08/12/2020                                                                            
                                    
                                                                            
                                            Buurta Adduunka ugu dheer oo sii dheeratay 
Buurta adduunka ugu dheer ee Everest ayaa la sheegay in hal mitir oo koror ah u uku darsoomay dhererkeeda rasmiga ah kadib markii labada dowladood ee Nepal iyo Shiinaha ay ku heshiiyeen cabirka cusub ee buurta oo ku taaka xudduuda labada dal u dhaxaysa. 
Hadda buurta waxa dhererkeeda rasmiga ah noqonayaa 8,848.86 m. 
Labada dal ayaa muddo dheer ku kala aragti duwanaa dhererka buurta, iyada oo dal kasta uu dunida u sheegayay cabir gooni ah. Arrintan ayaa la xiriirta loolanka dunida ee waxa runta ah iyo xogaha rasmiga ah.
        Dr Yoonis Baaba