheefshiidka ku dhaca sida gaaska, infakshanka xameetida, dhagaxaanta ku samaysma xameetida iyo cagaarshowga. Hadii aad qabto gaas daran ama.cudurada beerka iyo dheefshiidka ama caloosha ku fadhiso taladan muhiim ayay ku tahay

Thanks share pls si logu wada faa,ideysto

Faa’iidada caafimaad-ka    (carrot)Karootada waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada  waxay qani ku tahay oo aad ugu ...
02/11/2023

Faa’iidada caafimaad-ka (carrot)
Karootada waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitamin A

1.Waxay xoojisaa isha : vitamin A kujiro carootada ka wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida ragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka

2.Waxay ka qayb qaadata jirka: fiitamiinada ku jiro waxay saacidaan samaysanka borotiinada ka qayb qaato korniimada jirka

3.Wuxuu kor uqaadaa caafimaadka jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka sida isha caloosha, mindhicirada ,sanbabka ,kaadi haysta ,maaqaarka, iyo kuwo kale
4.waxay u fiicantahay : waxana kujiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha

5.waxay u fiicantahay jirka : fiitamiin A wuxuu dowr muhiim ah ka qaataa shaqada difaaca jirka
6. Waxay u fiicantahay hanaan ka iyo samaysan abuurmayo

7.Wuxu ka hortagaa qallalida iyo engegida

❤ ❤
🔻

ASBAABAHA Keena Calool Istaagga, Khataraha Ka Dhalan Kara Iyo Sida looga Hortago!Calool istaagga oo ah dhibaato ay dad a...
29/07/2022

ASBAABAHA Keena Calool Istaagga,
Khataraha Ka Dhalan Kara Iyo Sida looga Hortago!

Calool istaagga oo ah dhibaato ay dad aad u badani ka cawdaan, ayaa ay dhaakhtiirtu caddeeyeen in uu calaamad u noqon karo xaalad caafimaad darro oo qofka haysa, iyo in uu keeni karo xaalado khatar ah.
Inkasta oo ay dadku ku kala duwan yihiin inta jeer ee uu qof kasta qashin qub samaynayo, haddana marka si guud loo qiimeeyo celcelis ahaan haddii qofku uu toddobaadkii wax saddex jeer ka yar saxaro u fadhiisto, isla markaana saxaradiisu ay tahay mid ingagan oo adag, ama uu mararka qaarkood dareemo in ay si dhib ah ku soo dhaafayso, waa calaamado uu ku garan karo in calool istaag uu hayo.

SABABAHA KEENA CALOOL ISTAAGGA
CILLAD KU TIMAADDA DHAQDHAQAAQA MIDHICIRADA LOOGA BAAHAN YAHAY:

Dhaqdhaqaaq iyo urur ay sameeyaan muruqyada darbiyada midhiciradu ayaa dhaqaajiya saxarada.
Inta ay saxaradu dhex marayso midhicirad, waxa ay midhiciradu leedahay awood ay kaga nuugta biyaha iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay, ee saxaradaha la socda.
Haddaba haddii dhaqdhaqaaqaas midhiciradu uu yaraado ama joogsado waxa uu macnaheedu noqonayaa in saxaradu ay muddo meel taagnaato. Taagnaantaas badanina waxa ay sababaysaa in midhiciradu ay ka nuugto biyo iyo macdano ka badan intii ay ka nuugi lahayd haddii ay saxaradu h**e u dhaafayso. Sidaa awgeed ay aad u adkaato saxaradu. Waana markaas marka uu calool istaaggu dhacayaa.
Waxa kale oo keeni kara qofka oo ay ku yaryihiin cuntooyinka galka leh iyo cabbitaanka biyuhu.
Waxa ay khubaradu sheegayaan in galka cuntadu uu saxarada u sameeyo dhumuc, isla markaana uu midhicirada ku keeno dhaqdhaqaaqa. Halka biyuhuna ay ka hortagayaan in saxaradu ay ingagto.
HAB NOLOLEEDKA CASRIGA AH:
Hab nololeedka qofka oo noqda mid aan caafimaad ahaan saxnayn ayaa isaguna ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena calool istaagga. Tusaale ahaan qofka oo fadhigu ku badan yahay, isla markaana aad u isticmaala cuntooyinka sida degdegga ah loo diyaariyo (Pizza, Burger, Sandwich iwm), cuntada aan galka lahayn. Iyo sida oo kale biyo cabbista oo ku yaraata qofka.
Mashquulka shaqooyinka waqtigan adduunka ka jira iyo waajibkaadka qofka saaran oo badan ayaa sababi kara in qofku uu muddo ka adkaysto tegista suuliga. Waxa kale oo dhacda in aanu waqti ku filan ku qaadan suuliga. Si ay midhiciradu u hesho waqti ay soo riixo saxarada.
Waxaa jira dad waqti badan suuliga ka adkaysan kara iyaga oo u baahan; laakiin waxa aanay waxa aanay inta badan ogeyn in muddadaas ay saxaradu ku sii jirayso midhicirada, in midhiciradu ay wadato shaqadeedii ahayd in ay biyaha iyo macdanaha ka nuugto saxarada, taasina ay mar kasta sii adkaynayso siina ingajinayso saxarada. Sidaa awgeed saxarada oo muddo la xejisto ayaa iyaduna calool istaagga keeni karta.

DAWOOYINKA CALOOSHA JILCIYA

Dawooyinka caloosha jilciyaa waxa ay ka mid yihiin dawooyinka dunida maanta loogu isticmaalka badn yahay. Dadka badankooduna ay ku dagmeen sida degdegga ah ee laga yaabo in dawadu ay qofka saxaro uga keento. Gaar ahaan dadka miisaanka dhimaya oo og in calool socodsiintu ay ka qaybqaadato misaan dhimista.
Saxaradu waxa ay ka qayb qaadataa gubista, xaydha iyo dufanka jidhka, laakiin, cilmi ahaanna waxaa la ogaaday in dawooyinka caloosha lagu jilciyo, oo ay ka mid yihiin kuwa sida shaaha loo isticmaalo, kuwa budada ah, dareeraha kuwa ah ama kiniinku, in qofka ay si degdeg ah saxarada uga keeni karaan. Balse ceebtoodu ay tahay in aanay gubayn dufanka iyo xaydha.

TALOOYIN:
* Dhaqdhaqaaqa jidhka iyo jimicsiga ku dadaal, tusaale ahaan jimicsiga socodka ah, danahaaga aad dhaqso u gaadhi kartana u lugee oo gaadhiga ha raacin.
* Cunto isu dheellitiran cun, gaar ahaan cunto ay ku badan tahay noocyada khudradda, oo ay ka mid tahay khudradda cagaaran, khudradda midhaha ah iyo cuntada galka leh (buunshaha leh).
* Waxaa dadka qaar ku dhacda marka ay si kedis ah u beddelaan nooca cunto ee ay isticmaali jireen, in ay isku arkaan dibbiro iyo naqas badan oo caloosha buuxiya, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in qofku uu dhakhtar la tashado iyo in uu si tartiib-tartiib ah ugu guuro cuntada cusub.
* Maalin kasta cab ugu yaraan 8 koob oo biyo ah. haddii aad jimicsi samayso ama aad ku nooshahay deegaan uu heerkulkiisu sarreeyo waxa aad u baahantahay in aad biyo intaas ka badan cabto.
* Haddii aad cunto gal leh isticmaasho oo aanad biyo badan raacin, waxaa dhici karta in ay calool istaagga sii badiso, ama ugu yaraan waxba ka tari weydo.
* Marka aad xamaamka u baahato dhaqso u tag, oo muddo ha ka sii mashquulin, waayo xijisashada kaadida iyo saxaradu waxa ay dhaawac gaadhsiiyaan quruxda jidhkiisa iyo muuqaalka duleed ee qofka, waxa kale oo uu khatar ku keenaa caafimaadka.
* Haddii calool istaaggaaga uu ku lammaan yahay calool xanuun, saxarada oo uu dhiig soo raacayo ama shuban kedis ah oo haddana mar kale calool istaaggu halkiisii ka sii socdo, ama ay calooshu muddo dheer ku taagnayd, waxaa waajib kugu ah in aad dhaqso dhakhtar ugu tagto.

Plse_________share________like__comments

Hadii Aaad wax kafahantay Plse qeebta comments

Haaa & my

Lawadaag Azxptada hal & labo qof
💓💓💓💓💓💓💓💓💓💓
☝☝ Mahadsanidiin dhamaan ☝ ☝

Dr Mudaale

Address

Mogadishu
2526

Telephone

+252615617190

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr mudaale omar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr mudaale omar:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category