10/03/2026
Degmada Sheekh
Taariikh: 10/03/2026
OG: Wasaarada H C Gobolka SAAXIL ee uu hogaaminaayo Isuduwaha Dr Hasan
Agaasimaha Nafaqada G-Saahil Hasan Mohamed Abdilahi ' Madaxa Cafimaadka degmada sheikh Ismaaciil Xuseen
Agaasimaha Cusbitaalka Degmada Sheekh Hamse Mohamed Dirie ayaa maanta kormeer iyo adeegyo caafimaad ka fuliyey deegaannada bariga Degmada Sheekh.
Deegaannada la gaadhay waxaa ka mid ah Suuqsade_ Gugux, Gidheys, Cagaarey iyo Ximan, kuwaas oo ay si weyn u saameeyeen abaartii iyo xumadii darneyd ee ka dhalatay roob yaraanta ka jirta deegaannadaas. Intii ay halkaas joogeen, waxay bulshada u fuliyeen adeegyo caafimaad iyo wacyigelin la xidhiidha ilaalinta caafimaadka iyo nafaqada.
Ugu dambayn, bahda Caafimaadka Gobolka Saaxil, gaar ahaan Degmada Sheekh, waxay mar walba ka shaqeeyaan fulinta siyaasadda Wasaaradda Caafimaadka JSL, taas oo ah in la ballaadhiyo adeegyada caafimaadka si bulshada loogu gaadhsiiyo meel kasta oo ay joogaan