Puntland diaspora forum in south africa

Puntland diaspora forum in south africa Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland diaspora forum in south africa, 19 durban Road bellville, Cape Town.

 Who Is Colonel Gaddafi?September 11th, 2010Who Is Colonel Gaddafi?Muammar Abu Minyar alGaddafi was born into a Bedouin ...
20/10/2011

Who Is Colonel Gaddafi?
September 11th, 2010
Who Is Colonel Gaddafi?

Muammar Abu Minyar alGaddafi was born into a Bedouin family in the desert area of Sirte in Libya on 7 June 1942. He received a traditional religious primary education before attending a preparatory school in the town of Sebha where he became strongly influenced by the panArab nationalism being espoused by the Egyptian leader President Gemal AbdelNasser. During the Suez crisis of 1956 Gaddafi took part in antiIsraeli demonstrations staged in Sebha which led to his expulsion from the city. He moved to the coastal city of Misurata where he completed his secondary education whilst beginning to organise an underground revolutionary movement. His increasing radicalism led him to enrolling in the Military Academy at Benghazi in October 1963; in an indication of his future charisma as a leader he managed to persuade others from the underground movement to enroll in the Academy. In addition he also encouraged cadets already at the Academy to join him and the members of the underground in forming the central committee of the Free Unionist Officers in 1964. Around this time Gaddafi also enrolled in the University of Benghazi to complete his education by achieving a degree in history. On graduatig from the Military Academy he was appointed to the rank of lieutenant and assigned to the armys Signal Corps based at Gariunis on the outskirts of Benghazi. Whilst stationed there he continued to strengthen the power base of the movement the full network power and influence of which only he was completely aware of.

On 1 September 1969 he led a small group of officers in a bloody coup detat against the reigning King Idris I who was on medical retreat on a Greek resort at the time. Gaddafis rebels abolished the monarchy and established the new Libyan Arab Republic in which a Revolutionary Command Council ruled the country with Gaddafi as chairman. Rather curiously Gaddafi did not promote himself to general of the armed forces but rather accepted a ceremonial promotion from captain to colonel a rank which he has kept down to the present day. Gaddafi began to develop the mew regime along the lines of the Arab nationalism espoused by Nasser in Egypt. He labelled it as Islamic socialism in which the government controlled larger industry whilst permitting private control over smaller companies he also imposed a system of strict Islamic morals. Taking a leaf from Maos Little Red Book he outlined his vision his sagely view of the world and his universal wisdom in the originally titled Green Book which came in three mouthwatering volumes published between 1975 and 1979. In addition to his literary offering soon after coming to power he launched what he termed a cultural revolution in which he strove to eliminate all indications of western culture mainly focussing on the eradication of the two giant ideologies of capitalism and communism. He believed that once all vestiges of foreign culture were removed Libyans could build a harmonious and successful society based upon the pillars of Islam and home grown socialism.

Gaddafi stated to the Libyan population and to the wider world that he was creating a direct democracy governed by the people through local popular councils and communes but in reality the power lay solely with Gaddafi aided by a small band of trusted advisors. However Gaddafi insisted that he was implementing democracy in what he coined as Jamahiriya which could be loosely derived as power for the people by the people. But Libya is no exemplar of democracy civil liberties are basically nonexistent and opposition is simply not tolerated. Gaddafi took on the baton of panArabism from Nasser of Egypt espousing panArabism advocating a unity of all Arab states into one Arab nation. In addition Gaddafi was a supporter of panIslamism and advocated a loose union of all Islamic countries and people. In 1972 he proclaimed the Federation of Arab Republics which was to unite Libya Egypt and Syria but the three countries failed to settle on a specific agreement of how the union would work. A similar proposed merger between Libya and Tunisia failed and would gradually deteriorate into mutual animosity. With the concept of panArabism floundering Gaddafi compounded relations with his neighbouring states by invading Chad in 1973 resulting from a territorial dispute over the Aouzou Strip. Libya were to retain a presence n Chad until 1994. Gaddafis global relations were similarly not the most congenial his continued support of the Palestinian Liberation Organisation and calls for the destruction of Israel made him public enemy number one with many Western states most particularly the United States of America

Exploring Ireland are a leading escorted tours operator in Ireland, providing customized escorted tours of Ireland. Book now for your vacation to Ireland.

17/10/2011

Qarax qasaaro gaystay oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaraxyo Miino oo is xig xigay islamarkaana qasaaro gaystay ayaa maanta ka dhacay Jaamacaddii h**e ee Umadda halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Burundi.



Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle, waxaa qaraxyo miino oo is xig xiggay lala eegtay Xarunta Jaamacaddii h**e oo ay fariisimo xooggan ku leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu qasaaro kasoo gaaray askar ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.



Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in markii uu dhacay qaraxa koowaad ay arkeen 3-qof oo ku waxyeelowday qaraxaasi kuwaasi oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.



Ilaa iyo iminka macadda qasaaraha dhabta ah ee qaraxaasi kasoo gaaray Ciidamada Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo halkaasi fariisimo ku leh hase ahaatee qaraxyadaasi kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay rasaas u fureen dhinacyada, iyadoo halkaasi daqiiqado kadib ay gaareen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG oo ka socday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.



Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Burundi ayaa inoo suuro galin inaan haleelno hase ahaatee wararku ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi sidoo kale uu waxyeelo u gaystay dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi.



Wixii kasoo baxa kala soco Shabelle.net hadii Alle Idmo

17/10/2011

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo sheegay in ay Kismaayo ku socdaan.



Afmadoow(Allpuntland)Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG ee Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay ku socdaan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose iyagoona tilmaamay in aysan jirin cid ishortaagi karta ciidamada Dowladda ee Kismaayo ku wajahan.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubooyinka Maxamed Daahir Faarax oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ay ku socdaan Kismaayo.

Waxa uu sheegay in mar haddii ciidamada Dowladda iyo kuww Raaskambooni ay jogaan Afmadoow iyo Qooqaano talaabada xigtaa ay tahay in ay la wareegan Kismaayo.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni oo is garab sanaya ayaa wada dulaan ka dhan ah Al Shabaabka Gobolkaasi iyagoona haatan degaano badan la soo saaray Al Shabaab.

Xafiika Wararka Allpuntland Muqdisho.

17/10/2011

Gaalkacyo:Haweenka gobolka Mudug oo Kulan Duco ah qaatay iyo Madaxda haweenka Puntland oo shirkaas Taleefoonka uga qaybgalay.
16. oktober 2011

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Haweenweynaha gobolka Mudug ayaa qaatay kulanweyne Balaaran oo Duco iyo Alle-bari isugu jira kaasoo looga hadlayey xaalada nabadeed ee gobolka Mudug laguna taageerayey hormarka laga sameeyey heshiiskii dhawaan magaalada Gaalkacyo lagu gaaray kadib Mushkiladii maalmihii Koowaad iyo Labaad ee bishii tagtay ka dhacday Koonfurta laanta koowaad ee Xaafada garsoor ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo oo khasaare maaliyadeed, mid nafeed iyo kuwo kaleba keentay.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay xarunta wasaarada hormarinta haweenka iyo Arimaha qoyska dawlada Puntland ee gobolka Mudug waxaa lagu soo qaaday sida ay haweenka gobolku u taageersanyihiin xasilinta iyo ka shaqaynta nabada Gaalkacyo oo muqadas lama taabtaan ah ay ku tilmaameen iyagoona Haweenku intii uu kulankaasi socday ku muujiyey sida ay Dhibaatooyinka Koowaad iyo labaad ee dagaaladu u saameeyaan haweenka taasina ay keentay in dagaaladii magaalada ka dhacay ay haweenka si qoto dheer oo aan qiyaas iyo sheegsi lagu koobi Karin u saameeyeen.

Haweenku waxay intii uu kulankaasi socday muujiyeen sida ay u doonayaan in nabad waarta laga gaaro mushkilada gobolka Mudug oo waligeedba ahayd mid taagan oo aan sina u fariisan islamarkaasna hadba waji iyo qaab yeelanaysay taasoo ay sheegeen inay aaminsanyihiin in imika wajigii ugu liitay ay mar gashay balse xal laga gaaray taasoo ay muujiyeen inay ku faraxsanayeen Alle Weynana ay ka baryayaan inuu taas usii labajibaaro, Waxaana ay ku celceliyeen inaysan marna ka daali doonin inay ka shaqeeyaan Nabada iyo xasiloonida gobolka taasoo ay Ummada inteeda kalena ka codsadeen inay kala shaqeeyaan.

Shirkii Ducada iyo Alle bariga isugujira ee ay haweenka gobolka Mudug qaateen intii uu socday waxaa ay khadka Taleefoonka ka casumeen madax mug iyo miisaan kuleh Dhaqdhaqaaqa hormarinta iyo ka shaqaynta nabada ee ay Haweenku wadaan kuwaasoo ay u horaysay Wasiirka wasaarada hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Marwo.Caasho Geelle Diiriye iyadoo ay sidoo kalena wasiirka wehelinayeen kuxigeenkeeda iyo Agaasinka cusub ee wasaarada oo shaqada wasaaradaas ku cusub, iyadoo kulanka ay taleefoonka uga qaybgaleen lagu baray haweenka gobolka Mudug oo ay kala warqaateen markii ugu horaysay tan iyo markii Wasiir xigeen cusub iyo Agaasime guud loosoo magacaabay Wasaarada hormarinta haweenka ee Puntland.

Wasiirka Hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo kulankaas ducada iyo Alle bariga isugujiray dhanka Taleefoonka madaxdii uga qaybgashay hogaaminaysay ayaa isbarid kadib ku dheeraatay sida ay waajibka u tahay in haweenka gobolku ay xasiloonida gobolkooda ka shaqeeyaan, waxaana ay sheegtay in haweenka gobolka looga baahanyahay inay ka dheeraadaan inay qayb ka noqdaan mushkiladaha dhacaya, iyadoo sheegtay in aan loo baahnayn in warbaahinta laga maqlo codka Haween dagaal iyo colaad hurin ka hadlaya, Iyadoo docda kalena sheegtay in Wasaaradeedu ay bogaadinayso Howlaha ay haweenku hayaan, waxaana ay ka digtay in la dhagaysto hadalada ay sheegayaan dad ay sheegtay in Caruurtoodii iyo qoysaskoodiiba ay dibada u joogaan islamarkaasna mushkilad oogideeda ka shaqaynaya, waxaana ay ku cecelisay in hormarkii ay Haweenku wadeen uu saameeyey dagaalkii magaalada ka dhacay taasoo ay sheegtay in aan loo baahnayn inuu sii jiro.



qatalyare
qatal81@hotmail.com

17/10/2011

Dhaq-dhaqaaq Dagaal Oo Laga Dareemayo Deegaano Ka Tirsan Jubada Hoose

Dhaq dhaqaaq xoog leh iyo guluf colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaanada ku dhaw dhaw Afmadow marki ay ciidamada dowlada KMG ay ku dhawaadeen halkaasi.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa taageersan ee Raaskambooni ayaa u jiheystay degmada Afmadow, kadib markii maalin ka hor ay la wareegeen deegaanka Taabto.
Wararka ayaa sheegaya in xiisada dagaal si weyn looga dareemayo deegaanka Qooqaani oo Shabaab ku sugan yihiin, halkaasoo dadkii ku dhaqnaa ay ka barakaceen.Horumarka dagaal maalin ka hor ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa sabab u ahaa in deegaano muhiim ah ay ka qabsadaan Shabaab.

Deegaanka Taabto waxaa uu muhiim u yahay deeganao badan oo isku xira jubada Hoose, waxaa uu ilaa 90-KM dhinaca bari ka xigaa magaalada Dhoobley, halka ilaa 60-km uu u jiro degmada Afmadow.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ay gacan ku siiyeen duulaankii khamiistii diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyay saldhigyo Shabaab ku lahaayeen Taabto.

Dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo xiisadaha dagaal ee ka furan Jubooyinka ayaa ah kuwii ugu ballaarnaa xilligan soo mara, iyadoo dagaalada ay galayaan deegaano hor leh.

17/10/2011

Xaalada Gobalka Jubada Hoose oo Degan iyo Ciidamada Dowlada oo Ku Dhow Degmada Afmadow

Muqdisho (RBC Radio) Xaalad deganaasho ah ayaa saaka laga dareemayaa gobalka Jubada Shoose halkaas oo ay maalmahaan danbe ay ku dagaalamayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab.

Degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose waxaa baneeyay ciidamada ururka Al-Shabaab oo horay ugu sugnaa ilaa iyo iminkana ma gaarin ciidamada dowlada KMG.

Dadka deegaanak ayaa sheegaya in xaalada degmadaasi ay tahay mid dagan isla markaana aysan jirin cid xiligaan maamulaysa degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose.

Saraakiil ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay xiligaan ku dhowyihiin degmadaasi Afmadow isla markaana ay qorshaynayaan in ay la wareegaan dhamaanba degmooyinka gobalada Jubooyinka.

Ilaa iyo Iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan deegaanada badan ee gobalada jubooyinka ee xiligaan laga qabsaday oo ay la wareegeen ciidamada dowlad aKMG Soomaaliya.

Ciidamada dowlada ayaa deegaanada qaar waxaa ku wehlinaya ciidamada wadanka Kenya waxaana dadka deegaanaka ay ku waramayaan in ay arkayaan ciidamada Kenya oo wata gawaarida dagaalka oo kusan gudaha Soomaaliya.

Inkastoo xaaladu ay tahay mid degan ayaa hadana mar walba waxaa la filan karaa in ay dhacaan dagaalo horleh oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dowlada KMG Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

17/10/2011

Diyaarad Dagaal oo ay Leedahay kenya oo Ku Bur-burtay Meel Ku Dhow Soodinta Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (RBC Radio) Diyaarad nuuca dagaalka ah oo laga leeyahay wadanka Kenya ayaa ku soo dul bur burtay magaalada Liboya oo ku dhow soodinta kala qaybisa Soomaaliya iyo Kenya.

Diyaaradaan ayaa la sheegay in ay ka mid ahayd diyaaraha dagaalka ee wadankaasi Kenya, waxaana la aaminsanyahay in diyaaradaan ay ka qayb qaadanaysay howlgalada ciidamada dowlada Kenya ay maalmahaan ka wadaan deegaano ka tirsan gobalka Jubada hoose.

Dowlada Kenya wali wax faah faahin ah k**a aysan bixin arinta ku aadan diyaaradaan sababa ay u soo dhacday iyo waliba in la soo riday, iyo sidoo kale inuu khasaaro ka dhashay iyo in kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaan ay soo rideen ciidamada Al-Shabaab oo ku sugnaa meek u dhow soohdinta Soomaaliya ay la wadaagto wadanka Soomaaliya.

Mudooyinkaan danbe ayaa dowlada Kenya waxey ciidamadeeda si toos ah ay u soo galeen gudaha wadanka Soomaaliya waxaana lagu arkay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Jubada Hoose.

Arintaan ayaa waxey ka danbaysay ka ib markii dagaalyahano la aaminsanyahay in ay xiriir la leeyihiin ama ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab ay dhow mar Afduubyo is xig xiga ay ka geesteen gudaha wadanka Kenya gaar ahaan xeryaha qaxootiga wadankaasi.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Caasimada Soomaaliya

17/10/2011

Gudomiyaha Barlamanka Dawlada Puntland iyo Xubna katirsan Golaha Xukumada Oo Galkacyo ku Sugan.
Posted by pi on October 16th, 2011

Galkacyo(Puntlandi.com);- Gudomiyaha Barlamaanka Dawlada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi iyo Wasiiro katirsan xukumada Puntland ayaa soo garay magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Boqashada Gudomiyaha Barlamaanka waxaa wehliya tira xildhibaanaa iyo Wasiirka Shaqada,Shaqalaha Dhalinyarada iyo cayaraha Puntland C/wali Xirssi Cabdule indhaguran Wasiirka Cadalada iyo arimaha diinta C/khaliif Xaji Xasan (Ajaayo) Wasiirka hawlaha guud iy gaadiidka Eng. Daahir Xaakhi Khaliif iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland.

Gudomiyaha Barlamaanka iyo xubna wehliya ayaa ujeedada imaatinkooda Galkacyo lagu saleeyay hirgalinta qodabadii ka harsanaa heshiiskii lagu afmeerayay dagalkii ka dhacay magalada Galkacyo.

Gudomiyaha iyo wasiirada wehliya ayaa halkii ay wadahadalada marayeen ka sii anba qaadidoono waxaana u soo xilsaaray dhamaynti heshiiskaa Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr.C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamud isaga oo tixgaliyay nabada iyo wadanolashaha shacabka Gobolka Mudug ayuu madaxwaynaha garawsaday wafdi heerkaa ah in uu umagacaabo dhamaynta xurguftii Gobolka Mudug ka dhacday.

Masuuliyiintan ka socda labada Gole ee Dawlada Puntland ayaa kulankoodii u h**eeyay laqatay Isimadii ku guulaystay nabada Galkacyo.

Puntlandi.com Galkacyo.

26/09/2011

GAALKACYO: Arday ka ambabaxay Maanta Garoonka Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo: (pp)- Waxaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Galkacayo ee xarrunta Gobalka Mudug arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Turkiga kuwaas oo dhawaan dalka turkigu deeq waxbarasho ka helay .


Arday Deeq waxbarasho u aaday Turkiga
Guddoomiyaha waxbarashada Gobalka Mudug oo waraysi uu siiyey Puntlandpost ayaa sheegay in si wanaagsan oo ay farxad iyo raynrayn ka muuqato saaka uga ambabexeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ardaydii deeqdawaxbarasho ka heshay dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa deeqdan oo ah illaa heer dugsi sare & mid Jaamacadeedba ugu deeqday shacabka soomaaliyeed ee Puntland, waxaa kaloo dhanka kale xusid mudan in dowlada Turkiga takhaatiir ka socota ay ku sugan yihiin Puntland, iyagoo doonaya inay gar-gaar caafimaad ay siiyaan shacabka Puntland.

Madaxweynaha Puntland & madaxda Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada aad ugu hanbalyeeyey dowlada Turkiga & kaalinta ay ka qaateen badbaadinta shacabka soomaaliyeed.
Isku soo wada duubo waxaa ay Dowlada Turkigu u balan qaaday Dowlada Puntland in ay wixii kalaankeena ay ka caawin doonto, gaar ahaan dhanka Caafimaadka & Waxbarashada , waxaana heshiisyadaas horay u gaaray Dowlada Puntland & dowlada Turkiga , kuwaas oo xiriirkoodu uu maraayo meel aad u wanaagsan.


Siiciid C/salaam Siciid
Wakiilka Puntlandpost-Garoowe

26/09/2011

Garoowe: (pp)- Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa kaga hadlay go’aamadii ka soo baxay shirarkii xalinta khilaafaadkii dhawaan ka dhacay Magaalada Galkacayo ee xarrunta Gobalka Mudug.


Af- hayeenka Isimada Puntland oo soo dhaweeyey heshiiskii Gaalkacyo
Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa sheegay in go’aamadaasi ay yihiin kuwo muhiima waxaana uu intaas ku daray in uu aad u soo dhawaynayo go’aamadii ka soo baxay, iyadoo Garaadku uu sheegay in shacabka reer Puntland ay yihiin kuwo isku tanaasula.

Dhanka kale waxaa uu amaan balaaran u jeediyey isimada iyo waxgaradka beesha leelkase oo uu ku tilmaamay kuwo qayb wayn ka qaatay sidii loo soo afjari lahaa in la damiyo colaadii dhacday magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee waxaa uu ugu baaqay dowlada Puntland iyo shacabka in ay gacan wayn ka gaystaan sidii aysan dib dambe dagaal iyo colaad sokeeye aysan uga dhicin Gobalka Mudug.

Garaadka mar uu ka hadlayey Shacabka & dowladooda ayuu yiri ”‘shacabka reer Puntland waa inay la shaqeeyaan Dowladoodda, islamarkaasna ay tixgaliyaan maamulkooda” . sidoo kale waxaa uu xusay in Garaadku in wada shaqayn dhexmarta shacabka iyo maamulka lagu gaari karo horrumar.

Ugu dambayntii Garaadka ayaa isimada iyo culumo udiinka reer Puntland baaq u jeediyey, isaga oo baaqiisa ku sheegay in ay kaalin wayn ay ka qaataan waxkasta oo khal-khal galin kara Amaanka guud ee Puntland, taasina ay tahay mida ay wakiilka uga yihiin nafdooda iyo shacabkoodaba.

Siciid C/salaam Siciid
Wakiilka Puntlandpost-Garoowe

26/09/2011

Arday Gadoodsan Ayaa Ku Tilmaamay in La Musuq-maasuqay imtixaankii Garoowe Ka Dhacay

Deeqdii ay bixisay dowlada Turkiga ee loo qay-biyey gobollada Puntland ayaa la soo sheegayaa in la musuq-maasuqay oo loo kala qaatay si sad-bursi ah.

Gobollada Bari, oo ay ku jirto degmada labaad ee Qardho, Sanaag iyo Sool ayaa waxaa la sheegayaa inay heleen tiro aad u kooban marka loo fiirsho tirada ardayda ay heleen gobollada Nugaal iyo Mudug oo imtixaanku ka dhacay labada magaalo ee Garoowe iyo Gaalkacyo.

Natiijada ay shaaciyeen guddiga kormeerka iyo la socodka imtixaanadan ayaa sheegay Ardeyda ku guuleysatay deeqaha waxbarashada ee deegaanada Puntland, waxaana soo ifbaxday in magaalada Garoowe ay saami mug weyn ka heshay deeqdii waxbarasho, halka magaalooyinka kale ee Puntland sida Boosaaso, Qardho, Laascaanood, Buuhoodle, iyo Badhan tiro aan badnayn ay heleen.

Waxaana nasiib darro iyo masiibo qaran lagu micneeyey boobka baaxada leh ee loo maamulay waxbarashadii la doonayay in sida siman uga wada faa’iideystaan ardayda Puntland oo dhan.

Waalidiin iyo arday goob joog ka noqday labadii imtixaan ee ka kala dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa qaylo iyo cabasho afka furtay, qaarkoodna waxay Emeilo kusoo harqiyeen shabakada Puntlandnews24.com.

Arday badan oo ka kala yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho oo ay PN24 la hadashay ayaa uga waramay sida ay wax u dhaceen

C/fataax Ciise ”Cadaalad darro iyo eex ayaa nalaku sameeyey, dad khaas ah oo diyaarsan foomamkoodii ayey Turkiga la horgeeyey, waxaana laga xushay intii diyaarka ahayd ee dhiganayey iskoolka GAMBOOL”

Xidig Yare “ Safar dheer baan kaga soo baxay Boosaaso, aniga iyo qoyskeyga, waxaan ku kalsoonaa inaan ahay qof ka gudbi kara imtixaanka oo ahaa Xisaab iyo English, hase yeeshee safarkeygii wuxuu noqday khasaaro markii musuq-maasuq xoogan lagu sameeyey deeqdii waxbarsho ee dowlada Turkiga noogu deeqeen waxaana diyaar u nahay inaan samayno dibad-bax aan kaga cabanayno cadaalad darrada iyo eexda uu sameeyey wasiirka la yiraahdo JUXA oo aan u malayn jirnay nin daacad ah”

Ka sokow waraysiyada iyo cabashada ay bixinayaan ardayda ka qayb-gashay imtixaanadii ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Garoowe, waxaa si weyn isku soo taray gadoodka laga bixiyey deeqdii waxbarasho ee Turkigu bixiyeen oo gobollo qaarkood lagu taxay.

Cadaalad darrada ay iskula dhaqmayaan reer Puntland dhexdoodana waxay abuuri kartaa shaki iyo aaminaad darro, maxa yeelay Boosaaso oo leh 27 dugsi in ay saami u hesho tiro 8 qof ka yar waxay noqotay calaamad su,aal sidii loo maamulay deeqda la sheegayo in la musuq-maasuqay.

Aqoonyahano badan ayaa shaki ka muujiyey, sida sahlan ee lagu saxay imtixaanka ay galeen arday tiradooda 5,000 gaareysa, iyo waliba in magaalada Boosaso ardaydii ku rafaaday inay u dhabar adeeygaan waxbarashadooda niyad xumo kula soo noqdaan.

Dad badan ayaa tilmaamaya inay markii h**eba khalad ahayd in Garoowe iyo Gaalkacyo loo xusho meelaha lagu qabanayo imtixaanaadka, iyadoo magaalooyinka Boosaso iyo Qardho aan wax tixgelin ah laga siin in ay marti galiyaan imtixaanka.

Maxamed Axmed Yassin {Koranto}

Puntland News-24

26/09/2011

Haweeneydii u Horeeysay Ee Africa u Dhalatay Oo Ku Guuleysata Abaal-marinta Nobel Peace oo Geeriyootay

Wangari Maathai oo ah haweeneydi ugu h**eysay Qaarada Africa kasoo jeedo ee ku guuleysato abaalmarinta Nabada ee Nobel Peace Prize ayaa maanta ku geeriyootay cisbitaal ku yaalo magaalada Nairobi.

Wangari Maathai oo aheyd 71 jir Kenyan ah ayaa waxa ay in muda ahba la il darneyd cudurka kansarka.

Maathai ayaa aheyd haweeney ku caan baxday u dhaq dhaaqida iyo difaacida beey,ada ama deegaanka waxaana sanadki 2004 ay ku guuleysatay abaal marinta ugu qaalisan caalamka ee Nabada.Sidoo kale waxay gaashaan u aheyd haweenka Kenya iyada oo u dhaq dhaqaaqi jirtay xuquuda dumarka iyo in dowlada ay ku shaqeyso nidaamka cadaalada ah ee ku saleysan itusi oo i taabsii.Waxa ay aas aastay urur ka shaqeyn jiray deegaanka oo la yiraahdo Green Belt Movement, sidoo kalana waxa ay mar noqotay mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya sanadki 2002.Bayaan laga soo saaray hey,ada ay iyadu sameysay ee Green Belt Movemnet ayaa lagu sheegay in maanta ay u tahay maalin murugo leh qoyska iyo dhamaan dadka Kenya geerida Wangari Maathai.
“Waa weeyaan murugo weyn oo soo food saartay qoyska Professor Wangari Maathai oo ku geeriyootay cisbitaalka Nairobi Hospital marki ay taariikhda ku beegneyd 25 September, 2011, waxaana ay u dhimatay xanuun mudo ay la jiiftay oo ah cansar,” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay hey’ada Green Belt Movement.

Maathai, oo sidoo kale ahaan jirtay professor dhinaca xanaanada xoolaha iyo hab dhismeed jirka ayaa kusoo caan baxday olole caalmai noqday marki danbe oo ka dhan ahaa dowladihi h**e ee dalka Kenya sanadihi 1980s and 1990s.

Waxa ay aad ugu cambaareyn jirtay dowladahaasi in ay ku tuntaan dhirta daaqa iyo deegaanka.

Madaxweyne yaal badan oo African ah ayaa tacsi u diray dadka Kenya waxay ku amaaneen doorki ay ka qaadatay bey,ada iyo badbaadinteeda.

Address

19 Durban Road Bellville
Cape Town
7530

Telephone

27781554476

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland diaspora forum in south africa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Puntland diaspora forum in south africa:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram