Healthfy

Healthfy Healthfy : Make your clinic visits cashless paperless and painless

Fitamiinada Dabiiciga ah iyo qudaarta laga helo-------------------------------------------------------------------------...
19/11/2018

Fitamiinada Dabiiciga ah iyo qudaarta laga helo
-------------------------------------------------------------------------

Fatamiinnada waa waxyaabo badanaa jirka uusan samayn laakiin cunnada iyo cabitaananda laga helo, waa walxo muhiim u ah shaqada jirka si aad u hesho nolol caafimaad leh.

Fitamiinnada way badan yihiin, mid walbane wuxuu ka qeyb qaataa shaqo gooni ah ama wuxuu wax u taraa xubin jirka ka mid ah.

Fitamiinka hadduu qofka ku yaraado waxuu dareemaa astaamo u gaar ah fitamiinkaas jirka ka maqan, hadduu qofku xanuusnan yahay ama uusan qaadan karin cunno isku-dheelli tiran ama u baahan yahay fitamiin dheeraad ah sida xililga uurka oo kale waa in uu qaataa iyadoo daawo ah si jirka uu uga faa'idaysto, laakiin intaas haddii aysan jirin oo qofka cunnadiisa isu dheelli tiran tahay, uma baahna kaniini ama sharoobo fitamiin ah.

Fitamiinka oo kugu bato iyadane waxay keentaa dhibaatooyin kale oo caafimaadka waxyeelleen kara.

Fitamiinnada ugu muhiimsan jirka waxaa ka mid ah:
1- Vitamin A: Wuxuu muhiim u yahay caafimaadka indhaha, wuxuu xoojiyaa aragga, wuxuu kaloo ka qeyb qaataa daryeelka ilkaha, lafaha iyo maqaarka.
Qofka markuu ku yaraado waxa ugu horreeyo ee lagu dareemo waxaa ka mid aragga oo daciif noqdo khaas ahaan xilliyada mugdiga sida habeenka oo kale.
Waxaa fitamiinkaan laga helaa korootada, beerka, kalluunka, caanaha khamiirsan, ukunta qeybteeda jaallada ah.

2- Vitamin B1: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Thiamine" wuxuu muhiim u yahay in unugyada jirka ay tamar ka sameystaan cunnada karboohaydaraytka leh, wuxuuna u muhiim u yahay haweenka uurka leh, wuxuu kaloo muhiim u yahay murqaha iyo caafimaadka wadnaha iyo unugyada neerfaha. waxaa lagu fahmaa qofka uu ku yaryahay xanuun barar wadnaha iyo murqaha wadnaha oo weynaado taasoo keento howlgab wadne u gaar ah fitamiin yarida noocaan ah.
Waxaa laga helaa caanaha la qallajiyay sida booraha oo kale, ukunta, digirta, lowska, qamadiga, gallayda, sabuulka iyo masagada.

3- Vitamin B2: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Riboflavin" wuxuu caawiyaa fitamiinnada kale, wuxuuna muhiim u yahay korriinka jirka iyo soo saaridda unugyada cascas ee dhiigga, sidaa darteed dhiig-yarida ayuu ka hortagaa.
Wuxuu kaloo caawiyaa soo saaridda fitamiin B3 iyo B6.
Waxaa laga helaa qudaarta, saladka, koostada, ukunta, caanaha iyo hilibka lo'da, caanaha fadhiga iyo saliidda kalluunka.

4- Vitamin B3: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaannaa "Niacin" wuxuu muhiim u yahay maqaarka iyo neerfaha, wuxuu kaloo si gooni ah uga duwan yahay fitamiinada kale in uu hoos u dhigo dufanka dhiigga ee loo yaqaanno "Kolestaroolka".
Fitamiinkaan waxa jirka ku yareeyo cabidda khamriga, waxaa lagu gartaa markuu jirka ku yaraado dheefshiid xumo, caajis, maqaarka oo si sahlan u dillaaci karo, lalabo, matag iyo diiqad ama niyadjab. markuu jirka uu aad ugu yaraado wuxuu keenaa xanuun loo yaqaano "Pallagra" oo lagu garto maqaarka oo dildillaacsan, shuban badan iyo dhimir beelis.
Waxaa laga helaa afokaadada, ukunta, rootiga badarka laga sameeyay, kalluunka dhanaan, loosta, baradhada macaan iyo hilibka.

5- Vitamin B6: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaannaa "Pyridoxine" wuxuu jirka u sameeyaa unugyada dhiigga cascas, wuxuu kaloo kobciyaa shaqada maskaxda, wuxuu kaloo ku caawiyaa borotiinka in uu jirka ka faaidaysto, wuxuu kaloo caawiyaa farriiimaha dareenka ee neerfaha khaas ahaan kuwa addimaha.
Waxaa jiro daawooyin yareeyo fitamiin-kaan sida daawada tiibishada oo kale, waxaana la siiyaa qofka tiibishada laga daaweynayo daawadaan oo kaniini ah.
Waxaa laga helaa afookaadada, hilibka noocyadiisa kala duawan, digirta, gallayda, mooska iyo lowska.

6- Vitamin B12: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaanaa "Cobalamin" waa fitamiin aad ugu muhiimsan habdhiska neerfaha jirka, wuxuu kaloo caawiyaa samayska unugyada cascas e jirka, qofka markuu ku yaryahay waxaa laga dareemaa dhiig-yari u gaar ah fitamiinkaan oo loo yaqaano "prenicious anemia" iyo dareenka neerfaha loo jirka ka tago khaas ahaan lugaha oo gaari kara heer in qofka u curyaamo dartiis, laakiin nasiib wanaag waa fitamiin jirka uu keydin karo hadduu qofka ku yaraado waxaa laga isticmaalaa keydka.
Waxaa laga helaa hilibka, ukunta, caanaha iyo wixii laga sameeyay, beerka, kilyaha iyo aargoosatada.

7- Vitamin C: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Ascorbic Acid" waxuu muhiim u yaha caafimaadka ciridka, ilkaha, maqaarka wuxuu jirka ku caawiyaa inuu cunanda ka nuugo birta, wuxuu kaloo qeyb muhiim ka ciyaaraa raysashada ama boksoshada nabraha iyo isu keenidda maqaarka, markuu qofka ku yaraado waxa ugu horreeya ee lagu fahmo waa cirridka oo dhiigo wuxuuna keenaa xanuunka "Yiridka" waxaa laga helaa yaanyada, liinta, kabajka, baradhada iyo ananaaska.

8- Vitamin D: Wuxuu ka mid yahay fitamiinnada ay soomaalida safiican u taqaano khaas ahaan dadka ku nool dhulalka qabow ama barafka ka da'o waxaa laga helaa qoraxda iyo cunanda. 10 illaa 15 daqiiqo oo qoroxda la isku dhigo 3 jeer usbuucii way ku filan tahay in qofka uu fitamiinkaan ku filnaado, sidaa awgeed dadka meelahaa ku nool waa in fitamiin D-ga ay qaataan. hadduu jirka ku yaraado wuxuu keenaa xanuunka Gedefka "Rickets" iyo lafobeelka "Osteoporosis" wuxuu kaloo fitamiinkaan hadduu jirka ku yaraado yareeyaa maadada kaalsiyamka "Calcium" oo iyadane muhiim u ah lafaha.
marka wuxuu muhiim u yahay caafimaadka lafaha iyo ilkaha.
Waxaa laga helaa kalluunka dufanka leh, saliiddka beerka kalluunka, caanaha la warshadeeyay sida cheese-ka, fadhiga iyo caanaha subagga leh.

9- Vitamin E: Fitamiinkaan wuxuu caan ku yahay in uu sunta jirka ka hortago wuxuu caawiyaa samaysanka unugyada dhiigga cascas, wuxuu kaloo ku caawiyaa jirka inuu ka faa'idaysto fitamiin K-ga.
Waxaa laga helaa afokaadada, saliida gabaldayaha, cambaha, babayga, saliidda gallayda iyo khudaarta mugdiga ah.

10- Vitamin K: Fitamiinkaan jirka wuu samayn karaa, waxaana lagu sameeyaa beerka wuxuu muhiim u yahay qulqulka iyo socodka dhiigga, si uusan u xinjiroobin, badanaa jirka kuma yaraado illaa inuu beerka xanuunsan yahay mooyee.
Waxaa laga helaa kabbajka, kalluunka ukunta, beerka iyo hilibka lo'da.

11- Folic Acid: wuxuu la shaqeeyaa fitamiin B12 wuxuuna keenaa dhiigyari hadduu jirka ku yarayahay waana in la siiyaa haweenka uurka leh wuxuu muhiim u yahay samayska DNA oo ah macnaheeda waa muhiim markii unug cusub la samaynaayo, haddii hooyada uurka leh aysan qaadan fitamiinkaan ama uu ku yaryahay waxaa la arkaa in ay dhasho caruur dhabar furan ama san faruuran.
Waxaa laga helaa gallyda, digirta, salbukada, falfalliirka, oranjada, liin balbeelmada, saliidda lowska, khudaarta iyo khamiirka cuntada lagu daro.

Xaquqda qoraalka waxaa iska leh somalidoc

Weli malaguu sheegay faaiidada Karootada Iyo heerka caafimaad oo eey lagaartahay?---------------------------------------...
17/11/2018

Weli malaguu sheegay faaiidada Karootada Iyo heerka caafimaad oo eey lagaartahay?
---------------------------------------------------------------------------
Karootadu waxay ka mid tahay cunnooyinka ay soomaalidu taqaano, lagana helo dhulkooda, karootadu waxay leedahay faa'idooyin badan oo aan ahayn kaliya in aragga ay wax u tarto, waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr cudur oo karootada ka hortag ahaan loogu qaato:

Kolestaroolka: Diraasad lagu sameeyay dad qaba cudurka kolestaroolka oo ku nool dalka ingiirska waxaa ka soo baxday in heerka kolestaroolka uu hoos u dhacay boqolkiiba 11% markii ay qaateen in ka yar rubac karooto ah maalin kasta muddo sadax usbuuc ah, sidaas awgeed haddii xanuunkaan lagugu sheegay ama aad halist ugu jirtid, ku dadaal cunista karootada si aad uga maarantid daawo,
Caafimaadka Wadnaha: Diraasad ay sameeyeen cilmibaarayaal u dhashay dalka Sweden waxay soo daabaceen qoraal ka hadlayo sida ay karootada uga hortagto cudurrada wadnaha iyagoo isbarbardhigay dadka joogteeyo karootada iyo dadka aanan qaadan,
Dhiig-karka: Karootada waxaa ka buuxo maado loo yaqaano "Potassium", waxay jirka u tartaa inay waasiciso xididada dhiiga khaasatan markuu cadaadiska dhiigga uu kaco, waxaa kaloo karootada ku jiro maado kale oo loo yaqaano "Coumarin" oo iyadane cadaadisak dhiiga kontaroolkisia ka qeyb qaadato, haddii dhiigkarku kugu cusub yahay, isticmaal karootada maalin kasta oo joogteey adigoo cadaadisak dhiigaagane cabira si aad u ogaato waxtarkeeda,
Difaaca jirka: Karootadu waxay ka mid tahay cunnada difaaca jirka sare u qaado, taasoo firfircooni ku abuurto unugyada cadcad ee jirka ka difaaco caabuqa noocyadiisa kala duwan, akhriso qoraal ku saabsan Unugyada cadcad iyo waxay ay jirka u taraan.
Dheef-shiidka: Sida cagaarka oo kale ayay karootada u wanaajisaa dheefshiidka iyo shaqada caloosha iyo mindhicirrada qofka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, taasoo yarayso halista baabasiirka,
Kansarka: Karootada waxaa ka buuxo maado la yiraahdo "Beta-carotene" maadadaan waxay yaraysaa halista kansarada khaasatan kansarka sambabka, waxaa la arkay haddii qofka maadadaan uu ka qaato 2.7 milligram maalin kasta inay yaraynayso halista kansarka boqolkiiba 40% markii lagu tijaabiyay dadka sigaarka aad u cabo, cilmibaaris kale waxaa lagu arkay inay yarayso halista kansarka malawadka ku dhaco, taasi waxay na tusinaysaa in karootadu ay faa'ido ka hortag oo aad wayn in ay leedahay haddii la joogteeyo.
Aragga iyo Caafimaadka Indhaha: Karootada waxaa ku jirto maaddo la dhaho "beta-carotene" oo indhaha faaido ugu jirto oo siyaadiso awoodda aragga. Markii karootada la cuno, maadadaas waxaa la geeyaa beerka, kadib beerka wuxuu u badalaa Vitamin A, kadib Vitamin A-ga waxay ishu u sii badashaa maadada muhiimka ah ee isha u baahan tahay oo loo yaqaano "rhodopsin" waana maadada u qaabilsan aragtida midabka. Maadada "beta-carotene" waxay kaloo ka hortagtaa dhaawaca sonkorta isha ay gaarsiiso iyo caadka indhaha fuulo. Karootadu waxay kaloo ka hortagtaa daawane u tahay xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaano "Macular Degeneration", cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo.
Caafimaadka Ilkaha: Karootadu waxay kordhisaa calyada, waayna la dagaallantaa bakteeriyada afka ku dhalato, sidaasne waxay ku yaraysaa suuska iyo bololka ilkaha.
Faaliga / Storke: Waxaa la yiraahdaa karootada oo maalin walba la cuno waxay yaraysaa halista faaliga boqolkiiba 68%, sababtuna waa maadada aan kor ku soo tilmaamay ee "Beta carotene" oo maskaxda u roon,
Macaanka / Sokorowga: Karootadu waxay kontarooshaa heerka sonkorta ee dhiigga, waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulinta, khaasatan waxaa lagula taliyaa dadka sokorta ugu isticmaalayo daawo ahaan in ay shiitaan oo juus ama cabitaan ahaan u cabaa iyadoo sokor lagu darin.
Waxay karootadu waxtarkeedu badan tahay inta aan la karin, sideeda ayaa loo cuni karaa ama waa la shiidan karaa oo cabitaan ahaan ayaa loo cabaa

Lawadaag Bulshada kale si eey u gartaan waxtarka Karootada.

Si aad markasta u ilaaliso heerka tamarta jirkaada waxaa aad u wanagsan oo ey dhaqaatiirtu ku talshaan cunista ukunta da...
16/11/2018

Si aad markasta u ilaaliso heerka tamarta jirkaada waxaa aad u wanagsan oo ey dhaqaatiirtu ku talshaan cunista ukunta dabiiciga ah . Ka baro faaiidadedda Healthfy.

Faaiidada aan lasoo koobi karin ee babayga-----------------------------------------------------------------------------Q...
15/11/2018

Faaiidada aan lasoo koobi karin ee babayga
-----------------------------------------------------------------------------

Qormadaan waxaannu kaga hadli doonnaa babaayga muhiimadda uu u leeyahay caafimaadka iyo waxyaabaha uu u roon yahay si dadka ay uga faa`iideystaan

1. Macaanka: inkastoo Babaygu uu macaan yahay hadana waxaa uu la dagaalama cudurka sonkorowga ama kaadi macaanka, dadka aan qabin cudurkaan si ay uga hortagaan waxay badsan karaan cunista babayga.


2. Difaaca jirka: Babaayga waxa ku badan Vitamin C-ga, wuxuu xoojiya shaqada unugyada difaaca jirka, una saamaxa in cudurrada iyo waxyaabaha waxyeellada leh ee jirka dibada kaga imanaya uu si fiican isaga difaaco.

3. Caafimaadka indhaha: Babaayga waxaa ka buuxo fitamiin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, Babaayga wuxuu hoos u dhigaa khatarta caadka indhaha fuulo ee loo yaqaano “Cataract”, Babaayga, Yaanyada iyo Karootada waa 3-da cunto ee la isku raacsan yahay yahay in laga helo caafimaad buuxo ee indhaha.

4. Cayilka: Babaaygu wuxuu u roon yahay dadka doonaya inay iska ridaan cayilka madaama u ka mid yahay cuntooyinka dhakhso lagu dhargo.

5. Caado Wareerka: Babaayga aan aad u bislaanin wuxuu ka qeyb qaataa caado soo saarka, waxaana lagu la dardaarmaa haweenka caadada ka istaagi rabto (Babayga waad jarjarnaysaa, kadib malab saafi ah ayaad ku darsanaydaa, oo qaaddo ayaa ku cunaysaa).

6. Calool Fadhiga: Babaaygu wuxuu daawo u yahay calool fadhiga, laab-jeexa iyo dheefshiid xumada maama uu yareeyo aash*tada caloosha.

7. Xiiqda: Babaaygu wuxuu u fiican yahay dadka qabo sanboorka iyo xiiqda ama neefta maadama uu hoos u dhigo walxaha kiciyo allergy-ga.

8. Gaaska: Babaaygu caloosha wuu bixiyaa wuxuuna yareeyaa acid-ka caloosha, dheefshiidkane wuu wanaajiyaa, laakiin liin dhanaan iyo sokor haku darin.

9. Welwelka iyo diiqada: Cilmi-baaris lagu sameeyay jaamacadda Alabama ee dalka Mareykanka ayaa lagu arkay in babaaygu hoos u dhigo diiqada iyo welka.

10. Maqaarka iyo timaha: babaaygu wuxuu hodan ku yahay vitamin A, wuxuu koriyaa timaha, waxaana uu la dagaalamaa agoolka (dandruff). maqaarka wuu iftiimiyaa wuxuuna ka qaadaa unugyada dhintay. Waxaa laga sameeya kareemyo iyo shaambooyin

11. Findoobka: geedka babayga waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “papain” taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid, babayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darin, markuu cajiin oo kale noqdo ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac ah.

Xaquuda Qoraalka waxaa iska leh daryeelmagazine

Ma garaneysa Xulbada Weli Ma isticmaashay Mase ogtahay Ineey Faaido Badan leedahay?-------------------------------------...
14/11/2018

Ma garaneysa Xulbada Weli Ma isticmaashay Mase ogtahay Ineey Faaido Badan leedahay?
------------------------------------------------------------------------

Xulbadu (fenugreek) waa dhir-daweed waxtar badan waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaaran.

1-kii qaado ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan:
35.5 oo kaloori ah
6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah
2.5 garaam oo borotiin ah
0.7 garaam oo dufan ah
2.7 garaam oo fiber ah
3.7 miliigaraam oo bir ah
21 miligaraam oo macdanta magnesium ah
32.6 miligaraam oo foosforas ah
0.1 miligraam faytamiin B6 ah
Faa’iidooyinka Caafimaad ee Xulbada
-Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka.
-Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha h**e ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa..
Xulbada waxaa lagu daaweeyaa qumanka qumanka.
Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga.
Xulbada waxaa lagu daaweeya nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo.
Xulbada waxay korisaa timaha, Sidoo kale waxayna ka ilaalisaa burburka iyo go’idda.
Faaidooyinka saliida xulbadu ay leedahay waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado.
Xulbadu waxay faaido fiican u leedahay gabdhaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.
Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka.

Xaquuqda Qoraalka waxaa iskaleh daryeelmagazine

Baaritaan dalka Britain laga sameeyey ayaa sheegaysa in guurka uu yahay mid u fiican wadna xanuunka.--------------------...
12/11/2018

Baaritaan dalka Britain laga sameeyey ayaa sheegaysa in guurka uu yahay mid u fiican wadna xanuunka.
------------------------------------------------------------------------

Daraasad oo mudo 13 sano wax ka badan la waday ayaa amuurtani lagu ogaaday.

Dad ka badan sagaal boqol oo kun oo qof ayaa su'aalo la weydiiyey.

Dadkan su'aalaha la weydiiyey ayaa qabbay xanuuno xiriir la leh cudurada wadnaha ku dhaca.

Waxaana cilmi-baaristaasi lagu ogaaday in dadka guursada ay ka nolol dheer yihiin kuwa aan guursan.

Sidoo kale dadka la xanuunsan cudurada sonkorta ama macaanka iyo dhiigkarka ayaa iyagana la sheegayaa inuu guurku u fiican yahay.

Cilmi-baarayaashani ayaa sidoo kale aaminsan in wada noolaanshaha lamaanaha isguursada ay tahay caafimaad qab.

Xuquuqda qoraalka waxaa iskaleh BBC

Faiidada Cabida Biyaha Badan Iyo dhibaatooyinka Ka dhasha Hadii Aadan Biya fiican cabin---------------------------------...
11/11/2018

Faiidada Cabida Biyaha Badan Iyo dhibaatooyinka Ka dhasha Hadii Aadan Biya fiican cabin
----------------------------------------------------------------------------

Iyadoo la isku raacsanyahay cabista badan ee biyaha in ay ahmiyad gaar uleedahay dadka ayey haddana dad badan oo aan ku baraarugsaneyn faa’iidooyinka caafimaad ee cabsita biyaha ayaa waxaa jira dad badan oo aan cabista biyaha badsan.

Waxaa muuqanaya sawirro muujinaya in dadka qaarkood ay aragtidoodii h**e ee cabista biyaha ay wax ka badaleen, dadkan ayaa isgu jira kuwo helay waanooyin dhaqtareed oo ah in ay biyo badan cabaan iyo dad looga sheekeeyey faa’idooyinka kala duwan ee cabidda biyaha ay u leeyihiin naflaha.

Waxaa daliil u ah arrintaan oo muujinaya fahamka biya cabista iyadoo ay caadi noqotay in lagu arko goobaha shaqada iyo wadooyinka dad wata caagag casri ah oo sida galaaska u sameysan kuwaas oo biyo lagu soo dhaamiyey.

Xasan Bashiir Maxmaed oo ka mid ah dadka kunool magaalada Muqdisho ayaa kamid ah dadka sida joogtada ah biyaha u caba hadaba muxuu faa’ida ah uu ka dhaxlay.

“ Biyo cabista waxaan ka fahmay maqaarka oo aad u qurxanaanayo, biyaha waxaa ay ka hortagaan cudurrada qaar iyo Feyruusyada”.

Badanaa dhaqaatiirta ayaa talooyin waxaa ay bulshada ku siiyaan inay badiyaan cabista biyaha oo xanuunno badan ay kaga baaqsan karaan, waxaana dadkaasi qarkood ay sidaasi ku dhaqan-galiyeen talooyinkii waxaa ka mid ah yuusuf Cabdiraxmaan oo hadda bilaabay inuu qaato talada dhaqtarka.

“ Qofka marka uu biyaha badsado waxaa uu iska dareemayaa caafimaad wanaagsan aniga inaan biyaha cabo waxaa igula taliyey dhaqtar”.

Cabista biyaha badan caafimaad ahaan waa u side dadka waxaa ka hadlaya Dr Cawaale Maxamed Cabdullahir “ Cabista biyaha waa kaalin asaasi u ah qofka noloshiisa, waxay difaacaan cudurro badan xidida jirka ayey qooyaan qofka waxaa ay u furan cuntada qaar ka mid h cudurrada waa u daawo oo ay ka midka yihiin daalka”.

Qoraaga Xaquuqda uleh qoraalka waa Cabdiwahab Maxamed Ibraahim

Muhiimada Quruxda ilkaha Iyo caafimaadkoda.-------------------------------------------------------------------------Ilku...
11/11/2018

Muhiimada Quruxda ilkaha Iyo caafimaadkoda.
-------------------------------------------------------------------------

Ilkuhu waa qayb muhiim ah oo kamid ah jirka aadanaha kuwaasoo qabta shaqo aan xubnaha kale ee jirku qaban karin, ilkuhu waa xubnaha inoo sahla inaan wax cuno, waxay kaloo noo sahlaan inaan dhoola cadayno ama qosolno, sidoo kale ilkuhu waxay kaqayb qaataan quruxda qofka. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis u maleeyaan in ilkuhu yihiin wax aan noolayn balse waa xubno nool oo dareen leh.

Marka aad fiirisid ilkahaaga waxa kuu muuqda waa wax lafo la moodo oo midab ahaan cadaan ah oo saaran ciridka korkiisa, qaybta ugu koraysa ilkaha ee kuu muuqata waxaa la dhahaa enamel waa qaybta qarinaysa unugyada iyo xididada kale ee kujira gudaha iliga, gudaha marka loosii galo ilig walba waxaa gudaha usii qodon dalool ay maraan xididada dareemayaasha. Ilig walba waxaa ku haya ciridka seedo iyo walax kale oo loo yaqaan cementum.

Ilkuhu waxay qaabtaan shaqo muhiim ah oo ay ugu horayso jarjarida hilibka iyo waxyaalaha adag, burburinta cunada, iyo calaalinta. Calaalinta waa shaqada ugu h**eeysa ee dheefshiidka cuntada, taasina waxay kuu cadaynaysaa in dheefshiidka cuntadu uusan ka bilaaban caloosha ee laga soo bilaabo ilkaha. Hadii marka koowaad aan ilkuhu soo calaalin cuntada waxaa dhib kugu noqonaya liqida cuntada.

Kahor intaa cuntada la calaalin waxaa qanjirada ku yaala afka ay soo daayaan dheecaano ka qayb qaata dheefshiidka cuntada ee afka ka bilaabanaya.

Caafimaadka afka iyo caafimaadka guud maxaa ka dhexeeya?
Baaritaano caafimaad oo la sameeyay sanadihii u dambeeyay waxaa lagu ogaaday in afkaaga oo caafimaad qabaa uu kuu horseedi karo jirkaaga oo caafimaad qaba. Taasi oo cadaynaysa in xiriir wayn ka dhexeeyo labadaan shay.

Afka waxaa lagu sheegaa inuu yahay xubinta ugu nadaafada liidata jirka oo dhan, waxaana laga helaa bakteeriyooyin badan oo keeni kara cuduro badan sida, cudurada wadnaha, sonkoroowga ,lafo xanuunka iyo kuwo kaloo badan.


Sababaha sahlaya in bacteeriyada afku ay horseedo xanuuno kale oo jirka ku dhaca waxaa weeye bacteeriyada afku waxay si sahlan ugu dhex socdaali kartaa dhiiga ayadoo markaas tagi karta xubnaha kale ee jirka.

Maxaa keena cudurada ilkaha:
Afku wuxuu hoy u noqon karaa noocyo badan oo bacteriya ah iyo noocyo kaloo badan oo fayrus iyo fungi ah kuwaas oo qaarkood keena cuduro halis ah. Sidoo kale waxaa afka laga helaa nooc bacteriya ah oo aan waxyeelo lahayn oo loo yaqaano Normal flora.

Cuntooyinka sonkortu ku badantahay ee qofku cuno waxay caawiyaan bacteriyada afka, marka labadoodu isla fal galaan waxay sameeyaan aash*to khatar ah oo burburin kara qaybta kore ee ilkaha enamel taasoo keenaysa in iligii god yeesho oo hoos u qodmo.

Sidoo kale bacteriyada ilkuhu waxay dhex gashaa ilkaha dhexdooda ayadoo ku samaynaysa walax madaw oo loo yaqaan [tooltip hint=”plaque”]belek[/tooltip] taasoo sahlaysa in bakteriyadu hoos usii gasho ciridka aakhirkiina sababto in ciridku caabuqo. Hadii caabuqan uu sii socdo wuxuu gaarayaa heer iligu kasoo dhex baxo ciridka kadibna waxaa banaanka imaanaya xididada dareemayaasha ah taasoo sababaysa xanuun xad dhaaf ah.

Sidee ilkahaaga iyo afkaagaba uga dhigi kartaa kuwa caafimaad qaba?
Af caafimaad qabaa wuxuu horseedaa jir caafimaad qaba. Hadii aad rabtid inaad caafimaadka adkaaga, iyo jirkaagaba wanaajisid waa inaad qaadataa taladaan;

Waa inaad ku dadaashid cadayga ilkaha ugu yaraan labo jeer maalin walba
Ka dheerow mukhaadaraadka
Ku caday ilkahaaga dawada ilkaha waayo waxaa kujira maadooyin la dagalama bacteriyada
Isticmaal shay nadiif ah oo dhuuban hadaad rabtid inaa nadiifisid ilkaha dhexdooda iyo meelaha aan cadaygu gali karin
Hadii aad awoodid u tag dhakhtarka ilkaha sandkii labo jeer si loo hubiyo caafimaadka ilakaha
Iska ilaali cuntooyinka sonkorta badan iyo kuwa dufanka badan
Ku dadaal cunista cunooyinka dabiiciga ah iyo qudaarta
Ku dadaal cabida caanaha ay ku yartahay sonkorta iyo dufanku si aad u heshid maadada kalshiyam-ta.

Xuquuqda Qoraalka Waxaa iskaleh barocaafimaad

Xanuunka indhaha eey keenan Alladaha Casriga iyo sida looga gaashaanto.-------------------------------------------------...
10/11/2018

Xanuunka indhaha eey keenan Alladaha Casriga iyo sida looga gaashaanto.
----------------------------------------------------------------------------

Iftiinka shaashadda kumbuyuutarka wuxuu indhaha u geystaa dhibaato caafimaad khaasatan markii si joogto ah loo daawado, sidaa darteed waa in aadan indhaha ku taagin shaashadda kombuyuurtarka muddo dheer ama hoosta aan shaashadaha laga fadhiisan.
10-kii daqiiqaba waa in aad indhaha shaashadda ka weecisaa oo meel kale aad fiirisaa, mideeda kale waxaa habboon in aad shaashadda kumbuyuutarka iska xijisid "Screen Filter" oo loogu tala galay in iftiinka isha dhibayso uu ka yareeyo.

Waa in wajigaaga uu shaashadda u jiraa ugu yaraan 40 illaa 75 cm, waana in aadan 20 daqiiqo ka badan oo xiriir ah aadan shaashadda daawan, 20 daqiiqo ka dib, meelo kale fiiri si indhahaaga fursad u helaan iskuna saxaan.

Haddii aad indhaha sidaas aadan u ilaalin waxaa ku dhacaya cudur ka dhasho iftiinka shaashadaha khaasatan computer-ka loona yaqaanno "Computer Vision Syndrome" Waxaa calaamadaha cudurkaan ka mid ah: madax-xanuun, arag cawaran, qoor xanuun, indho gaduudasho, daal iyo wareer, indho-daal, indho-qalleel, indho-cuncun, weershe iyo in aadan si toos ah meel u fiiri karin.

Haddii aad cilladaan isku aragtay waa muhiim in aad muddo ka caaganaataa isticmaalka shaashadaha computer-ka, mobeelka, TV-ga, waana in aad dhakhtar la xiriirtaa si talo caafimaad laguu siiyo.

----
Xaquuqda Qoraalka waxaa iska leh Somali Doc

09/11/2018

Maskax caafimaad qabta ayaa go.aamisa fegrada wanaagsan.

Ma uleedahay Toontu wax Muhiimad ah Caafimaad keena ?------------------------------------------------------------------T...
08/11/2018

Ma uleedahay Toontu wax Muhiimad ah Caafimaad keena ?
------------------------------------------------------------------

Toonta ama Tuuntu waxay ka mid tahay geedo daaweedyada fara ku tiriska ah ee ummado badan isku waafaqsan yihiin waxtarkeeda caafimaad ayna soo isticmaali jireen xadaaraad h**e oo caalamka soo maray.

Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga daawayno.

Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada ay cilmibaarayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaadkeeda.

Haddiiba faa'idadeeda uusan shakii ku jirin bal aan ka hadalno xanuunada lagu daaweeyo iyo qaabka ay wax u tarto intaba:
Toonta waxaa ku jirto maaddo loo yaqaano "Allicin", waana maadada carafta tuunta xambaarsan iyo awoodda daaweed ee tuunta
Waxyaabaha nafaqada leh oo toonta laga helo waxaa ugu horreeyo Manganese, fitamiin B6, fitamiin C iyo maadada Selenium, waxaa kaloo ku jiro qadar yar oo kaalsiyam, copper, bootaasiyam iyo bir ah.
Toonta waxay sare u qaadaa difaaca jirka, waana sababta loogu adeegsado xanuunada uu fayraska keeno sida ifilada, durayga iyo hergabka, waxaana la arkay in halista hergabka ay yarayso boqolkiiba 70% markii toon la isticmaalo, ka akhriso halkaan cunnada kale ee hergabka lagu daaweeyo:l
Toonta waxay hoos u dhigtaa dhiig karka, waana arkay dad badan oo toonta u isticmaalo inay ku xakameeyaan cadaadisk dhiigga, sadax diraasad oo lagu sameeyay toonta waxay sheegeen in haddii aad qaadatid qadar 600 illaa 1500 mg oo toon ah maalintii inay la mid tahay adigoo qaata kaniiniga dhiigkarka ee loo yaqaano "Atenolol", sidaasne uu dhiigga lagu kontarooli karo, maadaama qadarka toonta ee halkaan ku xusan uu badan yahay oo ay dhici karto inuusan qofka qaadan karin maalintiiba, waxaa habboon in aad tuunta u isticmaasho dhiig-karka markuu cusub yahay ama billaw yahay, laakiin hadduu aad u kaco, waa in aad daawo qaadatid.
Toonta waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka xun ee loo yaqaano "LDL", waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka loo yaqaano "Triglyceride" oo wadnaha u daran, waxaa jiro dhowr diraasad oo ku talinayso in kolestaroolka lagu xakamayn karo cunista toonta joogtada ah.
Toonta waxaa alle ku abuuray maado ka hortagto xanuunada hilmaanka maskaxda keeno sida alzheimers iyo dementia, qaabkane waa in iyadoo jirka ka saarto waxyaabaha dhibkaas keeno oo maskaxda howlgabiyo in ay ka takhallusto iyadoo adeegsanayso qaab loo yaqaano "Detoxification", sidaas awgeed maadaama dhiigkarka ay yarayso, kolestaroolka ay xakamayso, shaqada maskaxdane ay wanaajiso waa daawo u roon duqowda.
Toonta waxay kordhisaa firfircoonida iyo gubista tamarta xilliga jimicsiga ama Gym-ka, wayna ka wanaagsan tahay kana caafimaad badan tahay daawooyinka la sheego in murqaha lagu dhiso oo leh waxyeello badan, haddii aad jimicsi samaysid ku dadaal in aad joogtaysid cunista toonta, waxaana arrintaan laga ogaaday taariihkda giriigga iyagoo orodada marathon-ka siin jiray toon inta aysan orodka billaabin, waana sir waqti dambe la ogaaday.
Dadka ka shaqeeyo warshada kiimikada sameeyo sida rasaasta ama "lead" waxa loo yaqaano waxay aad ugu dadaalaan cunista toonta iyadoo la arkay inay jirka ka saarto suntaas, waxayna ka hortagtaa astaamaha ay dadkaas badanaa dareemaan sida madax xanuunka iyo dhiig-karka.
Toonta waxay kobcisaa caafimaadka lafaha khaasatan dumarka iyadoo siyaadiso hormoonka estrogen, kaasoo hadduu yaraado u qaabilsan daciifinta lafaha, akhriso qoraal aan uga hadalnay arintaas:

Toonta waxay la dagaallanta gooryaanada iyo jeermiska mindhicirrada galo iyadoo alle siiyay awood suuxin oo gooryaanka ku suuxayo taasoo caloosha si sahlan iskaga soo saari karto, badanaa cilmibaarayaashu waxay sheegeen in dadka joogteeyo cunista toonta inay ku yartahay bahallada iyo gooryaanada caloosha galo, haddii dhibato kaa haysato caloosha fadlan ku dadaal toonta oo ku nadiifi mindhicirradaada.
Toonta waxaa kaloo loo adeegsadaa qandho jabis, qufaca, madax xanuunka, caabuq sanqada, kalagoysyo xanuunka, baabasiirka, xiiqda, buronkiitada, qaniinyada masaska iyo dabaqallooca, wuxuuna rasuulka noo sheegay in haddii toonta la saaro meel uu bahal kaa qaniinay iyadoo la tumay waxay jirka ka soo dhuugtaa sunta iyadoo ilaahay idinkiisa ka hortagto in sunta ay dhiigga raacdo, intaas aan soo tilmaamay oo lagu daray ku daawaynta xiiqdheerta, saliilyada ilkaha, cambaarta basada gasho waa wax cilmibaaris lagu sameeyay oo la arkay waxtarkooda.
Waxaa hadda jirto cirbad laga sameeyay toonta oo loo adeegsado feero xanuunka aan daawada waxba ka tarin.!!!
Xaquuqda Qoraalka SOMALI DOC.

Address

Muqdisho
252

Opening Hours

Monday 00:00 - 23:59
Tuesday 00:00 - 23:59
Wednesday 00:00 - 23:59
Thursday 00:00 - 23:59
Friday 00:00 - 23:59
Saturday 00:00 - 23:59
Sunday 00:00 - 23:59

Telephone

615779523

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Healthfy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Healthfy:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category

Health for you

Study of healthcare and financial management systems is fascinating and rewarding. It is fascinating because so many of the concepts involved have implications for both professional and personal behavior. It is rewarding because the healthcare environment today, and in the foreseeable future, is forcing managers to place increasing emphasis on financial implications when making operating decisions. First and foremost, financial management is a decision science. Whereas accounting provides decision makers with a rational means by which to budget for and measure a business’s financial performance, financial management provides systemized financial by specific date and the theories about how systems are dealing with real life solution , concepts, and tools necessary to make better decisions. Thus, the primary purpose of this book and its system is to help healthcare managers and health staff to do less work with efficient time and managers to take better decisions for their health’s outcome. The system is designed primarily for financial managers, although financial specialists—especially those with accounting rather than finance backgrounds or those moving into the health services industry from other industries—will also find the records useful. This health centers and their managers almost use by manual approach and its time killing without progress, it will be necessary countless number of staffs. Thus this system is very useful for health services and other similar hospitals to handle and maintain their work by daily schedule with systems tools. Main features of the chapter are background of the problem, problem statement, and project scope and report organization. 1.1 Background of the problem Until the 1960s, health care centers with financial management systems in all industries was generally viewed as descriptive in nature, its primary role being to secure the financing needed to meet a patients operating systems , or planning, department would project demand for the health’s services or facilities Managers would estimate the assets needed to meet the projected demand; and the finance department would raise the money needed to purchase the required tools, buildings, equipment, and supplies. The study of financial management concentrated on health’s development and society safety reliable way that can easy growth health finance and works monthly fees. African countries have large medical centers and they expanded access to healthcare in the region. The centers have financial systems and focus on needs to be on building robust systems resilient to the next generation of healthcare challenges.

In Somalia they still using manually systems for the prescriptions, checking patients records, appointments and even health fees that cause dissatisfaction or inconvenient between health managers and health staff or even patients and that has serious economic impacts. It disrupts continuity of health care, delays treatment, and affects to patients In turn of appointment for the patients, a study revealed that missed appointment was the most significant factor related to treatment failure. Furthermore, it deprives other patients of earlier appointments which affect other patient’s quality of health center. Economically, missed appointment and late prescriptions have significant impact on the ability to provide efficient and effective out rental services. It results in wasting financial, social costs and wasting time