
10/13/2024
Gabdheheenna aan jecelnahayoow , waan ognahay inaad mararka qaar dareentaan
Kalsooni darro maqaarka iyo naftiina ah, kaddib marka aad u fiirsataan Hal-beega ay bulshadu u dajisay quruxda , taas oo aydaan lahayn.
Waxaan laga yaabaa in aad aaminteen in quruxdu u muuqato qaab gaar ah sidda midab cad, caato ama dherer. Waan ognahay in ay bulshadeenu idiin muujisay qurux aan nabarro lahayn iyo boorsooyin indhaha Hoostooda ah.
Waan ognahay, waxaa jira dad bulshada ku jira oo caddaanta kali ah qurux mooday idinkulana dhaqmin xushmada aad u qalantiin waayo iyagu waxaa ukeenaaya arrinkaas faham la’aan iyo aqoon la’aan. Waxaa jira kuwo idinka iibiya wax asal ahaantooda aan lahubin, waayo dan k**a laha caafimaadka maskaxdiina iyo jirkiina.
Laakiin Gabdhaha Soomaaliyeedoow, waxaad si hagrasho la’aan ah uga shaqayseen inaad mustaqbal wanaagsan u samaysaan naftiina, qoyskiina iyo Kuwa idinku hareeraysan Ee aad jeceshihiin. In kasta oo aad la kullantaan caqabdo sinaan la’aan iyo tageero la'aan ah, haddana waxa aad had iyo jeer samaysaan sidda ugu fiican nolosha.
waan idinku faanaynaa Haweenkeenoow, Waqtiyadiina badan ee aad runta ku taagantihiin ayaan idinku bogaadineynaa. Waxaanad ogaataan , waxaad ku socon jirteen dariiqa saxan si sharaf iyo xurmo leh weligiin, waxaadna abuurteen jawi maanta aynu dhihi karno waxaa lajoogaa waqtigii laga tagi lahaa kalsooni darrada iyo qanaaca la’aantii qofnimo. Waad nala qaadateen in laga tago iscaddeyntii Waanad ku mahadsantihiin ajiibista uyeeriddeena, wadaagida jaceylkiina iyo naxariistiina, Waa noo sharaf inaan markhaati ka ahaano xooggaagiina, tamartiina iyo adkeysigiina. Fadlan sii wada dhiirrigelinta kulligeen, ku dhiirigaliya saaxiibadiin joojinta iscaddeyaka kaas oo sababa dhibaato badan oo caafimaad oo siiwad inaad naftiina jeclaataan - hana u oggolaanina kuwa iloobey inay naftooda jeclaadaan inay isku dayaan inay idinka joojiyaan hankiina ama idinka bedalaan maqaarkiina .
Ogsoonaada haweenkeenoow, in Farxadda iyo weynaantaadu idinku dhex jiraan.nina idin ma dhihi karo kalarkaan ama kaas baad ku qurux badantahay. Waxaad tihiin awooda aan xadka lahayn.
Ogsoonaada Haweenkeenoow inaad tihiin Hoggaamiye, Nina yuusan shaki kaaga abuurin quruxdaada iyo muuqaaga. Hadii uu nin kahadlo kalarkaaga, wuxuu ilaaway jiritaankiisu inuu ku tiirsanyahay Haweenka wuxuu ilooobay qurux tii ugu sareeysay inaad leedahay. Qofkii aanan Xamili karin siduu eebbe kuu qurxiyay, markaas dhibbaatadu adiga maaha, qofkaas kartidarradiisa ayaa hadlaysa.
Haweenkoonoow! Waxaad tihiin farxada guri walba iyo qalbi kasta, waan idin jecelnahay oo waan ognahay doorkiinna Nolosha e, Guulo badan gaadha.
Faafiya iftiinka , quruxa iyo Jacaylka oo u muuji quruxdaada si dabiici ah❤