Wajid District Hospital

Wajid District Hospital Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wajid District Hospital, Hospital, Wajid.

Deg deg deg. waxaa loo baahanyahay dhiiga noociisu yahay O+  waxaana u baahan qof bukaan ah oo ku jira isbitaalka degmad...
03/08/2025

Deg deg deg. waxaa loo baahanyahay dhiiga noociisu yahay O+ waxaana u baahan qof bukaan ah oo ku jira isbitaalka degmada waajid.
Fadlan Laxariiir Numbarka Isbitaalka 61 3351005

SANAD GUURADII 2AAD EE ISBITAALKA DEGMADA WAAJID.1 AUGUST 2025.Markii dhidibidada loo taagey isbitaalka degmada waajid 1...
01/08/2025

SANAD GUURADII 2AAD EE ISBITAALKA DEGMADA WAAJID.
1 AUGUST 2025.

Markii dhidibidada loo taagey isbitaalka degmada waajid 1-August 2023.

Isbitalka degmada wajid waa xaruunta ugu weyn adeeg caafimaad uga soo doontaan bulshada ku dhaqan degmada waajid iyo deegaanada ku hareeraysan ka dib burburki dowladi dhexe ee Somaaliya isbitalka ayaa dib loo furay 1/8/2023 bulshada ayaa waxey si weyn usoo dhoweeyeen adeegyada uu qabto isbitaalka marki h**e u aadi jireen magaalooyinka baydhabo iyo muqdisho.
Isbitaalka ayaa qabtay adeegyo kala duwan oo u riyaaqeen bulshada reer waajid iyo deegaanada ku hareereysan .
Isbitaalka ayaa ah meesha ugu badan adeeg caafimaad loo doonto labadii sano ee lasoo dhaafey.

Adeeygayada uu qabtey Isbitaalka degmada Wajid 2dii Sano Ee Lasoo dhaafey:-

- Fulinta Qaliimo muhiim ah oo guuleystay, in ka badan Boqol, Shan iyo Toban kun oo bukaan ah oo isugu jira Bukaan socod, Bukaan jiif, Qaliimo, iyo Hooyooyin iyo dhallaan oo loogu shaqeeyay si lacag la’aan ah, soo kordhinta adeegyo cusub oo tayo leh.
- dhiirigelinta iyo soo saaridda Xirfadlayaal caafimaad oo da’yar ah waa qeyb ka mida shaqooyinka hufan oo ay qabteen maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Degmada waajid oo maanta u dabaaldagaya sanad guuradii labaad dardargelinta isbitaalka.

Anagoo ka faaidaysaneyna sanad guuraadii 2aad waxaan baaq u direyna Wasaaradda Caafimaadka DKGS iyo dhamaan hay'adaha taageera arimaha caafimaadka iyo nafaqada in ay naga caawiyaan keenista dawooyin tayaysan iyo dhismaha isbitalka.




28-JULY-2025XUSKA MAALINTA CAGAARSHOWGA ADDUUNKA (WORLD HEPATITIS DAY).Sanad walbo waxaa maanta oo kale dunida laga xusa...
28/07/2025

28-JULY-2025
XUSKA MAALINTA CAGAARSHOWGA ADDUUNKA (WORLD HEPATITIS DAY).

Sanad walbo waxaa maanta oo kale dunida laga xusaa maalinta Cagaarshowga adduunka.
- Cagaarshowgu waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad Walba 28 luulyo waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga adduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyigaliyo qatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah oo sida aamusan wax u dila (Silent Killer).

- Cagaarshowgu waa cudur aan ladaaweyn karin balse si buuxda looga hartagi karo iyadoo laqaadanaayo tallaalka, waana badbaadaada iyo tan qoyskaaga.

FG: Ka warqab Xaaladada Caafimaad Iskana Baar Cagaarshowga Kadibna Ka hortag oo Qaado Talaalkiisa.

.


24/7/2025ISBITAALKA DEGMADA WAAJID.Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/7/2025 waxaa Isbitaalka Weyn ee degmada waajid qalii...
24/07/2025

24/7/2025
ISBITAALKA DEGMADA WAAJID.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/7/2025 waxaa Isbitaalka Weyn ee degmada waajid qaliin noociisu yahay (Bullet Removal Surgery) loogu sameeyey Bukaan Xabad wiifto ah uga soo dhacdey lugta Midig Muddo 5 bilood kahor ah.
Waxaa ilaahey mahadiis ah qaliinkaas oo si guul ah kusoo dhamaadey.

23/07/2025.ISBITAALKA DEGMADA WAAJID.Wafdi uu hogaaminaayo gudoomiye Kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Bakool Mud...
23/07/2025

23/07/2025.
ISBITAALKA DEGMADA WAAJID.

Wafdi uu hogaaminaayo gudoomiye Kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Bakool Mudane Aadan Abdi Abaarey, iyo gudmoomiye kuxigenka Degmada wajid Mudane Mukhtar Ahmed Awdheere iyo Madaxa Caafimadka Degmada wajid ayaa waxey booqasho ku imaadeen xaruunta Isbitaalka degmada waajid.

Wafdiga Waxa Isbitaalka kuso dhoweeyey Maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyey Xaaladda Guud iyo Adeegyada uu bixiyo Isbitaalku.

Ugu dambeyn Masuuliyiinta ayaa soo kormeeray Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka ugana mahad celiyay maamulka howlaha baaxadda leh ay u hayaan bulshada ku dhaqan degmada Waajid.

Deg deg deg. waxaa loo baahanyahay dhiiga noociisu yahay A+  waxaana u baahan Hooyo soomaaliyeed oo ku jirta isbitaalka ...
21/07/2025

Deg deg deg. waxaa loo baahanyahay dhiiga noociisu yahay A+ waxaana u baahan Hooyo soomaaliyeed oo ku jirta isbitaalka degmada waajid.
Fadlan Laxariiir Numberkan 61 3351005

Ciid Wanaagsan.Dhammaan Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Degmada Wajid waxa ay farxadda munaasabadda Ciidul Adxa la wa...
05/06/2025

Ciid Wanaagsan.
Dhammaan Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Degmada Wajid waxa ay farxadda munaasabadda Ciidul Adxa la wadaagayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed meelkastoo ay dunida kajoogaan
Farxad iyo nabad ku ciida dhamaantiin.

عيد مبرك وكل عام وانتم بخير بمناسبة عيد الأضحى المبارك.

26/05/2025

Deg deg deg. waxaa loo baahanyahay dhiiga noociisu yahay B+ waxaana u baahan Hooyo soomaaliyeed oo ku jirta isbitaalka degmada waajid.

02/05/2025

Deg deg deg. waxaa loo baahanyahy dhiiga noociisu yahay O+ waxaana u baahan Hooyo soomaaliyeed oo ku jirta isbitaalka degmada waajid

Address

Wajid
4

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wajid District Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category