26/05/2021
Allaha u naxariisto Sooraan Ismaaciil Sugulle oo maanta ku geeriyooday magaalada Burco. Sooraan wuxuu ahaa abwaan hal abuure ah, wuxuu kaloo ahaa madadaaliye xirfadiisu sarayso. Riwaayadaha iyo filamada uu sameeyo ay ka tarjumaan waaqaca nololeed ee bulshada. Waa tiir wayn oo ka baxay fanka Soomaalida, wuxuuna baneeyey kaalin wacyi gelin oo ay buuxinteedu muddo qaadan doonto. Allaha u danbi dhaafo, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo ehelkiisa, bahda fanka iyo bulshada Soomaaliyeed. Aamiin.