19/03/2018
BBC
Baraha laga geli karo
U gudub qaybta macluumaadkaSida loo geli karo
Qaabka daalacashada ee BBC-da
Tusmo
Baar
News Somali BBC News Somali Navigation
Qaybaha
Cilmibaaris: Faa’iidooyiinka caafimaad ee cabidda Bunka
23 Nofembar 2017
La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Twitter La wadaag
Saamayn uu yeesho cabbidda Bunka ayaa ah mid ay dadka ku kala gadisan yihiinLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Saamayn uu yeesho cabbidda Bunka ayaa ah mid ay dadka ku kala gadisan yihiin
In si dhexdhaxaad ah aad u cabto bunka ama qaxwada waa badqab dhanka caafimaadka ah. Laakiin in aad cabto maalinkii 3 ilaa 4 koob oo bun ah ayaa leh faa'ido caafimaad, sida ku cad daraasad, ay soo saarrtay shirkadda BMJ.
Daraasada ayaa lagu ogaaday in dadka cabba bunka ama qaxwada badan ay yartahay halista ah in ay ku dhacaan cudurrada beerka iyo qaar ka mid ah noocyada kansarka iyo waliba in ay yartahay halista ah in u qofka madaxa dhiig kaga furmo.
Balse daraasadda ma aysan caddeyn in cabidda bunka uu sabab u yahay arrimhan.
Daraasadda ayaa muujinaysa in hooyada marka ay uur leedahay misana aadka u cabta bunka uu waxyeelo u gaysan karo.
Khubarada ayaa ku taliyay in dadka aysan ku kicin cabbida qaxwada iyagoo caafimaad ka doonayo.
Cilmibaarayaashani oo ka socday jaamacadda Southampton ayaa waxay soo uruuriyeen macluumad la xiriira saamaynta uu bunka ku yeelanayo jirka bina'aadamka.
Waxaa cilmibaarayaasha ay tijaabo ku sameeyeen 200 oo daraasadood oo intooda badan laga sameeyay saameeynta cabbidda bunka.
Marka la isu barbar dhigo dadka aan cabin bunka ,iyo kuwa maalinkii cabba seddex koob ,ayaa dadka cabba waxaa la ogaaday in ay yartahay khatart ku aadan in ay ku dhacaan cudurada wadnaha amaba ay u dhintaanba.
Faa'iidada ugu xooggan ee laga dhaxlo cabbidda bunka ayaa ah in hoos u dhaca halista in qofku ay ku dhacaan cudurradda beerka oo uu ku jiro Kansarka.
Hasa yeeshee, Prof Paul Roderick, oo ka mid ah macallimiinta kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Southampton, ayaa sheegay in daraasada aysan tilmaamin in cabbidda bunka oo kali ah ay sabab u tahay yaraanshaha halista cudurradaasi.
"Arrimaha sida da'da, in qofka uu cabbo sigaar iyo dadka sameeya jimicsiga ayaa dhamaan yeelan kara astaamahan," ayuu yiri.
Wax waliba oo uu Bunka ka mid yahay waa in uu dhexdhexaad ahaadaaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Wax waliba oo uu Bunka ka mid yahay waa in uu dhexdhexaad ahaadaa
Waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda ayaa taageeraya daraasado horay loo sameeyay oo ku saabsan cabidda bunka .
Daraasada ayaa ku talinaysa in haweenka uurka leh aysan cabin maalinkii wax ka badan 200 oo mg oo bun ah ,sababtoo ah haddii ay cabaan qaxwo badan ayaa waxa sare u kici karta halista ah in ay ilmaha soo dilmaan.
wali lama oga halista qofka caba Bunka badanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Wali lama oga halista qofka caba bunka badan
Waxa ay sidoo kale ku baaqayaan in loo baahan yahay in dadka cabba bunka ay ogaadaan faa'dooyiinka caafimaad ee ku jirta.
Eliseo Guallar, oo ka socda koleejka caafimaadka John Hopkins Bloomberg ayaa haseyeeshee sheegay inay waliui jirto hubaal la'aan ku aadan saamaynta ay yeelan karto qofka oo cabba bun ama qaxwo aad u badan.
La wadaag qodobkan Faahfaahin
Email
Facebook
Messenger
Twitter
Google+
WhatsApp
Gadaal ilaa kor
Xul
Keyframe #1 MUUQAAL
Wareysi xaaladda bini'aadamtinimada Bariga Quuta
Keyframe #6 MUUQAAL
Haween isu tagay oo isbitaalka dhallaanka iyo hooyada ka dhisaya Garowe
Keyframe #5 MUUQAAL
Daawo: Wasiir Beyle oo difaacay canshuurta ay xukumaddu soo rogtay
Tirada dhimashada ee duqaynta Suuriya ee magaalada Ghouta ayaa la sheegayaa inay gaartay 250 qof maalmihii u dambeeyey, Qaramada Midoobay ayaana ku tilmaantay masiibo. Ololeeyayaa MUUQAAL
Daawo: Duqeyn ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Suuriya
.
Kacaa-kufka ‘Faalaloowga’ Netenyahu
Cyril Ramaphosa MAQAL
Madaxweyne Ramaphosa ma mideeyn doona xisbiga kala qeybsamay ee ANC?
ws_programme_1024.jpg MAQAL
Faallo: Geerida hogaamiyihii mucaaradka Zimbabwe
farmaajo MAQAL
Madaxweyne Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay BBC
Cabdi Qaybdiid MAQAL
Cabdi Qeybdiid oo ammaankiisa u baqaya
Wararka ugu akhriska badan
1
Jamhuuriga oo Trump uga digay baaritaanka Ruushka
2
Mani yarida oo caafimaaddarro lala xiriiriyay
3
Qabaaillo Soomaaliyeed oo ku heshiiyay in qofkii ruux dila la dilo
4
Madaxayne Putin oo si wayn ugu guulaystay doorashadii madaxwaynanimada
5
Nigeria oo ka baxday saxiixa heshiiska ganacsiga xorta ee qaarada Afrika
BBC News Somali NavigationQaybaha
Qaabka daalacashada ee BBC-da
News
Sport
Weather
Radio
Shuruudaha adeegsiga
Ku saabsan BBC
Siyaasadda xog dhowridda
Cookies
Sida loo geli karo
Parental Guidance
La xiriir BBC
Get Personalised Newsletters
Halkan wax ku xayeysiiso
Ku dar xulashooyin kale
Copyright © 2018 BBC. BBC-du k**a mas'uul aha waxyaabaha ku qoran bogaggan kale ee debadda Nidaamka aan ula dhaqanno xidhiidhada baraha debadda